Wadahadaladii guddiyada Farsamo Beri uga furmi lahaa Beri Axada oo Mar kale Dib u Dhacay...
Wadahadaladii guddiyada Farsamo Beri uga furmi lahaa Beri Axada oo Mar kale Dib u Dhacay...
Jabuuti(Xogreebnews)- Shirkii guddiyada Farsamo ee Somaliland iyo Somaliya uga furmi laha Axada 12-ka July, dalka Jabuuti ayaa mar kale dib u dhacay mudo aan Cayinay.
Wararka ay ilo Xog-ogaal ah ka heshay Shabakada Xogreebnews, ayaa shaaca ka qaaday in Shirku ka baaqday dhinaca Somaliya oo horena xagooda uu ka baaqday.
Ilo-wareedyada ay heshay Shabakada Xogreebnews, waxay intaa ku dareen in Somaliland ay diyaarisay xubnaha waftiga Wadahadalada Guddiyada Farsamo, isla markaana ay dhoofi-lahaayeen Maanta oo Sabtiya.
Hase-yeeshee dhinaca xubnaha waftiga Somaliya, ayaa Xalay ku wargeliyey dawlada Jabuuti, in mudo aan cadayn la baajiyo, Shirka isla markaana dib loo dhigo.
Si kastaba ha ahatee, laba todobaad gudihii waa markiii labaad ee u baaqday Shirka guddiyada Farsamo ee Somaliland iyo Somaliya uga furmi lahaa Jabuuti.
Daba-yaaqadii bishii jun, ayuu Shir afar geesood ah uu ka dhacay dalka Jabuuti, Shirkaas oo lagu Wadahadal siiyey Somaliland iyo Somaliya, waxana shirkaas Wadahadalada ku gacan-sareeyey Somaliland oo soo bandhigtay dood garnaqsiya oo adag. Leave a comment |
|
Wadahadaladii guddiyada Farsamo Beri uga furmi lahaa Beri Axada oo Mar kale Dib u Dhacay...
Wadahadaladii guddiyada Farsamo Beri uga furmi lahaa Beri Axada oo Mar kale Dib u Dhacay...