"Marxaladaha Halganka Somaliland waa mid Soconaya ilaa inta laga xaqiijinayo himilada umadani leedahay ( kulu saban lahaa rijaal)" Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

0
Sunday July 12, 2020 - 21:04:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Marxaladaha Halganka Somaliland waa mid Soconaya ilaa inta laga xaqiijinayo himilada umadani leedahay ( kulu saban lahaa rijaal)" Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

    1. Marxadii halgankii xoraynta ee hubaysnaa 2. Marxaladii halgankii Dibu- heshiisiinta sland 3. Marxaladii halgankii hubka dhista ciidan iyo Yagleelkii dawladnimada & dastuurka dalka. 4 Marxaladii halgankii Doorashooyinka iyo Xisbiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Marxadii halgankii xoraynta ee hubaysnaa 2. Marxaladii halgankii Dibu- heshiisiinta sland 3. Marxaladii halgankii hubka dhista ciidan iyo Yagleelkii dawladnimada & dastuurka dalka. 4 Marxaladii halgankii Doorashooyinka iyo Xisbiyada Badan . 5. Marxalada halganka maanta ee citiraaf
"Waxaan aan doonayaa inaan halkan ugaga  warbixiyo bulshada Somaliland in maraaxil kala duwanoo  halgana wadankan loo soo galay ilaa iyo maantana uu socdo halganku, Marxalad walibana ay leedahay rijaal ku suntan halgankaas iyo mid  rife ah oo ka daba sanaadha oo cadawga u adeegayey waxaan jecelahay inaan marxaladahaa kow iyo ka idhaahdo:-
1. Marxadii halgankii xoraynta ee hubaysnaa
2. Marxaladii halgankii Dibu- heshiisiinta sland
3. Marxaladii halgankii hubka dhista ciidan iyo 
    Yagleelkii dawladnimada & dastuurka dalka.
4 Marxaladii halgankii Doorashooyinka iyo 
   Xisbiyada Badan .
5. Marxalada halganka maanta ee citiraaf 
     raadinta Somaliland.
Marxalad kasta oo aan soo xusay waxaa laysku wajahaayey nin uu halgankaasi ka dhab yahay iyo mid wiiqaayey kuna dadaalaayey inan waxba soconin, waxaa dhacaysay  aan meesha ka madhnayn mid isugu halgankaas hubaysnaa ku wanaagsanaa, oo ka soo horjeeday dhamaan halganada kale ee aynu wax ku noqonaynay, waxaa jirayey mid isagu halganka kii hubaysnaa ka soo hor jeeday oo qiimo iyo sharaf ku lahaa halgankii yagleelka dawladnimada, waxaa kale oo jirayey jirana mid isagu mid walba ka soo horjeeda oo aan ogolayn wax inoo kordhaba.
Haddaba kolkay sidaa tahay waxaa haboon in la fahmo in ninkasta oo marxadahaa halganka ee weli socda kii uu soo gaadhay si fiican uga hawlgalay inuu yahay mujaahid wadankan u soo halgamay, halgankana aan lagu koobin kii qoriga oo keliya, waa inaynu u aqoonsananaynaa inay odayaasheenii Guurtida ahaa nabadaynta Beelaha iyo wax wada yeelashada rukumada u dhigay inay ahaayeen Mujaahidiin, inaynu u aqoonsanaano rag badan oo aan ka xusi karaayo fagadhe, fu aad adan cade , buuni , qaybe & faraton oo maanta wasiirka arrimaha debeda ah & ragg badan oo aanan halkan ku soo koobi karini ay yihiin mujaahiin halganka wadanka qaybtooda ka qaatay. 
Sidoo kale madaxweyneyaashii marxaladahaas halganka adag ku suntana ee  mayalka u hayey waa mujaahidiin meel fog inagaga yaala Maxed x. Ibraahin , Riyaale , siilaayo, & Madaxweynaha Maantuba. 
Sidaa daraadeed si aynaan Taariikhda uga been sheegin waa inaynu xusno nin waliba halka uu halganka kaga jiro aqoonsanona kaalintiisa qiima leh ee uu ka galay. inagoo ogsoon in ilaa iyo inta ka xaqiijinayno himiladeena inaynu ku jiro halgan dhibkiisa leh ragga ku suntanina ay yihiin halgamashii wadankani lahaa, arrinteenuna aanay ku koobnaan hal marxalad oo halganku maraayey oo ah kii hubaysnaa.taasi waxay inaga luminaysaa halganka qori isu dhiibka ah ee ninba kaalin kaga jiro iyo taariikh wada lahaanshaha bulshadu wada leedahay.
Waa bilahi Tawfiiq 
Kayd Cabdilahi Xandule 
Hargeysa/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured