Is-barbar Dhig: Shirkadaha Isgaadhsiineed ee Wadamada Africa Halkeebay Shirkada Telesom ee Somaliland kaga Jirta...?.

0
Saturday July 18, 2020 - 14:30:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is-barbar Dhig: Shirkadaha Isgaadhsiineed ee Wadamada Africa Halkeebay Shirkada Telesom ee Somaliland kaga Jirta...?.

    Is-barbar Dhig: Shirkadaha Isgaadhsiineed ee Wadamada Africa Halkeebay Shirkada Telesom ee Somaliland kaga Jirta...?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is-barbar Dhig: Shirkadaha Isgaadhsiineed ee Wadamada Africa Halkeebay Shirkada Telesom ee Somaliland kaga Jirta...?.
Kano(Xogreebnews)-Waxa aan Akhristayaasha sharafta leh, halkan ugu soo gudbinayaa qormo kooban oo aan kaga hadli doono adeegyada isgaadhsiineed ee ay bixiyaan Shirkadaha Africa kuwa ugu wanaagsan iyo wadadamadooda.
Waxaan safaro ku  maray dhowr wadan oo ku kala yaala Bariga iyo galbeedka Africa, wadamada aan tagay waxay kala yihiin Somaliland, Itoobiya, Jabuuti, Kenya oo ah Bariga Africa iyo Nigeria iyo Niger, oo ah galbeedka fog ee Africa, intii aan ku kala sugnaa wadamadaas mid walba, Waxaan ka isticmaalay Simi-kaadh aan ka isticmaalayey adeega Enternetka iyo ku hadal.
Akhristee wadamadaas qaarkood yihiin kuwa Africa ugu quwada badan, waxa aad u liita adeegyadooda isgaadhsiineed ee ay bixiyaan Shirkadaha Telefoonada iyo weliba Enternetka, waxana hooseeya oo aad u daciifa khadkooda, waanaad kar-haysaa markaad la hadli Kari-waydo Cidii aan khadka ka wici-lahayd.
Hada waxaan jooga Nigeria, waxa adeega Enternetka bixiyaa laba Shirkadood oo lagu kala magacaabo Glo iyo MTM, labaas shirkadood isma adeeg dhamaan khadkooduna waa 3G, aadbaan u hooseeya adeegoodu, intaa badan dadka kama waco Calka, hase-yeeshee waxaan u duuba fariimo cod ah, iyo qoraal.
Hadaba, waxaan ogaaday in wadamaas aan soo sheegay ay xaga adeega isgaadhsiineed ka wanaagsan tahay, isla markaana ka horumarsan tahay Shirkada Telesom oo sanaad ka hor aan isticmaali jiray adeegeeda Telefoonka sida ku hadalka iyo weliba Enternetka. Waxaan isticmaali jiray adeega 4G, oo aan waqtiga u haystay inuu liitay,  hase-yeeshee imika aan u darsaday, waxanan maanta Halkan ka cadaynaynaa in wadamo badan Somaliland ka horumarsan tahay xaga adeega isgaadhsiineed ee Enternetka, waana Ilahay Mahadii.
Guulaha qaran ahaaneed we Somaliland ku talaabsanaysaa waa kuwo dhinac walba ah oo Koraya, isla markaana dhaafay kuwo Wadamada Aqoonsiga haystaa ee weliba Africa ugu awooda badan, tusaale ahaan Somaliland waxay ka adeeg Isgaadhsiin wanaagsan tahay Nigeria iyo Itoobiya oo ah wadamo boqolaal Milyan oo dad ahi ku nool yihiin sanooyin badana ayaa dawlado xadaarad sheegta, markaa waxaan odhan karnaa sida ay Somaliland u korayso hadii Insha Allah ay hesho aqoonsi way dhaafaysa wadamada Africa, waxanay la tartamaysaa kuwa Yurub Idin Alla.
Guntii iyo gebo-gebadii Soomalidu waxay ku maahmaahda Nin aan dhul marini Dhaayo'la, waxaan uga socda Shirkadaha Isgaadhsiineed ee Somaliland gaar ahaan Shirkada Telesom waxay umada u qabatay wax aad loogu boggaadiyo, tusaale ahaan waxay bixisaa adeegyo waaweyn oo aan aamin sanahay in lagu boggaadiyo, waxana kamid ah adeegyadaas, Adeega Saad iyo Enternetka xawaarihiisu sareeyo ee ay Telesom bixiyaan. 
Alla Mahad leh.
Weriye Cabdicasiis Bashiir Nuur.
Xogreeb@gmail.com 
Kano/Nigeria



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured