"Diyaaradii Hargaysa ka kacday ee Hadana Duqaysay".Siyaasi Axmed Cali Faarax

0
Saturday July 18, 2020 - 17:39:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Diyaaradii Hargaysa ka kacday ee Hadana Duqaysay".Siyaasi Axmed Cali Faarax

    "Diyaaradii Hargaysa ka kacday ee Hadana Duqaysay".Siyaasi Axmed Cali Faarax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Diyaaradii Hargaysa ka kacday ee Hadana Duqaysay".Siyaasi Axmed Cali Faarax
Sida aynu wada ogahay Dawaladuhu waxay leeyihiin Baratakool la raaco markasta oo ay ku gudo jiraan fulinta waajibaadkooda shaqo,Tusaale ahaan 
Heshiisyadu waa waxyaabaha ugu muhimsan ee lagu qiimeeyo nidaamka dawladnimo ee markaa jiraa sida uu u fuliyo waajibaadkiisa .
Hadaynu dib ugu noqono Heshiisku waxa uu tilmaamaa fulinta qodobada dhinacyada galay hashiiska looga baahanyahay .
Dawladuhu Gelista Heshiisyada waxay ku saleeyaan Qodabada mabaadiida guud
_Miisanka dhaqaale uu leeyahay
_Miisaanka siyaasadeed ee uu leeyahay iyo
_Ka Bulsho ee uu leeyahay 


Dawladuhu ka Bixisa Heshiisyada waxay ku saleeyaan fulin la'aanta Shuruudaha  iyo Xeerarka ku xusan (Terms and Conditions)guda hiisa ay ka baaqsatay fulintooda cida heshiishka la-lagalay ama la siiyay.
Sidaynu la socono is bedalida maamuladu,ama marka Maamul cusubi yimaado waxa xaq u leeyahay ,Heshiisyada uu galay maamulkii la horeeyay inay sidooda u daayaan, wax ka bedelo iyo inuu laalo ama Meesha ka saaro ,waxaana lagu qadariyaa Xukuunadaa laguna qiimeeyaa sida ay u maamusho Laalista ama ka Bixista Heshiiska waxaana sharcigu dhigayaa cida awooda u leh ama u xil saarani ay dariiqadan u raacdo:
_ In la soo gudbiyo oo la sababeeyo ujeedada laalista heshiiska G Wakiilada
_In la sameeyo laguna muujiyo qoraalka xeerarka iyo shuruudaha heshiiska ee uu jabiya  ama uu ka baaqsaday fulintooda  cida heshiiska haysatay ama lala galay
_In golaha wakiiladu qodob qodob uga doodaan una ansixiyaan soo jeedinta iyo eedayanta fulin la aanta ama ka baaqsiga shirkada ee xukuumadu soo gudbisay 
Hadaba sida loo maamulay laalista Heshiiskii Isgaadhsiinta Somcable ee ganacsade Maxamed Aw Saciid waa mid aan waafasanayan nidaamka iyo xeererka kana dhigtay talaabadan sharci daro,isla Markaana kalsooni daro iyo shaki gelinaysa  Heshiiska lala galay shirkada kale ee isgaadhsiinta iyo dhamaanba cidii danaynaysay wax isdhaafsiyo heshiisyo gudo iyo debedba ayaga oo ku qanacsan inay tan oo kale bering ku dhici karto
Talaabadani waxay suaal gelisay Dhawrida,Meelmarinta iyo Raacista xeerarka Heshiisyada Guud iyo Gaar ee xukuumada soomaaliland ,waxaanay ka dhigtay arinkeeda,Diyaaradii Hargaysa ka kacey ee hadana Duqaysay.
Dhawaaqaa danbena waa Berbera  meeshay dhugi ka yeedhaa.
-Sida Haanaha Shidaalka Guud
-Mashruuca Tamarta Cadceeda Berbera
-Berbera Corridor iyo
-Meelo kale oo iska soo bixidoona

ILLAAHOW SOOMAALILAAND BADBAADI OO BARAKEE 
AHMED ALI FARAH 
SIYAASI  MAXBANAAN


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured