"Sinaba uma Suurta gal aha in aynu colaadino Itoobiya inaga oo garab siinayna Masar". Siyaasi Cali Mareexan

0
Sunday July 19, 2020 - 19:21:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Sinaba uma Suurta gal aha in aynu colaadino Itoobiya inaga oo garab siinayna Masar". Siyaasi Cali Mareexan

    "Sinaba uma Suurta gal aha in aynu colaadino Itoobiya inaga oo garab siinayna Masar". Siyaasi Cali Mareexan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sinaba uma Suurta gal aha in aynu colaadino Itoobiya inaga oo garab siinayna Masar". Siyaasi Cali Mareexan
"Sinaba uma Suurta gal aha in aynu colaadino Itoobiya inaga oo garab siinayna Masar, hadaanay Itoobiyaanku ilduufin, sabta oo ah waxaa inaga dhexeeya wax aan cidkaleba ka dhaxayn oo ay ka mid tahay;
1. Xuduud dheer oo lagu qiyaaso 800km. Xuduud kaasi wuu ka duwan yahay ka ay Itoobiya la leedahay Somaliya, waxuu kaga duwan yahay xuduudka SOMALILAND wuxuu la jaar yahay magaalooyinka iyo dhulka muhiimka ah ee Itoobiya sida Diridhaba, Herer Iyo caasimadda Somalida Itobiya oo xadka u jirta 50km.
2. Waxaa inaga dhexeeya ganacsi aan cidkale inagala dhaxayn. Itoobiya wax badan ayey Somaliland u soo dhoofisaa, SOMALILAND na dhinaceeda badeecooyin ganacsi oo gacanta labaad ah oo xoog leh ayey Itoobiya u dirtaa.
3. Labada dal waxaa iskaga xidhan amaanka dalkasta ay tahay inuu dhinaciisa u ilaaliyo, arintaas oo soo jireen ahayd ilaa 1991 kii oo si wada jira amaanka loo ilaalinayey iyada oo deegaanka aynu ku nool nahay uu yahay mid xaasaasi ah. Xuduudka dheer ee Itoobiya ay la leedahay Somaliland waxaa ka jooga saraakiisa laanta socdaalka iyo kuwa caruuraha oo keliya, mana jirin sodomeeyadii sanadood ee la soo dhaafay wax culays amni iyo kharash kaga baxay Itoobiya xadkaa dheer ee SOMALILAND.  Taasina waxay ka dhigaysaa xadka ugu amaanka badan ee Itoobiya dal la leedahay marka laga reebo Djibouti.
4. Dadka qaar ayaa ku dooda in ay Masar tahay dal muslin ah aakiin muslinkaItoobiya laftooda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 60 milyan, wuxuu ka badan yahay muslinka ku nool lixda dal ee Khaliijka Carabta.
Masar oo ah dalka ugu tirada badan ugu xooga wayn dalalka carabta, xarunta jaamacada carabtuna ay ku taalo, waxaa  ururka jaamacadda Carabta lagu tilmaami jiray hay'ad ku shaqaysa siyaasada arimaha debeda ee Masar oo had iyo jeer waxaa gudooomiye ka noqon jiray wasiir hore ee arimaha dibada Masar ah. Tan iyo Markii la aas aasay ururka jaamacada carabta 1945 kii, sideed hogaamiye oo soo maray Shaadali Alqulaybi oo keliya ayaan ahayn Masri, wuxuu u dhashay Tunisiya. Iminka waxaa muuqata in arin nolosha Masar taabanaysa.. biyaha Niilka, ay dalal Carbeed ka raacaan Itoobiya sida Somaliya oo kale, taas oo ah isbedel aad u wayn oo Masarna anfariir ku noqotay.
Dhinaca kale Ra'iisal wasaaraha Itoobiya ayaa isna kaadhkiisa oo dhan dul dhigay dawlada Farmaajo, atintaasi waxay keenaysaa in Masar ay Somaliland xidhiidh xoog leh la yeelayato, si  ay geeska Afrika lugta ula soo gasho. Masar dhinaceeda arinkaa way ku saxan tahay laakiin Itoobiya ayey u eg tagay in ay xisaabaadka khaldayso.
Masar laftigeeda wax badan ayaa taariikh ahaan Somaliland  ka dhexeeya beryahay danbese waxay u badnaayeen dhinaca waxbarashada, laakiin la isma barbar dhigi karo waxa ka dhexeeya Itoobiya iyo SOMALILAND taas oo si  kasta uga balaadhan.


Ugu danbayn, reer SOMALILAND ayey ahaayeen dadkii meesha ka saaray siyaasadii dab iyo dhagaxa ahayd ee u dhaxayn jirta Somalida iyo Itoobiyaanka ee boqolaalka sano soo jirtay, sidaa darteed reer Somaliland  Cidna dhaafsan maayaan saaxiintinimada Itoobiya, hadii aanay Itoobiyaanku  indhaha ka lalin JSL taas oo wixii  xumaada uu ka masuul noqon doono Maamulka cusub ee Abey Ahmed uu hogaamiyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured