Geelu Wuu Galgashaa Ragna Ways Geddiyaa. W/Q: Amb.Abbas Ahmed Abbas.

0
Sunday July 19, 2020 - 19:24:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geelu Wuu Galgashaa Ragna Ways Geddiyaa. W/Q: Amb.Abbas Ahmed Abbas.

    Gari laba nin kama wada qosliso ayay Soomaalidu ku maahmaahdaa reer Somaliland daynbay isu wada leenahaye aynu daymaha iska bixino.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gari laba nin kama wada qosliso ayay Soomaalidu ku maahmaahdaa reer Somaliland daynbay isu wada leenahaye aynu daymaha iska bixino.
Tuduc gaaban iba fur: 
Weelaynta reer hebel Iyo weel la dirirkeenu hoy warkeenu yuu noqon.
Gari laba nin kama wada qosliso ayay Soomaalidu ku maahmaahdaa reer Somaliland daynbay isu wada leenahaye aynu daymaha iska bixino.

Waxaan aaminsanahay dhawaaqa ka soo yeedhay waxgaradka, aqoonyahanka iyo indheergaradka gobolka awdal in aan la dhayalsan karin dhagahana laga furaysan karin.In badan baynu shidaal amaah ah ku wadnee madaxweyne maanta amaahdii in aynu celinaa la inooga baahan yahay maaha reer awdal oo kaliya cida gashiga la qaatay dhulmahanta gashi inagu leh oo warsangari baa gashi inagu leh beesha dhaxe garowsi hala timaado.


Soddon sanaynu dowladnimo yabyabaynay yabyabkaasina maaha mid dhinac kaliya ka yimid ee waa loo dhamaa, waxay soomaalidu ku maahmaahdaa geelu wuu galgashaa ragna ways geddiyaa mudane madaxweyne shalay waxaynu reer awdal, sool iyo sanaagba codkaga doonaynay saami qaybsi baynu ku gali doonaa doorashada dambe hadii aad noo codeysaan maanta duuduub ku qaata wax rag u cuntama maahe galgalashada geela uun baynu ku ogayn.

waxaan ku gunaanadayaa gobolka dhawaaqu ka yimid haloo dhaganuglaado dhawaaqooda iyaga iyo kuwa kaleba dowladnimadeenaa ku dhisan ismaqal iyo isu dhaganuglaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured