Manhajka Dugsiyada Sare Ee Somaliland: Dariiqii Lagu Hirgeliyay Iyo Dib-u-eegista lagu sameeyay Suugaanta Fasalka 4aad. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

0
Monday July 20, 2020 - 13:33:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manhajka Dugsiyada Sare Ee Somaliland: Dariiqii Lagu Hirgeliyay Iyo Dib-u-eegista lagu sameeyay Suugaanta Fasalka 4aad. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

    Manhajka Dugsiyada Sare Ee Somaliland: Dariiqii Lagu Hirgeliyay Iyo Dib-u-eegista lagu sameeyay Suugaanta Fasalka 4aad. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manhajka Dugsiyada Sare Ee Somaliland: Dariiqii Lagu Hirgeliyay Iyo Dib-u-eegista lagu sameeyay Suugaanta Fasalka 4aad. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr
Intii ay Somaliland la soo noqotay madax-bannaanideeda waxa daabacaadda Manhajka ka caawin jiray Haayado Shisheeye oo mararka qaarkood ku gacan-saydhi jiray in ay daabacaan Calanka, Soohdinta iyo Gobollada Somaliland, iyaga oo ku sheegaya in aan dunidu u aqoonsanayn dal xor ah. Sidaas awgeedna waxa ay ku doodi jireen in aanay sharciyadda caalamiga u fasixi karin in ay kala gooyaan Soomaaliya ama muujiyaan astaanta Somaliland. Murankaasi waxa uu hakad gelin jiray daabacaadda buugaagta manhajka Somaliland, sannadkii 2004ta waxa saxaafadda laga baahiyay khilaaf arrinkaas ku salaysan oo u dhexeeyay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Haayadihii Qaadhaan-bixiyeyaasha ahaa.


Dhawr jeer, gaar ahaan guyaalkii 2014ka iyo 2015ka oo ay Somaliland isku dayday in ay dib u habayn ku samayso manhajkeed waxa xannibaad ku noqday ciddii dammaanad qaadi lahayd qarashka daabacaadda buugaagta. Markaa waxa ay noqotay in la helo cid qiime jaban ku daabacda buugaagta, hadhawna la soo noqota qarashkii ka galay. Waxa ay noqotay in laga tashado hannaankii looga wareegi lahaa qaadhaan-bixiyeyaasha caqabadda ku noqday himiladii horumarinta manhajka Somaliland. Waxa loo baahday in la qaato goaan adag oo lagaga gudbo taakada inna hor taalla.

Sidoo kale Somaliland wixii ka horreeyay 2016ka ma ay yeelan buugaag daabacan oo laga raadraaco Manhajka Dugsiyada Sare, waxaanaay bareyaashu duruusta ka garoocan jireen dhiganayeel loo qoray Kiiniya, Ingiriiska IWM. Waxa la doorbidi jiray in dalkeenna loo suuq-keeno buugaag xambaarsan aragtida dadyaw kale oo aynu kala af, dhaqan, diin iyo dal nahay. 

Waxaana kuwaas ku jiray casharro aan waafaqsanayn dhaqankeenna iyo islaamnida midnaba. Waxa dhici jirtay in ardayda Somaliland wax looga dhigo diiwaannadii ay daabacday Wasaaraddii Waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaanna kuwii la diyaariyay xilligii Kacaanku talada hayay. Manhajkaasina waxa uu xambaarsanaa nuxur iyo ujeeddo ka geddisan ta la rabo in lagu canqariyo ardayda Somaliland. Waa waxyaabihii aanu wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ku dhaliili jirnay.

Wasiir Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi Dheere) ayaa suurtageliyay in aynu si xor ah u daabacanno buugaagteenna iyo in la qoro Manhajka Dugsiyada Sare. Aniga oo ka mid ah qoreyaasha Manhajka buugaagta Somaliland, waxa uu Wasiirku khudbad noogu jeediyay Xarunta Waaxda Manaahijta horraantii bishii Juun 2016ka.

Weedhihiisa waxa ka mid ahaa ”Haayadaha Caalamiga ahi waxa ay manhajka u wada daabici jireen Somaliland iyo Soomaaliya. Markii aanu u bandhignay in ay si gooni ah uga taageeraan Soomaalilaand waa ay ka caga-jiideen, iyaga oo leh ”keligiin idiinma fulin karno hawshaas”. Sidaas awgeed ayaanu u goaansannay in aanu raadinno muwaaddiniin maalgeliya daabacaadda buugaagta oo hadhawna ku iibiya qiime jaban. 

Waxa aanu qandaraaska ku baahinnay saxaafadda oo ogeysiis ayaa loo sameeyay. Lacag horumarin ah (deposit) ayaa laga dhigay, waxa aanu xulannay shirkadda ku keenaysa qiimaha ugu jaban, waxaana qandaraaska ku guulaystay Hema Books”. Anigu waxa aan ka mid ahaa qoreyaasha maaddada afka Soomaaliga ee Dugsiyada hoose/dhexe, waanan ku faraxsanahay in manhajkaasi maanta jiro, guushiina ay ka badan tahay gol-dalooladiisa. Wuu wada gaadhay geyiga iyo gobollada dalka. Shirkadda HEMA BOOKS waa ay ka soo baxday xilkii ay qaadday iyo labanlaab.

Daymo Kooban: Dib-u-eegista lagu sameeyay Suugaanta Dugsiga Sare

Maalmahan waxa aan siyaabo kala geddisan u arkayay dood ku saabsan buugga Fasalka 4aad ee dusgiyada sare oo ay baraha bulshada ku faafiyeen saddex mudane oo kala ah Mawliid Muuse Dacar Ismaaciil Xaaji iyo Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela. Waxa ay ahaayeen qoraallo 100% iska soo horjeeda. 

Laba ka mid ahi waxa ay tebinayeen xog ah in wax-ka-beddel lagu sameeyay buugga oo gabayo laga saaray, gabayna lagu daray. Mudanaha saddexaadna waxa uu ku adkaystay in aan haba yaraatee wax-ka-beddel lagu samaynnin dhiganaha ee uu yahay sidii uu 2016ka ku soo baxay. Waxa uu xitaa dafiray gabay ku jiray nuqulkii soo baxay 2016ka. Sawirradu waa doodihii labada dhinac.

Maadaama oo ay bulshada soo gaadhayeen xogo is khilaafsani waxa ay ila noqotay in aan bayaamiyo waxa aan ka ogahay, waayo waxan ahay bare suugaanta ka dhiga dugsiyada sare. Haddii aad aragto aragtiyo kala duwan ama xaajo lagu kala taggan yahay oo aad wax ka ogtahay, erey dhaaan-wadena dadka waa lagu yidhaahdaa.. 

Mararka qaarkood waxa aan arkayay faallooyin la iigu yeedhayo, iyada oo xog ama aqoon la isoo bidayay, waan se ka gaabsaday muddo saddex cisho ah. Maanta ayaan toos u dul istaagi doonaa wixii aan ka ogahay ama kala socday. Tiraabaha idin soo gaadhaya midkood ayaan dhulka la simi doonaa, midna kaabid, iftiimin iyo faaqidaad baan ku ladhi doonaa.

Buugga fasalka 4aad ee suugaanta dugsiyada sare ee Somaliland waxa la daabacay 2016kii, waxaana wax-ka-beddel lagu sameeyay 2019kii. Labada daabacaadoodba waan hayaa. Labadaba waxa ku qoran inay soo baxeen 2016kii, labadaba waxa ku saxeexan Wasiir Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Dheere), labadaba waxa ku qoran inay daabacaadda 3aad yihiin, labadaba waxa ku qoran wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ah erey-bixintii xukuumadda Siilaanyo, kuma qorna Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo ah erey-bixinta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. 

Labadaba waxa ku qoran qoreyaal iyo tifaf-tireyaal isku mid ah.  Ma garanayo sababta loo xusi waayay in 2019kii la tifaftiray, loogu qori waayay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, loo sheegi waayay wasiirka xilligaas xilka hayay, loo caddayn waayay inay tahay daabacaaddii 4aad.

Daabacaadda dambe oo hawsheeda 2019kii la waday oo aan ogaa, mar ayaan doonay in aan sixitaanka ka qayb galo si aan ugu yaraan u toosiyo gefaf dhinaca higgaada ah oo ku badnaa suugaanta dugsiga sare, laakiin kaalintaas la ima siinnin, waxaana la gartay in loo daayo ciddii loo xulay, welina geafkii aan toosin lahaa waa ay ku jiraan. Mar haddii aanan door ku lahaynna, waxa ay noqotay in aan eego shaqada ay qabtaan aqoonyahanka la igmaday, waanan ka xumahay inay jiraan waxyaabo aan is-leeyahay wax baa aad ka qaban kari lahayd, balse gacantayda laga horjoogsaday.

Dib-u-eegista buugaagta 1-4 ee dugsiga sare ee 2019 la samaynay, waxa u xil saarnaa Abwaan Xasan Muxumed Qalinle iyo Macallin Ibraahin Jaamac Hurre (Dhamac). Waxba kama ay ogayn Axmed-Yaasiin Cabdiraxmaan Axmed (Dool), Maxamed Axmed-Beddel Xaaji Maxamuud iyo Cabdiwahaab Bashiir Sheekh Cumar oo saddex ka mid yihiin qoreyaashii manhajka ee 2016ka. Waxa kale oo aan talo ku lahayn Maxamuud Xaaji Xasan Khaliif (Tulux) oo ahaa tifaf-tirihii Guud ee 2016ka. Welina magacooda iyo tifaftirkoodu waa uu ku jiraa.

Walaw aanan si buuxda u wada dheehan xaashiyaha buugga 4aad ee dugsiga sare, ee dhawaan soo baxay, waxa ii muuqday in laga saaray afar tixood, oo ku jiray cutubka 3aad oo kala ah:
1. Gabayga Ardayda iyo Macallimiinta: Abwaan Afqllooc oo ku qornaa bogagga 41, 42
2. Gabayga Cilmigu waa Iftiin: Abwaan Qorane oo ku qornaa bogagga 43, 44, 45, 46
3. Heellada uu tiriyay Axmed Geeddi Odowaa (Sayn) oo ku qornayd bogagga 84-85
4. Xus Abwaan oo uu tiriyay Qorane waxa uu ku qornaa boggaga 13-18, imaka waxa lagu koobay 13-14

Waxa kale oo lagu soo daray gabay uu Abwaan Xasan Muxumed Qalinle tiriyay 1984kii, oo ku saabsan Miisaanka Miisaanka, kaas oo ku yaalla bar-bilawga cutubka 2aad. Sababta keentay in maansooyin ama casharro la saaro, kuwo kalena lagu soo daro waxa iiga ogaal badan ciddii gacanta ku haysay tifaftirka.

Haddii gabayada qaar loo saaray in aanay ku jirin muqarrarkii (syllabus outline) la dejiyay 2016ka, waxa kale oo la saaray mid muqarrarkaas ku qornaa, waxaana weli ku jira mid muqarrarka aan ku jirin, mid kalena waa lagu soo kordhiyay oo aan muqarrarka ku jirin.  Saaritaanka, gaabinta iyo ku-soo-darrida shanta maanso waxa ay noqon karaan kas ama kama’, gef iyo guulba waa ay noqon karaan.. Hoos uguma degayo, waana la igaga habboon yahay.
Haddii si hoose lagu dhammaynayo iyo haddii ummadda loo bayaaminayo labadaba, waa xaajo ka-daba-tag lagu samayn karo, weliba wixii qof ahaan aan ku biirin karana diyaar baan u ahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured