Gefaf Qoraal iyo Gol-daloolooyin Iiga Muuqday Buugga Warjire: Xog iyo Xusuusqor Ee Axmed Siciid Cige, Qaybta Kowaad. Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr

0
Tuesday July 21, 2020 - 18:08:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 95
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gefaf Qoraal iyo Gol-daloolooyin Iiga Muuqday Buugga Warjire: Xog iyo Xusuusqor Ee Axmed Siciid Cige, Qaybta Kowaad. Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr

    Gefaf Qoraal iyo Gol-daloolooyin Iiga Muuqday Buugga Warjire: Xog iyo Xusuusqor Ee Axmed Siciid Cige, Qaybta Kowaad. Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gefaf Qoraal iyo Gol-daloolooyin Iiga Muuqday Buugga Warjire: Xog iyo Xusuusqor Ee Axmed Siciid Cige, Qaybta Kowaad. Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr
Iyada oo ah markii kowaad ee aan naqdi ku sameeyo dhigane, waxa aan maanta qalinka u qaatay in aan laba qormo ku falanqeeyo dhiganaha Warjire: Xog iyo Xasuusqor,  ee uu qoray Weriye Axmed Siciid Cige, daabacaaddiisa kowaad oo ay daabacday Shirkadda Sagaljet,  waxa lagu daahfuray Hargeysa 28kii Feberweri 2020ka. Maqalka hal dhacdo oo buugga ku jirta, isla markaana aan u baahday in aan indhahayga ku arko ayaa sababtay in aan dhiisha u biyaysto akhriskiisa. 


Marka laga yimaaddo qormadaas aan ku faaqidi doono qaybta labaad ee maqaalkan, waxa igaga sii darnaaday gol-daloolooyinka kale ee aan arkay. 24ka saacadood iyo toddobada maalmoodba sacabka la garaaci maayo, waa in farta lagu fiiqo gurraca la arko, si marka dambe looga gaashaanto. 

Walaw qoraagu yahay Suxufi waayo-arag ah, haddana waxan dareemayaa in uu jiro farqi u dhexeeya wartebinta iyo qoraalka. Weliba waxa uu Axmed Siciid Cige u badnaa dhanka warbaahinta ee maqalka iyo muuqaalka ah, sidaas awgeed ayaa naqdi loogu heli karaa warbixintiisa buugga ku jirta ee dhigaalka qoran ah. Ma gudbin buuggayga kowaad, labaad iyo saddexaad illaa dad badani ila eegeen oo saxar-tireen.. Maxamad XG Abdibashir, Jamaal Cali Xuseen, Cabdiraxmaan Cali Xirsi, Abwaan Axmed Aw Geeddi,  lKhalid J. Qodax, Muhammad Suleiman iyo Cabdishakuur Xaaji Maxamuud Mawliid Muuse Dacar (Heersare) ayaa ka mid ah ragga dalcaddaas adag iga saaray. Qofku marka kowaadba madax bannaani isma siin karo.

Marka laga bilaabo boggaa kowaad oo ku bilbaamaya tirsiga 1aad illaa bogga u dambeeya waxa uu diiwaanka Warjire: Xog iyo Xasuusqor, Weriye Axmed Siciid Cige uu ka kooban yahay 412 bog. Tiradaas waxa ku jira xitaa bogga lagu sheegayo magaciisa, xilliga la daabacay, shirkadda Sagaljet ee daabacday, xuquuqda lahaanshaha qoraalka, gu’ga la daabacay tusmada iyo hordhaca. 

Buuggani malaha mahad-naq iyo afeef midna. Cidna Axmed Siciid Cige abaal ugma hayo xog, sixid, erey, aqoon, niyadsami ama adduun lagu taageeray.  Haddii aan kuwaas la maamuusin, kollay cid akhridayna hadalkeeda daa… Waxba looma oga, waa sida ay ila tahay.Jaldiga hore waxa ku qoran magaca buugga, waxaana ku yaalla sawirka qoraha, jaldiga dambena waxa ku suntan ereyo qoraha laga yidhi. 

Hordhaca waxa ku xiga weedho laga yidhi qoraha, kaddibna waxa aad u gudbaysaa qabta kowaad oo ku saabsan dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee uu weriyay 40 sanno, kaddibna waxa loo gudbayaa qaybta 2aad oo ka kooban dad uu la kulmay ama waraystay. Marka laga yimaaddo xogta uu xambaarsan yahay iyo dhacdada aan faallayn doono, waa buug aan la tifaf-tirin oo aan higgaad ahaan la toosin.. Ma xarfaha labanlaabmaa, ma isku mulaaqa barta ay kala leeyihiin shaqallada dhaadheer iyo kuwa gaabani baa? 

Ma magacyada gaarka ah ee ku bilaabmaya xarfaha waaweyn laakiin imaka ah b (baaruud, barre, berbera) m (muqdisho, maxamed, mustafe) j (jire, june, julay), s (siyaad, soomaalida) x (xamar), d (ducaale) f, (kuba) ah baa? Ma tuducaynta (paragraphing) maqan ee bog wax ku dhaw dabada la isu gelinayaa, ma, ma, ma!.  Ma magacyada qalaad ee Ethopia, Saudi Arabiha iyo December baa?..  Magacyadaas miyaan Soomaali lagu qori Karin?

Ma magacyada ku dhammaada "M” ee Soomaaliga "N” u rogayo waxna aan laga qaban qoraaguna sidii afka Carabiga u qora sida Ibrahim, Cabidsalam, Adam baa? Ma Z iyo P lagu dhexdaray afkii sida Zeylici iyo Jaziira baa? In P, V iyo Z laga dheeraado inta la karo ayay ila tahay. Ma hadkadyada aan loo meel deyin ee bannaanka iska yaalla iyo joogsiyada xarfaha yaryari ka dambeeyaan baa? Ma qormooyinka qoraaga laga yidhi ee afka Ingiriisiga ku qoran baa? Dadku afka qalaad ma yaqaanno, yaa u hal-tebinaya ardayda ku jirta dugsiga ku jirta, dadka bawsaday sida Soomaaliga loo qoro ee waaweyn iyo reer miyiga?

Qof kasta oo aqoon u leh xeerarka qoraalka ee lagu dhigto dugsiyadu waa uu jidh-diidayaa dhigaalka ka hooseeya heerkii laga filayay suxufiga waayo-aragga ah. Waa buug aan lahayn raad-raac iyo hal xus oo meel kale uu qoraagu ka soo xigtay, sidaas awgeedna waa dhigane uu horrayso iyo dambaysaba xogtiisa, xaashiyihiisa, xarafyadiisa iyo xilkiisaba uu mudanuhu gooni la yahay. Qoraagu malaha waxa uu raacay xeer cusub oo aan weli inna soo gaadhin… Allaylehe jid cusub ayuu jeexday!

Waxa si samafal u badan aan bishiiba ku eegi jiray 1 buug…. Ugu yaraan saddexdii gu’ ee u dambeeyay waxa aan ka qayb-qaatay soddomeeyo buug oo 80% ahaa is-xilqaan, inta aan kor iyo hoos habeeyo ayaan qoraha u diri jiray, waxaanaan gufayn jiray meelo badan… Imaka se haddii ay soo baxeen buug sidan isugu cayn iyo bayd go’an, wixii danta guud ahaana aan hore u fuliyay, waa in aan tifaftirkii lacageeyo kkkk tirada taas ku dara.. Buugaagta qaabkan oo kale u dhigan waxa aan mararka qaarkood ku celin jiray qoraha oo aan odhan jiray "hawsha noocaas ah ka soo qabo”, markaas ayaan waajibka ka gudan jiray. Kollay Warjire wax aan ka qabtaaba waa yaraan lahaa malaha.

Tusaale ahaan, qaybta kowaad waxa ay ku bilaabmaysaa "Radio muqdisho waxaan ku biiray badhtamihii sanadkii 1976 markii aan soo dhamaystay dugsigeygii sare ee jamaal cabdi-naasir ee xamar, isla markaana sida cadaada ahayd aan soo dhamaystay lixdii bilood ee tababarkii milleteriga ee dugsigii xalane ee xamar, iyo sanadkii macallinimada ee shaqada qaranka oo aan macallim ka noqday dugsiga dhexe ee magaalada Cadale ee gobolka shabeelada dhexe oo ku taalla xeebta badweynta indida”. Haddii aad goosankaas qoraalka ah ama tuducaas aad toosin lahayd, immisa gef ayaad ku aragtaa? Anigu waxa aan ka tiriyay 16!

Qaybta labaad oo ah inta u dhexaysa 136-367 ahna 231 bog waxa ay xusaysaa ku dhawaad taariikhda dad waaweyn sida Marxuun Cigaal, Marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen, Siilaanyo, Xasan Ciise, Marxuun Fagadhe, Baresare Gees, Baresare Saleebaan Axmed Guuleed, Guduudo Carwo, Cabdi-Qays iyo qaar kale. Qof weyn oo bog, bog iyo badh, laba bog ama celcelis ahaan lagu buquujiyay 2.5 bog lagama bogan karo, Weliba waxa uu ku dhex darayaa kulankoodii, aragtiyihiisii, weedho uu leeyahay iyo xogta uu doono Qoraagu, illeen buugga cidina lama eegin, talo kama weyddiin, naqdi laguma celin, lamana lafa-gurin’e. 367-411 waa bundad sawirro ah. Boggaga 115-134 ayaa iyaguna ah sawirro. 64 bog ayaa ah sawirro.  Bog kasta laba sawir ayaa ku yaalla, ku dhawaad 118 sawir oo Axmed Siciid Cige dad la galay ayaad ka boganaysaa.

Marka taariikhda qof la dhammeeyo, haddii ka kale bog cusub laga bilaabi jiray, imaka dabada ayaa la isugu qabtay.. Sidii ay weriyeyaashu hadalka u duddubin jireen ayaa qormooyinka loo dareeriyay…….. Waa dhigaal shuban oo isku wada naban… Haddii geeduhu ay hawo, biyo iyo cadceed waayaan marka ay si dhaw isaga ag baxaan, wuxuu dhigananuhu u baahnaa faalal, kala-fogayn iyo fakaag lagu kala hormeeyo. Taariikhaha laga gudbinayo dadkan kala geddisan qaarkood waa wax u dhigma war-maalmeed dhawr daqiiqo soconaya, ma aha kuwo la sii geliyay tacab, baadhitaan, xaq-siin iyo xog-raadin dheeraad ah. Qaar badan waxa aad nuxurkooda moodaysaa sheegidda ah inay qoraha kulmeen qofkaa.
La soco qaybta labaad idanka Alle.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured