Maareeyaha Dekedaha oo Faahfaahiyey Qalab Dekeda soo Gaadhay iyo Tabobar loo soo xidhay Shaqaalaha Bada...

0
Thursday July 23, 2020 - 12:09:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha oo Faahfaahiyey Qalab Dekeda soo Gaadhay iyo Tabobar loo soo xidhay Shaqaalaha Bada...

    "Qalabka Dekeda Yaala Waa uu Wada Inshooran-garaysan yahay, Waxana na Soo Gaadhay Bedelka Wiishkii Gubtay. Shaqalaha Dekeddu Markii hore may Tabobarney, Hada'se Waxay Badbaadin karaan Nafahooda iyo Ta Umadaba Biyaha dhow iyo kuwa fogba"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qalabka Dekeda Yaala Waa uu Wada Inshooran-garaysan yahay, Waxana na Soo Gaadhay Bedelka Wiishkii Gubtay. Shaqalaha Dekeddu Markii hore may Tabobarney, Hada'se Waxay Badbaadin karaan Nafahooda iyo Ta Umadaba Biyaha dhow iyo kuwa fogba". Maareeyaha Dekedaha Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.
Hargeysa(Xogreebnews)- Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa ka warbixiyey Wiishkii Sadexaad oo cusub, kaasoo soo gaadhay Dekeda Berbera. Maareeye Siciid waxa uu sheegay in qalabka Dekeda yaala dhamaantood ay Inshoor-garaysan yihiin. Wiishkan cusub, waxa Dekeda keenay Inshooranka, waana Bedelka Wiishkii hore ee gubtay.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa kaloo uu ka Hadlay Shaqaalaha Dekeda oo loo soo xidhay Tabobar caalamiya, kaasoo ay naftooda iyo ta umada ka badbaadinayaan hadii ay khatar ku galaan Biyaha Bada fog iyo ta dhowba. 
Ugu horayn Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo sharaxaya Qalabka Dekeda yaala,iyo qaabkay usoo Inshooran-gareeyeen, waxa uu yidhi:
"Maanta waxaa farxad noo ah, inuu noo yimi, Wiishkii Sadexaad ee Dekedu lahayd, oo kamid ahaa Wiishashkii Berigii dhoweyd aanu kusoo kordhinay Dekeda. Sidaad la socoteen waa kii mid kamid ahi uu gubtay, waxa Ilahay mahadiiya, qalabkayaga Dekedeena inoo yaala waa uu wada igshooran-garaysan yahay.
Waxana noo suuro-gashay in Wiishkii oo cusub naloo keeno, oo ay soo Iibiyeen qoladii Igshooranku, waxanay ahayd fursad qaaliya, oo runtii Ilahay na waafajiyey in aanu Qalabkeena oo dhan Igshooran-garaysano. Wiishkii hore waxa uu Gubtay cilaad xagiisa ahayd, markii taas la xaqiijiyeyna waxaan helay bedelkiisi, Wiiga dambe insha allah, wuxuu si caadiya u bilaabaya shaqadiisi".
Sidoo kale waxa uu Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi ka Warbixiyay Tabo-bar kor loogu qaadayey aqoonta Shaqaalaha Dekeda Berbera ee qaybta Bada, waxanu yidhi:
"Waxa Farxad weyn iyadana noo ah, in shaqalaha Dekeddu leedahay, aanu Tabobarno, si wax-soo saar wanaagsan ay usoo saaran. Waxana weeye Siyaasada guud ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi Nagu hoggaaminayo in Dadka wax la geliyo oo wax la baro. Waayo? Markaad dadka aqoontooda dhisto, ayaad ka fili kartaa wax soo saar wanaagsan, markaa anaggoo ka duulayna siyaasada Madaxweynaha, waxaanu Tabobar siinay shaqaalahan Maanta aanu siinay Sha'haadooyinka.
Shaqalaha Dekeddu Markii hore may Tabobarney, run ahaantii markaan arkay baahida loo qabo, si loo helo wax soo saar wanaagsan, iyaga laftooduna ay isagga badbaadiyaan, Baddaa weyn ee halista ah, maadaama oo aanu Deked ahaan shaqayno 24-ka sacaadood. Waxa la baray Shaqaalaha sidii ay nafahooda, Saaxibadood iyo umada u Badbaadin lahaayeen. 
Waxanaan maanta aad ugu faraxsanay in dhamaan Shaqaalaha ka hawlgala Dekeda inay dhamaan aan ku kalsoonahay inay Naftoodana Badbaadin karaan, cidii kalee ay arkaana ay Badbaadin karaan. Waxanaan leeyahay Hambalyo, waxa la idinka rabbaa wax soo saar wanaagsan, inaad yeetaan. Maadaama oo aanu joogno, dhuuntii umada Somaliland wax usoo marayeen". Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured