Gudoomiyihii hore ee Wajaale Aadan Shiine oo Beeniyey Warar Xaqiiqada ka fog oo ku Baahiyey Gudoomiye ku xigeenkii Xilka laga Qaaday...

0
Thursday July 23, 2020 - 14:16:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyihii hore ee Wajaale Aadan Shiine oo Beeniyey Warar Xaqiiqada ka fog oo ku Baahiyey Gudoomiye ku xigeenkii Xilka laga Qaaday...

    Gudoomiyihii hore ee Wajaale Aadan Shiine oo Beeniyey Warar Xaqiiqada ka fog oo ku Baahiyey Gudoomiye ku xigeenkii Xilka laga Qaaday...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyihii hore ee Wajaale Aadan Shiine oo Beeniyey Warar Xaqiiqada ka fog oo ku Baahiyey Gudoomiye ku xigeenkii Xilka laga Qaaday...
London(Xogreebnews)- Gudoomiyihii hore ee degmada Wajaale Mujaahid Aadan Shiine, ayaa iska diffaacay eeddo Been ah oo u Jeediyey Gudoomiye ku xigeenkii xilka laga qaaday ee Wajaale Mursal Nuux Cismaan.
Gudoomiye Aadan Shiine oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Shabakada Caalamiga ah ee Xogreebnews, ayaa sidoo kale Baloodh Gudoomiye ku xigeen Mursal ku eedeyey ku Tilmaamay Been iyo mid xaqiiqada ka fog. Gudoomiye Aadan Shiine oo arimaha ka hadlaya waxa uu yidhi:
"Waxaan doonayaa inaan Maanta ka hadlo arrin uu ka Hadlay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Wajaale Mursal, oo u yidhi Gudoomiye Aadan Shiine waxa uu aflagaadeyey Gudoomiye Xaashi, ma jirto anigu meel aan cid ku aflagaadeyey, Gudoomiye Xaashi isagga aniga ii af-lagaadeyey, oo yidhi Waraaq uu soo qor-qortay Gudoomiyihii hore oo lacag intaa le'egi ku taalo oo magacyo iskaga soo qortay oo aanay jirin wax la taaban-karo Warbaahinta isoo mariyey. 
Beenaale markhaatigiisu foggeeya, waxaan Maanta Halkan kaga Jawaabaya  eedaynta xaqiiqada ka fog ee u ugu eedeyey Gudoomiye ku xigeen Mursal, ee u yidhi waxa uu ka cadhooday Gudoomiyuhu Baloodh uu isku qoray. Hadaba jagada uu Ninkaasi ka Hadlay horta been ayuu ka sheegayee sidaas may ahayn, waxanay xaqiiqadu ahayd Islaan ii Ayey ah, oo ay wada-garanayso umadda reer Wajaale, oo la odhan jiray Xaawa Dalalay Ayeyday Ilahay ha u naxariistee. Waxaan u immi Xaashi be'ri isaggoo Maayir ah, Anigoo daba-socda dhulkii Ayeyday ku lahayd degmada Wajaale, Xaashi wuu I kaxeeyey oo Dhulkii Ayeyday ayuu I geeyey, Dhulkii Wado ayaa martay ayuu igu yidhi, waxaan ku idhi, Gudoomiye Dhulkii haday Wado martay dhul bedel ugu samee ayeyo, waxa uu igu yidhi ma hayo dhul aan ugu bedelo, waan iska noqday, Ilahay ayaa qoray oo waxaan noqday Maayirkii Degmada Wajaale, mudo markaan xilka hayey waxa ii yimi qoyskii aan kasoo jeeday ee ayeyday, marka aniga oo sharciga raacaya, waxaan u yeedhay Gudoomiye ku xigeenka hada Beenta igu eedeynaya iyo Xoghaye Liiban oo markaa ahaa xoghayihii dawlada hoose ee Wajaale, waxaan ku idhi Gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha maxaynu dhulka Ayeyday ee loo soo wakiishay Inamadaa aanu habar-wadaaga nahay ka yeelna Dhulkii oo Waddo ka martay, waxay igu yidhaahdeen sharcigu waxa uu ogol yahay in dhul bedel loo sameeyo. Markaa waxaanu isla af-garanay in Jigadaas loogu Bedelo Dhulkii oo badnaa Jago keliya"
Gudoomiye Aadan Shiine waxa uu sheegay cida baloodhkaas bixisay inay tahay Gudoomiye ku xigeenka hada ku eedeyey wixii uu bixiyey, waxanu yidhi isagoo hadalkiisa sii wata; "Gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha taladoodii Kadib waxa baloodh bedel ah lagu qoray labada Inaan ee aanu habar-wadaaga ahayn. Hase-yeeshee markii xilka aan wareejiyey ee u yimi Gudoomiye Xaashi, waxana jagadii Bedelka ahayd la wareegay maamulkii iga dambeeyey, markaa maqlay inuu jagadii la wareegay Gudoomiye Xaashi anigoo Ingriiska jooga ayaa la Hadlay, waxanaan ku idhi, Gudoomiye dhulkaasii waa kii Ayeyday oo Gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha iyo anigoo ahaa Gudoomiye aanu Bedelka u siinnay, cid kastoo dhulkeeda wado ka marto, sharcigaa u ogol in dhulkeeda bedel dawladu u siiso, balse igamuu qancin, hase-yeeshee dhulkaasi sidaas ayuu dib ula Wareegeen maamulkii iga dambeeyey oo ah Gudoomiye Xaashi. Hadaba Dhulkii Maanta xaguu ku dambeeyey ha cadeeyo Ninka I cambaaraynayaa". Ayuu yidhi Gudoomiye Aadan Shiine.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured