Xil wareejintii garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI. Qalinkii Maxamed Sidiiq Dhamme.

0
Thursday July 23, 2020 - 15:34:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xil wareejintii garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI. Qalinkii Maxamed Sidiiq Dhamme.

    Xil wareejintii garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI. Qalinkii Maxamed Sidiiq Dhamme.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xil wareejintii garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI. Qalinkii Maxamed Sidiiq Dhamme.
Muddo xileedkii nala doortay markii uu dhammaaday hoggaan ahaan waxay nala noqotay in aanaan muddo korodhsi samayn Xafiiskana aanu u bannayno dhallinyarada Xisbiga madaama hoggaamintu tahay qori isu dhiib maalinba cidda ku habboon la cugto. Marka laga yimaaddo in aanu xilka wareejinnay, waxa aanu idinla barbar taagannahay waayeelnimo, waayo-aragnimo iyo waajib kasta oo aanu idinku taageeri karno Hoggaan kiina cusub.
Waxa ay nasiib u heleen Hoggaanka cusub ee xafiiska nooga danbeeyaa laba qodob oo aannaan nasiib u helin, madaama aanu ahayn kooxdii lagu aasaasay garabka dhallinyarada Xisbiga oo aan hore xeer ahaan iyo xafiis ahan Xisbgu lahayn. 


1. Waxaan ku wareejinayaa manta Hoggaanka Cusub iyo Walalkay Cabdirashiid Xafiis dhallinyaro oo shaqo iyo hawl soo qabtay shan sano, leh xidhiidho laamo iyo xarumo laga hoggaamiyo dhallinyarada. Shaqo dhallinyaro , hab-raac, xeer, qorshe hawleed iyo nidaam shaqo dhisan leh. Intaa oo aanan midna nasiib u helin madaama nalagu asaasay garabka dhallinyarada shaqadoo dhammina cusbayd, caqabadaheeduna badnaayeen madaama tiir ku cusub Xisbiga oo aanu yagleellay ahaa garabka dhallinyarada heer qaran.  

2. Waxaan ku wareejinaynaa Hoggaan garab dhallinyaro oo baal taagan aaminsan in tacbka shaqo iyo halganka halkaa laga wado, Xisbi hoggaamintiisa ay dhllinyaradu saamayn ku leedahay maanta. Dhallinyaro bisil oo ay ka go'antanay in guusha laysku kaashadaa. Hoggaankii hore oo la baal taagan talo, tusmo iyo tabaabushe, khibradooda shaqana uga faa’idaynaaya Xisbigooda iyo hoggaanka dhallinyarada cusb. Waxaanan aaminsanahay in ay naga nasiib iyo Ayaan wanaagsan yihiin Hoggaanka cusubi madaama ay la wareegayaan dhallinyaro dhisnayd shan sano.   

Muddi xileedkii aanu joognay Hoggaan ahaan
1. Waxa aanu dhisnay garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani oo ah kii ugu awoodda badnaa ee Xisbi yeesho. Meel hoose ayaanu ka bilawnay, wax lagu faani karo ayaanu ka qabannay.
2. Waxa aanu talo, goaan iyo door weyn ku lahayn hirgelinta siyaasadda Xisbiga
3. Marar badan ayaa na loo xidhay annaga oo difaacaynnaa maatida, annaga oo muddo-kordhinta diiddan, annaga oo sharciga baal taagan, annaga oo xaraashka hantida ku gacan saydhnay xukuumadda KULMIYE.
4. Cid kasta la dulmo Ganacsade iyo derbijiifba hiil baanu u ahayn
5. Waxa aanu door ka qaadannay ololihii doorashada ee 2017ka
6. Garabka dhallibyaradu wuxuu ahaa garabyada iyo baalasha ugu waaweyn ee Xisbiga Waddani ku duulo
7. Waajibaadka toosinta qaranka waxa aanu u gudannay sidii ugu habboonayd.

Waxaanu halkaa kusoo gaadhaynaa midnimo, wadjir, walaalnimo, samir iyo adkaysi, jid dheerbaa la marayaa Mucaaraduda way culays badantahay shaqadeeduna waa mid u baahan karti iyo kalsooni qofeed. Waanan ku kalsoonahay in aad xaqiijin kartaamn hiigsiga iyo himilada dhallinyarada Haddi Alle yidhaa, guusha gaadhideedana ka noqon doontaan qayb libaax. Dhallinyaradu waa cududda u weyn ee Xisbi  leeyahay hadday tahay halgan, hawlqabad iyo habbeen dhax.

Dhallinyarada Somaliland halgan weynbaa hor yaal, waxaa looga baahan yahay in ay iska kaashadaan mustqablkooda, masiirkooda iyo sidii ay u heli lahaayeen nolol ka aaya roon ta manta jirta. Waxa loo baahan yaay isbedel caddaalad iyo sinnaan hoggaaminayso, lamana aqbali karo sawirka foosha xun ee manta inna horyaal ee ah sadbursiga, eexda, qabyaalada, qaraaba kiilka hoggaankeenu innagu dhaqo ee ay u kala socontahay dhallinyaradu, waxaanu aaminsanahay in ay leeyihiin xuquuq siman inanka Borama, Laas-caanood iyo Hargaysa oo ay u sinaadaan fursadaha shaqo, khayraadka dalka iyo cashuurtooda oo aan loo kala sadburun, kamana siisanayno Madaxweyne Biixi in uu sadkii u weynaa dhan ku sooray.
Walaalkay Cabdirashiid iyo Hoggaanka dhallinyarada waxaanu u noqon doonna sahan lagu gaadho himilada xisbiga, garbo ay ku  duulaan, Waxaanan aaminsanahay qof ahaan in xafiiska kastoo ummad loogu adeegaa yahay ammaano ay tahay in la dhawro xilkeeda, xurmadeeda. Xoolaheeda iyo muddo xileedkeeda.waana sababta aanu jidka manta u jeexnay una dhiirigelinayno in ay noqoto tusaale la kala dhaxlo layskuna aqbalo Asxaab ahaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured