"Kullankii Ishaafalatada ahaa ee Shalay ay Xoghayayaasha WADDANI Yeesheen.:"

0
Thursday July 23, 2020 - 19:37:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kullankii Ishaafalatada ahaa ee Shalay ay Xoghayayaasha WADDANI Yeesheen.:"

    "Kullankii Ishaafalatada ahaa ee Shalay ay Xoghayayaasha WADDANI Yeesheen.:"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kullankii Ishaafalatada ahaa ee Shalay ay Xoghayayaasha WADDANI Yeesheen.:"
Hargeysa(Xogreebnews) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  Cirro ayaa doraad kullan kula yeeshay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa Xoghayihii guud ee hore ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi uurcadde,kaas oo kamid ahaa aasaasayaashii Xisbiga WADDANI .
Kullankan oo lagu sheegay inuu ahaa mid is laab-xaadhasho ah, balse haddana si dhab ah looma oga waxay ka wadda haddleen labadan masuul ee saaxiibada jidka dheer soo wadda maray ahaa, haseyeeshee ay siyaasaddu kale kaxaysay.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa qoraal kooban iyo Sawir ay wada jir u galeen isaga iyo saxiibkii Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo uu ku baahiyey Bogga Facbuugiisa,kaasi oo u dhignaa sidan "Waxa aannu maanta wada qadaynnay saaxiibkay Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.”ayuu ku yidhi Cirro qoraalkiisa.
Dhanka kalene kullankan is laab-xaadhashada ahaa ee dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo Xoghayihii hore ee guud ee Xisbiga WADDANI Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa waxa sas weyn ka qaaday Xoghayaha ku-meel gaadhka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, kaas oo habeen hore fariimo uu shir deg deg ah ugu baaqayo xoghayayaasha Xisbiga u kale diray,isagoo isla shalay xarunta Xisbiga kulan ishaafalato ah kulla yeeshay Xoghayayaasha Xisbiga "Shirki ay maanta isugu imaadeen Xog-hayaasha Xisbiga WADDANI oo u shir guddoominayey xog-hayaha guud ee Xisbiga WADDANI Mudane' Khadar ayaa ka dhacay xarunta dhexe Xisbiga WADDANI ee magaaladda hargeysa,Shirkan oo lagaga hadlay qodobo door ah kana mid ahaayeen sidii diyaar garow weyn loogu gali lahaa doorashada dalka iyo wada shaqeynta masuuliyiinta Xisbiga heer qaran ila heer gobol ayaa ku soo dhammaday jawi degan. " Ayaa lagu yidhi Qoraal kasoo baxay Xisbiga WADDANI
Siddoo kalena Shirkan ayaa waxa shir Guddoominayey Xoghayaha ku-meel gaadhka ah ee WADDANI Khadar Xuseen,kaasi oo uu la gardaadinayey Afhayeenka Guud Barkhad Jaamac,waxaana la sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyey shirkii golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI ku qabsaday magaalada Burco,inuu shirkan Xoghayayaasha Xisbiga WADDANI ay yeesheen shalay uu noqonayo kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan,isla markaana uu Xoghaye Khadar Xuseen uu isugu iclaamiyey.
Dhanka kalene Xoggo hoose oo uu Wargeyska Foore ka helay illo wareedyo lagu kal soon yahay, isla markaana goob-joog ka ahaa shirkaas Xoghayayaasha Xisbiga WADDANI  ay yeesheen ayaa sheegaya in Xoghayayaasha qaar ay ka sheegeen goobta shirka in uu Xisbigu  u afduuban koox yar oo saxiibo ah ,isla markaana is bahaysta oo shaashaddaha uun ka wadda muuqda,balse odayaasha Xisbiga iyo xoghayayaasha kale aan la ixtiraamin lana tixgelin.
Si kastaba ha-ahaatee Shirkan deg dega ah ee ay shalay yeesheen Xoghayayaasha Xisbiga WADDANI , isla markaana uu shir Guddoominayey xoghayaha ku meel-gaadhka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, ayaa ku soo beegmay xili doraad ay kullan yeesheen Guddoomiye Cirro iyo Xoghayihii hore ee guud ee Xisbiga WADDANI Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured