Godobtii Laga Galay Diyaaradii DAALO AIRLINES Iyo Baahida Loo Qabo Maanta. Qalinkii Cabdiraxmaan Xasan Cali.

0
Saturday July 25, 2020 - 22:07:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Godobtii Laga Galay Diyaaradii DAALO AIRLINES Iyo Baahida Loo Qabo Maanta. Qalinkii Cabdiraxmaan Xasan Cali.

    Godobtii Laga Galay Diyaaradii DAALO AIRLINES Iyo Baahida Loo Qabo Maanta. Qalinkii Cabdiraxmaan Xasan Cali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Godobtii Laga Galay Diyaaradii DAALO AIRLINES Iyo Baahida Loo Qabo Maanta. Qalinkii Cabdiraxmaan Xasan Cali.
DAALO AIRLINES  waxaa lahaa oo maalgashaday dad reer Somaliland ah. Waxay dalka kala soo dabaalatay duruufo adag oo qalafsan waxayna isku xidhi jirtay Somaliland iyo caalamka oo dhan. 
Waxay abaal aan la ilaawikarin gashatay shacabka Somaliland. 
Waxay la duruuf ahayd dadka danyarta ah oo ay dhaqaalayn jirtay bilaashna qaarkood ku qaadi jirtay. Maydka, bukaanka iyo dadka tabaalaysan waxay siinjirtay xaqdhawr dheeraad ah. 
Hadaba halkii abaalgud lasiin lahaa waxaa loogu abaalceliyay in dedaalkoodii laga dhigo business koodii oo lagu doorsado dhiigbaxa shacabka Somaliland oo loo duleeyo diyaaradaha kala duwan ee imaaraadka. 
Waxase soo ifbaxday inaan marnaba laga maarmayn DAALO AIRLINES. 
Nimankii DAALO AIRLINES curyaamiyay ganacsigeediina la wareegay maantaba waxa kusoo ifbaxay godobtii ay kagaleen shirkaddii DAALO AIRLINES iyo shacabkii aaminay waxqabadkii soo jireenka ahaa ee soo taxnaa 25ka sanadood ee DAALO AIRLINES shacabkeeda dunida ukala goosha isku xidhaysay iyadoo weliba duruufahooda dhaqaale xogogaal u ahayd kana duwayanayd diyaaradaha dhiigmiiratada reer imaaraad. 
Imika iyo haatan oo doorkoodii si wanaagsan ugu banaanaaday waxaan filayaa inay markale suuqii xorta iyo xalaasha ahaa ee ay DAALO AIRLINES mudnayd in looxidho iyaga iyo  cidkasta oo reer Somaliland ah oo ganacsigaa kulasoo biira ee aanay mudnayn mijaxaabinta ganacsigooda. Waxaan ugu baaqayaa Madaxdii shirka DAALO AIRLINES inay dibu bilaabaan ganacsigoodii reer Somaliland na waxaan leeyahay garta meesha dantiinu kujirto oo kabaxa shirkadaha diyaaradaha ee dhiigbaxa shacabka Somaliland kuhaya. 
Haw hanqaltaagina aoonoqoshada diyaaradaha ku caanbaxay cagajuglaynta shacabka raaca diyaaradaha imaaraadka kana taajiray suuqa xaqdarrada loogu xidhay ee gebi ahaanba lagu baabiiyay ganacsigii diyaaradaha ee Somaliland. 
Lasoco qaybaha dambe iyo milicsiga maalmihii qaadhaa iyo siday DAALO AIRLINES dalkan iyo dadkan ugu hagarbaxday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured