Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo Sadex sano iyo badh ku Xukuntay Macalinkii Dhibbanaha ahaa ee Lugta iyo gacanta ka Jabnaa... Maamulaha Nuuradiin oo Awood Dhaqaale ku Muquuniyey Macalinkii U Mushaharkiisa Kula dagaalamay...

Hargeysa(Xogreebnews)- Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex, ayaa sadex sano iyo lix bilood oo Xadhig ah ku xukuntay dhibbane Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed oo u mushaharkiisa uu kula dagaalamay Maamulaha dugsiga Nuuradiin Mahad Ibraahin.
Macalinka la xukumay, ayaa ka jaban Lug iyo gacan talan-taaliya, isla markaana ay ka jebiyeen ehelada Maamulaha dugsiga Nuuradiin Mahad Ibraahin, siday sheegeen Ehelada Macalinku. Sidoo kale ma jirto cid usoo qabatay Macalinta Ciddii dishay ee ka jebisay Lugta iyo gacanta.
Macalinka la xukumay ayaa siday sheegeen eheladiisu aan lahayn qareen u dooda, isla markaana aan helin xuquuqda is difaacida, marka laga reebo Su'aalo uu garsoorka uga Jawaabay.
Si kastaba ha haatee, maamulaha dugsiga Nuuradiin Mahad Ibraahin, ayaa Macalinku hore ugu lahaa mushaharkiisa mudo afar bilood ah. Mushahar la'aantaas oo Keentay gadoodkii macalinku dakhray maamule Mahad.
Maamule Mahad Ibraahin waxa uu dhaqaale badan ku bixiyey in Xabsiga la dhigo Macalinka Lugta iyo gacanta ka jaban, sidoo kale waxa la sheegay inuu hor istaagay soo qabashada dadkii dilay Macalinka.
Waxana Xabsiga mudo dheer lagu hayey Macalinka oo Lug iyo gacan ka jaban, wallow mudo dheer Kadib, la soo daayey isla markaana la kabay, waxana Xabsiga dib loogu celiyey isagoo aan bogsan, iyadoo hadana lagu Riday xukun dheer oo eheladiisu ku tilmaameen sharci daro. La soco Xogreebnews xogo kaloo la xidhiidha Tacadiga lagula kacay Macalinka iyo awood sheegashada Maamile Mahad Ibraahin mamaulaha Nuuradiin. Leave a comment |
|