Shirkadda Telesom oo SameyseyQiimo-dhimistii Abid Ugu Weynayd iyo Barnaamijka Abaal-marinta Aroos wacan

0
Tuesday July 28, 2020 - 18:48:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Telesom oo SameyseyQiimo-dhimistii Abid Ugu Weynayd iyo Barnaamijka Abaal-marinta Aroos wacan

    Shirkadda Telesom oo SameyseyQiimo-dhimistii Abid Ugu Weynayd iyo Barnaamijka Abaal-marinta Aroos wacan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Telesom oo SameyseyQiimo-dhimistii Abid Ugu Weynayd iyo Barnaamijka Abaal-marinta Aroos wacan

Hargeysa(Xogreebnews)-Shirkadda Telesom ayaa daah-furtay  adeegyadda KAAFIYE iyo AROOS WACAN oo ah adeegyo ay bulshaddu si weyn baahi ugu qabeen. Munaasibad daahfurka ayaa ka qaybsoontey xarunta shacabka ee shirkadda Telesom.

Adeegga KAAFIYE oo ah adeeg qiimo-dhimista balaadhan lagu sameeyey adeegga ku hadalka iyo dirista fariimaha gaagaaban. Adeeggan ayaa macmiilka u sahalaya inuu bishan oo dhan ku haddlo lacag dhan $7.

Maamulaha Suuq-geynta ee Shirkadda TELESOM Cabdiraxmaan Aar ayaa sharaxaad ka bixiyey adeegga KAAFIYE. Adeegan oo qofku kaga shuban karo adeegga ZAAD, isagoo isticmaalaya qaybta dollar-ka, *808# ka dibna dooranaya KAAFIYE, halka shilling-kana kaga shuban karo *202#.

Halkan Ka Daawo Warkaasi Oo Faahfaahsan:

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale soo bandhigtay Abaal-marintii ugu balaadhneyd ee lagu abaal-marinayo dhalinyaradda guur-doonka ah. Abaal-marinta oo lagu magacaabay AROOS WACAN.

Agaasimaha Horumarinta Arimaha Bulshadda ee shirkadda TELESOM Cabdiwahaab Maax oo sharaxaya abaal-marinta ayaa yidhi, "Baraamijka AROOS WACAN waa barnaamij loogu talo-galay in lagu taageero dhalinyaradda aan wali guursan ee u baahan inay qoys dhisaan. Barnaamijkani wuxuu bartilmaameedsan doonaa lixda bilood ee ka hadhay sannadka, in la dhiso 30 qoys ama 60 lamaane oo laga bixiyo kharashka arooska oo uu ugu muhiimsan yahay in loo iibiyo agabka guriga oo dhan, in laga bixiyo kiradda guriga oo lixda bilood ah iyo waliba in loogu daro masaariif lixda bilood ah”.

Haddaba barnaamijkan Abaal-marinta AROOS WACAN oo ah mid aanay shuruudi ku xidhnayn, waxaa lagaga qayb-gali karaa habka fariimaha gaagaaban, waxaanu qofku fariin ah "AROOS” u dirayaa lamabrka gaaban ee  "111” fariintuna waa mid bilaash ah.

Halkan ka daawo warkaasi oo faahfaahsan:




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured