Sompower Cabashada Macaamiisha Ee Xadhkaha Goosatay...

0
Wednesday July 29, 2020 - 11:17:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sompower Cabashada Macaamiisha Ee Xadhkaha Goosatay...

    Sompower Cabashada Macaamiisha Ee Xadhkaha Goosatay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sompower Cabashada Macaamiisha Ee Xadhkaha Goosatay...
Shirkaddan laydhka bixisa ee Sompower, waa midawga dhawr shirkadood oo laydhka bixin jiray. Inkasta oo uu laydhku magaalada Hargaysa waligiiba qaali ka ahaa, ayna isku dayeen in ay dhawr jeer ka jabiyaan bulshadooda haynta yar ee ay adeeggaas siiyaan. Haddana wali waa qiime dhiig-bax ah marka loo eego duruufta dhaqan-dhaqaale ee ay bulshadeennu sannadahan dambe la hirdamayaan. 
Halka "Unit" qiima ahaan waa $0.63 marka loo barbardhigo deegaannada kale iyo waddamada jaarka ah ba, waa qiimo dhiig-miiradnimo ah, bulshaduna xaq ay u leedahay in qiimaha laga jabiyo, maadaama ay noloshooduna si toos ah ugu sii siqayso ku xidhnaanshiyaha dabka. 
Qaansheegta ay shirkaddu bixiso, waxa xagga hoose kaga qoran "in wixii gurigaaga dhexdiisa ka yimaadda aanay iyadu masuul ka ahayn!" Waa yahay, balse waxa marar badan dhacday in xilliyada roobka uu laydhku khalkhalo dhawr jeerna inta uu bakhtiyo haddana shidmo, iyada oo muraayadda iyo agabyo kale oo laydhka ku shaqeeyaaba sidaas ay ku gubtaan. Haddaba taas oo kale shirkadda miyaan lagu yeelanayn, illayn dhibta laydhkeeda ayaa gaystay e.?  Xilliyada roobka nafo badan ayaa uu inaga galaaftaa biraha laydhka oo aad mooddo in si bilaa xilkasnimo ah oo macaash-doon kaliya ah meel walba loo qotomiyay, taas oo marka dambana ay shirkaddu hadal iyo yooyootan ka keento qaddarta Ilaahay ka sokow dhagartaa ay iyadu keentay. 


Ugu dambayn waxa aynnu ku nool nahay magaalo dusha ka danabaysan, haddii uu roob yimaaddana hoosta ka miinawda. Shirkaddu dhaqaalaha ay hesho haku darsato xisaabta, in sida ugu dhakhsiyaha badan ay xadhkaha laydha ugu raraan dhulka hoostiisa, macaamiishana qiimaha iyo la macaamilkooda liitaba ka hagaajiyaan. 
#AwooddaBarahaBulshada
#ABB.
Qaalinkii
Guuleed Muuse Cabdillaahi
Hargeysa/Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured