War-weyn: Imaaraadka oo Shaqadii ka Caydhiyey Masuuliyiinta uga Wakiilka ahayd Mashaaricda Somaliland Iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo isna Guddiyo Madaxbanaan u Magacaabay...

0
Wednesday July 29, 2020 - 12:58:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    War-weyn: Imaaraadka oo Shaqadii ka Caydhiyey Masuuliyiinta uga Wakiilka ahayd Mashaaricda Somaliland Iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo isna Guddiyo Madaxbanaan u Magacaabay...

    War-weyn: Imaaraadka oo Shaqadii ka Caydhiyey Masuuliyiinta uga Wakiilka ahayd Mashaaricda Somaliland Iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo isna Guddiyo Madaxbanaan u Magacaabay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-weyn: Imaaraadka oo Shaqadii ka Caydhiyey Masuuliyiinta uga Wakiilka ahayd Mashaaricda Somaliland Iyo Madaxweyne Muuse Biixi oo isna Guddiyo Madaxbanaan u Magacaabay...
Dubai(Xogreebnews)-Maamulka sare ee Bisha Cas ee Imaaraadka carabta, ayaa gabi-ahaanba Shaqadii ka caydhiyey Madaxdii Mashaariicda ee Somaliland u qaabilsanaa.
Masuuliyiinta Bisha cas ee Imaaraadku shaqada ka caydhisay, ayaa ku timi Kadib markii uu Twitter ku baahiyey Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka isu-taga Imaaraadka Carabta Amb Hassan Yassin Hirad, Musuq-maasuqa baahsan ee lagu sameeyey Mashaaricda Wadooyinka, Soolarka iyo Mashruuca Dhismaha Saldhiga Mileteri ee Berbera.
Qoraalada Diblumaasiyadeed ee amb. Hassan Yassin Hirad ku baahiyey Twitter, ayaa sidoo kale hore u galaaftay Masuuliyiinta Mashaaricda Wadooyinka, waxana dhowaan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu Mashaaricda uu u Magacaabay 6 masuul oo Madaxbanaan, maadaama oo ay Wasaarada Gaadiidku ku fashilantay inay si nadiifa u maamusho mashruuca wadada Berbera Corridor. 
Waxa kaloo xusid mudan, in dhowaan Madaxweyne Muuse Biixi Shaqadii ka caydhiyey Madaxii Mashaaricda Imaaraadka Carabta ee Somaliland uga wakiilka ahayd, oo ahayd Haweenay. Iyadoo shaqo ka caydhintaasna aynu baahinay todobaadkii hore, waxa talaabadaas xigtay in Imaaraadka carabtu shaqada ka caydhiyaan Masuuliyiinta kuwaas ay isku xidhnaayeen.
Shabakada Xogreebnews waxay Halkan idinki soo gudbinaysaa  Waraaqaha shaqada lagaga caydhiyey Masuuliyiinta Bisha cas ee Imaaraadka iyo qaraabadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku Magacaabay cida Maamulaysa Mashaaricda Imaaraadka Carabta ee Somaliland ka socda, gaar ahaan Wadada Berbera Corridor. 
Sidoo kale, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Magacaabay Guddida Tamarta (solar system Berbera).
Si kastaba ha haatee, qoraalada Diblumaasiyadeed ee uu bartiisa Twitter ku qoro, Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka isu-taga Imaaraadka Carabta Amb Hassan Yassin Hirad, ayaa tooshka ku qabtay Musuq-maasuq Mashaaricdaas hadheeyey, waxana qoralaadaas si weyn u dhibsaday kooxdii  lala xidhiidhiyey, hase-yeeshee waxa si toosa ugu baraarugay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo dawlada Imaaraadka Carabta oo labaduba isbedel ku sameeyey Masuuliyiintii uga wakiilka ahayd. 
La soco qaybaha dambe. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured