Hab-dhaqanka Jaamac Maxamuud Cigaal: Guddoomiyaha Sompower Mise Wasiirka Macdanta iyo Tamarta? "Jilitaan Ka Turjumaya Weedhihiisa iyo ficilladiisa". Qore Siciid Maxamuud Gahayr.

0
Friday July 31, 2020 - 14:09:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hab-dhaqanka Jaamac Maxamuud Cigaal: Guddoomiyaha Sompower Mise Wasiirka Macdanta iyo Tamarta? "Jilitaan Ka Turjumaya Weedhihiisa iyo ficilladiisa". Qore Siciid Maxamuud Gahayr.

    Hab-dhaqanka Jaamac Maxamuud Cigaal: Guddoomiyaha Sompower Mise Wasiirka Macdanta iyo Tamarta? "Jilitaan Ka Turjumaya Weedhihiisa iyo ficilladiisa". Qore Siciid Maxamuud Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hab-dhaqanka Jaamac Maxamuud Cigaal: Guddoomiyaha Sompower Mise Wasiirka Macdanta iyo Tamarta? "Jilitaan Ka Turjumaya Weedhihiisa iyo ficilladiisa". Qore Siciid Maxamuud Gahayr.
Saamiley ka tirsan Sompower oo weli Guddoomiyehoodii hore Jaamac Maxamuud Cigaal u haysta madaxa shirkadda, illawsanna inuu imaka yahay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ayaa Jimce u tegay Gudd-Wasiir, waxa dhex martay sheekadan:
Saamiley: Ii warran Guddoomiye Jaamac Maxamuud Cigaal?
Gudd-Wasiir:  Waa nabad, imaka wasiir ayaan ahay. Igu dhaha wasiir, wasiir baan ahee, wasiir igu dhahaay, wasiirnimada qira.
Saamiley: Wasiirnimadu waa maalmo. Sompower ayaa ah halka ku hurran marka xilka lagaa qaado. Hanti ma-guurto ah iyo mansab maalmo ah ma isku doorsanaysaa?
Gudd-Wasiir:  Maya wallaahi. Imaka isku-shaandhaynba waan ka baqbaqayaa, laakiin Sompower ma illaawin. Maxaad imaka rabtaa, bal isu kay sheega?


Saamiley:  Saamileydii SOMPOWER ayaanu nahay, suuqii 2014kii la inoo xidhay ayay qiime jaban kula wareegayaan GAAFANE, Indha-birta iyo Tec.. Inaad wax ka qabato weeye Guddoomiye
Gudd-Wasiir: Anigaa soo saari digreeto aan odhanayo laba koronto meel ma wada gelayaan, anigaa u dawladaynaya igu halleeya illeen wasiir baan ahay imaka.

Saamiley: TEC maxay shalay kaa huruufayeen horta Guddoomiye?
Gudd-Wasiir:  Anigaa wada-shaqayntooda joojin. Wasiirnimada nin SOMPOWER ah ayay diiddan yihiin iyo xilkayga. Indha-birtaba saw adhaxda kama jebin, kuwan biyo u kabban maayo.
Saamiley:  Qabyaalad ayay korontada ku geliyaan xaafadaha qaar, ma maqashay Guddoomiye
Gudd-Wasiir:  Shaqaalahooda gudaha dhiga. Wasiirnimada igula shaqaysta. Qabyaaladdooda waxa ka adag qarannimada

Saamiley:  Maxaynu xannibaad kale samaynnaa Guddoomiye?
Gudd-Wasiir:  Xeer inoo dan ah, iyagana xakame ku ah baan dejin oo barlamaanka marsiinayaa, miyaydan wasiirnimadayda ku kalsoonayn
Saamiley: Hadday diiddaanna Guddooniye? 
Gudd-Wasiir:  Hilfaha ayaa loo laabi, saw wasiir buuxa ma lihi.
Saamiley: Dee saamiley wanaagsan oo xukuumadda xidhiidh la leh ayaa dabadaa noo timi
Gudd-Wasiir:  kkkk waan ku farxay in Ganacsade Maxamed innagu soo biiray..

Saamiley:  Guryaha iska gashada ka warran Guddoomiye?
Gudd-Wasiir:  Xadhiggooda jara, wasiirnimada ha illaawina.
Saamiley:  Haye, Jimcaha dambe ha inoo ahaato
Gudd-Wasiir:  Waar dee wasiir baan ahaye, waa maxay codka aad iga duubteen
Saamiley:  Wallaahi daacad baan nahay, waxba kaama aannaan duubin
Gudd-Wasiir:  Bal qaran baa la ii dhaariyee,  labada hawlood waan isku wadiye nabagala waa inoo Jimcaha

Saamiley: Yaryarka nagu buuqaya maalmahan ma aragtay, sideen u jallaafaynnaa? 
Gudd-Wasiir: Dheg ha u dhigina, saw agabkii qorraxda cadceedda ma haysanno, saw magaalada 90% macmiil inooma aha, saw qiimaha u sarreeya kuma qaadno korontada, saw wixii $10 ka yar ma aynu diidin… Maxaydun ka dhegaysan maati laga dhex hadlayo..

Saamiley: Sawdigan meelaha qaar caddaalad ka sheega guddoomiye 
Gudd-Wasiir: Horta maxaan idhi, dee wasiirnimada hadalkeeda ayaa sidaas ah, shirka golaha wakiillada ayaan kagaga kacayay, miyaydaan arkin waxaan darraad ku dhigay Shirkadda Korontada Telesom. Nin waajibkiisa gudanaya ayaan ahay!
Saamiley: Nin adag baad tahay Guddoomiye, waa inoo Jimcaha 
Gudd-Wasiir: Lexejecladu waa wax lagu adkaado, dee anigu idin maqlay oo Guddoomiye idinka diidi maayo, xanteenna cid ha u sheegina illeen wasiir baan ahaye.. Markaan suuqa isku aragno iyo xafiiska "wasiir” i dhaha. Weliba linkiga hoose ka daawada sida aan caddaaladda u jilo, waa mar aan Indha-birta cirka u calaamadinayay'e!


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured