Xadhigga Maareeyaha Astaan Cable TV: Halxidhaale aan hadda la furin oo loo fuliyay Si Xeerka Baal Marsan!. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
Friday July 31, 2020 - 16:56:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xadhigga Maareeyaha Astaan Cable TV: Halxidhaale aan hadda la furin oo loo fuliyay Si Xeerka Baal Marsan!. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Xadhigga Maareeyaha Astaan Cable TV: Halxidhaale aan hadda la furin oo loo fuliyay Si Xeerka Baal Marsan!. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xadhigga Maareeyaha Astaan Cable TV: Halxidhaale aan hadda la furin oo loo fuliyay Si Xeerka Baal Marsan!. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr
Cabdimannaan Yuusuf waxa xidhay ciidanka sirdoonka 17kii Julaay 2020, isaga oo gelaya hudheelka uu degganaa. Lama soconnin ciidanka  boolisku waxa dhacay. Qaab argaggax leg ayaa gacanta loogu dhigay. Markii loo qaatay in la afduubay ayaa la wargeliyay ciidanka nabadgelyada. Imaka 14 maalmood ayuu u xidhan yahay sabab aan caddayn ama laba toddobaad.
Muddo 8 cisho ah ayaanay arag eheladiisa, saaxiibaddii iyo cid kasta oo arki lahayd. Taasi waxay sababtay in laga dayriyo habdhaqanka ugubka ah ee booqasho-diidka, boholo-gelinta iyo xeer-burinta ah.


Maalintii sagaalaad ee 26kii Julaay 2020 ayaa la geeyay xarumaha booliska. Markaas ayaa booqashada loo oggolaaday. Xadhigga mooyaane dhib kale ma qabo. Markaas kaddib  ayaa la geeyay maxkamadda, waxaana loo jaray rumaan ana xadhig xalaalayn 7 cisho ah. 
Waa iska uun muddo-korodhsi. Illaa haddana lama hayo wax cad oo lagu eedaynayo. Hadda waxa la leeyahay "baadhis baa socota". Waxa ay ahayd in ay eed rasmi ah keenaan ciidanku sirdoonka ee ka taxaabay faras-magaalaha Hargeysa. Wuxuu u muuqdaa faji ay sirdoonku walaaqeen. Waa sidii maska afka geliyay qorratada ee liqi waayay, tufina waayay.

Burintiyo xadgudubkiyo sharciga, laga dul boodaayo
"Weli baadhis baa socota" baa, lagu bannaystaaye
Iyadoo garsoor loo bandhigin, xeerna lagu beegin 
Bilo iyo dar baa lagu hayaa, maalmo sii badane 
Gabayga Baaddil Maan Wadin, 2016
Waxa mar kale maxkamadda la keeno doonaa 2da Ogos 2020ka oo Axad ah. Mana filayo in illaa hadda la diyaariyay gal-dacwadeed lagu eedeeyo. Waa sii noqo, soo noqo, haya, waa la baadhayaa, jactadin iyo bahdilaad. Xadhigga noocan ahi waxa uu dilayaa sumcadda Somaliland oo ku suntan dalka ugu xorriyadda badan Geeska Afrika.
Qof kasta oo Somaliland ku soo kordhiya wax togani waxa uu mudan yahay xaqdhawr, xurmo iyo xeerin. Waa gef in la waadaaliyo muwaaddiniinta aan waxba galabsannin. Waxa aan ku baaqayaa in xorriyaddiisa loo celiyo haddii aan la keenin eed rasmi ah oo loo hayo.
Wixii aan ka tegay waxa aan u dhaafayaa bahda sharciga Garyaqaan Hussein Fadal Garyaqaan Ayaanle Xaliye Garyaqaan Cabdale D. Aden Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela Xuseen Shabeel Cabdilaahi Garyaqaan Daahir Ciyaale Guuleed Dafac Siciid Geeljire


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured