Maxay Garsoorka Somaliland War-baahinta u adeegsada Xeerka Ciqaabta Somaliya, iyadoo uu jiro Xeerka Saxaafada Somaliland?. Qalinkii Garyaqaan Cabdala D. Adan.

0
Saturday August 01, 2020 - 22:00:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Garsoorka Somaliland War-baahinta u adeegsada Xeerka Ciqaabta Somaliya, iyadoo uu jiro Xeerka Saxaafada Somaliland?. Qalinkii Garyaqaan Cabdala D. Adan.

    Maxay Garsoorka Somaliland War-baahinta u adeegsada Xeerka Ciqaabta Somaliya, iyadoo uu jiro Xeerka Saxaafada Somaliland?. Qalinkii Garyaqaan Cabdala D. Adan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Garsoorka Somaliland War-baahinta u adeegsada Xeerka Ciqaabta Somaliya, iyadoo uu jiro Xeerka Saxaafada Somaliland?. Qalinkii Garyaqaan Cabdala D. Adan.
Baro Xuquuqda Ka Hor Intaan Laguugu Adeegsan Si Khaldan. 
Qodobada xeerka ciqaabta ee saxaafada loo adeegsado.
Qaybtan waxaanu si kooban ugu lafo guraynaa qodobada ku jira Xeerka Ciqaabta ee inta badan loo adeegsado suxufiyiiinta la dacweeyo. Qodobadani maaha keligood kuwa loo adeegsan karo warbaahinta, balse waa kuwa u badan ee la adeegsado. 
Waxaanu qodobadan soo xulay anaga oo ka duulaynaa dacwadaha aanu qareenada ka ahayn ama aanu goob joogga u ahayn, iyo kuwa qareeno kale ay nooga war bixiyeen. 
Qodobada inta badan loo adeegsado warbaahintu waa qodobada 328, 221, 321, 251, 452, 518 iyo 383 ee Xeerka Ciqaabta. Mid mid ayaanu isku dul taagaynaa waxa uu ka hadlo.
Qodobka 215: Dacaayad curyaamin ah ama Qaranka ka dhan ah Qodobkan waxaay u adeegsadaan hay’adaha dawladda ee sharci fulintu inay ku soo oogaan saxaafadda qorta war ka cadhaysiiya qof ama in ka badan oo ka tirsan dawladda. Qodobku nuxur 8 Qodobka 215 ee Xeerka Ciqaabta Guud ee Somalia. 9ahaan wuxuu ka hadlayaa in qof ku fidiyo dalka dhexdiisa dacaayad isaga oo doonaya in keligii taliye ama dabaqad bulsho (Social class) ay kula wareegto dalka xoog ama in si xoog ah loo cabudhiyo dabaqad bulsho ama in la taageero in si xoog ah loo majo xaabiyo nidaamka dhaqaale ama bulsho ee Qaranka ama in la sameeyo dacaayad si loo
burburiyo hay’ad sharci ama siyasadeed.
Sida halkan ka muuqata ee qof waliba fahmi karo qodobku wuxuu ku hadlayaa cid dacaayad u fidisa cid hubaysa oo doonaysa inay Qaranka af genbida oo ay ka abuurto nidaam keglii talis ah. Nasiib darro qodobka caynkaas ah ayaa xiligan lagu qaadaa suxufi qoray dhaliil caadi ah oo ka dhan laan dawladeed ama qof. Si xun u isticmaalka qodobkani caqabad wayn bay ku noqotay warbaahinta.
Qodbka 321: Ku qal-qaalin inaan sharciga la adeecin 9 Qodobkani wuxu ka hadlaa in qof si furan (publicly) ugu kiciyo qof kale inaanu adeecin sharciga la xidhiidha nidaamka guud ama qof kiciya 9 Qodobka 321 ee Xeerka Ciqaabta Guud ee Somalia 10 nacayb laga dhex abuuro dabaqado bulsho (Social Classes).
Qodobkani wuxuu ka hadlaa qof u soo tafo xayta inuu dad ku yidhaahdo meel fagaare ah inaanay adeecin sharci cayiman oo la xidhiidha amniga guud sida inaanay bixin cashuur.10 Ama inuu abuuro nacayb dabaqado bulsho. Qodobka caynkaas ah ayaa loo adeegsadaa suxufiyiin dhaliil u jeediyay hab maamul dawladeed sida qaar ka hadlay nidaam aan hagaagsanayn oo wax loo maamulay ama tuhun lacag la leexiyay. Arimahaas oo aanu qodobku habayaraatee khusayn.
Qodobka 328: Daabacaad ama faafin warar been abuur ah ama la buun buuniyey si loo carqaladeeyo nabadgelyada11 Qodobkani waa ka u badan ee saaxaafadda lagu qaado. Inta badan kama maqna dacwad kasta oo lagu soo oogo saxaafadda. 
Qodobku wuxuu ka hadlayaa qof daabaca ama faafiya war been abuur ah ama buun buunsan si loo khalkal geliyo amniga 10 Martin R. Goanzglas, The Penal Code of the Somali Democratic Republic with Cases, Commentary, and Examples.
11 Qodobka 328 ee Xeerka Ciqaabta Guud ee Somalia.
11 guud, waxa qodobku ka hadlayaa qof warka beenta ah u fidiyay isaga oo ay ka go’an tahay inuu khalkhaliyo nabada. Waxa tusaale u ah qof si uu reero isugu diro ka been sheega si ula kac ah dadka ku dhintay dagaalka oo uu dhinac u badiyo si dhinaca kale u aarsado.12 Qofka qodobkani qabanayo waa qof markaas ay tahay in laga helo shuruduuhaas.
Qodobada 451/452: Cay13. 
Qodobkani wuxuu ka hadlaa cidda dhaawac u gaysta sumacadda qof kale. Qodobkan si la mid ah qodobada hore ayaa si qaldan oo xun loogu adeegsadaa. Inaga oo xagga hoose ku sheegaynaa waafaqsanaanta qodobkan iyo qodobada kale ay waafaqsan yihiin dastuurka, hadana hadiiba sidiisa loo raaco qodobkani adilo uma siinayo madaxda inay ku xidhaan oo ku ciqaabaan warbaahin dhaliishay habkiisa shaqo. Tusaale ahaan qof madax ah oo laga sheegay dhaliil, ayaa la soo xidhaa oo la ciqaabaa qofki dhaliiilay iyada oo aan la baadhinba xitaa runimada dhaliisha la jeediyay.
Markaas 12 Martin R. Goanzglas, The Penal Code of the Somali Democratic Republic with Cases, Commentary, and Examples.
13 Qodobka 452 ee Xeerka Ciqaabta Guud ee Somalia 12 waxay madaxdu u adeegsata qodobkan inay indhaha kaga jeediso gal daloolooyinkooda iyo wixi la xidhiidha dhaca hantida ama musuq maasuqa, Si tan la mid ah ayaa loo adeegsadaa qodobka 269 oo cinwaankiisu yahay "cay loo gaysto hay’ad siyasadeed, maamul ama garsoor.”
Qodobka 383: Iska dhigid qof aanu ahayn14. 
Qodobkani wuxuu ka mid yahay kuwa sida yaabka ah loo adeegsado ee aan caadiyan meelna ka soo gelin warbaahinta. Qodobku waxa uu ka hadlaa qof iska dhiga ee sheegta qof kale si uu ugu khiyaameeyo qof uu doonayo inuu wax kaga qaado.
Tusaale ahaan qof xawaalad tegay isaga oo iska dhigaya qof kale si uu ugu qaato lacag la soo diray.15 waxa yaab ah in qodobkan loo adeegsado suxufi tusaale ahaan ay dawladdu ku doodayso inaanu tafatire ka ahayn warbaahinta uu ka shaqeeyo. Waxa dhacda in qof ay dawladdu ku ogayd inuu tafatire yahay uu ka tago shaqadii, dabadeed loo magacaabo. 
14 Qodobka 383 ee Xeerka Ciqaabta Guud ee Somalia.
Martin R. Goanzglas, The Penal Code of the Somali Democratic
Republic with Cases, Commentary, and Examples.
 Qof kale. Qofkan danbe ayay dawladdu ku soo eedaysaa qodobkan. Hada qofkii hore magaciisa iyo haybtiisa qofka danbe ma sheegan ee xilkiisii uu ka tegay ayuun buu hayaa.
Qodobka 518: Furashada wakiilnimo (agency) ama ganacsi aan ogolanasho loo haysan ama la mamnuucay 16, Qodobkani wuxuu ka hadlayaa qof iska furtay ganacsi isaga oo aan ruqsad u haysan ama aan soo ogaysiin cidda ay khusayso. Xeer-ilaalintu waxay qodobkan u adeegsataa qof la wareegay maamulka ama tafatirka warbaahin hore u jirtay. 
Tusaale ahaan, warbaahin shaqaysa ayaa cidii lahayd wareejisay.
Qodobkan ayay ku qaadaa xeer-ilaalintu, inkasta oo sida cad aanu qodobkani khuseyn oo uu ka hadlayo arin gebi ahaanba ka duwan.
Qodobka 287: eedayn been ah17
Qodobkani wuxuu ka hadlaa qofka isaga oo magaciisa qarinaya ama mid been ah sheegta u gudbiya si toos ah masuul garsoorka ka tirsan inuu 16 Qodobka 518 ee Xeerka Ciqaabta Guud ee Somalia.
17 Qodobka 287 ee Xeerka Ciqaabta Guud 14 dembi galay qof kale oo uu og yahay inaanu gelin dembigaas. Qodobkani wuxuu ku saabsan yahay hafriinshaha qof si been ah ugu dacweeyo qof kale inuu dembi galay. Tusaale ahaan inuu qof dilay, isaga oo og inaanu dembigaas gelin.
Nasiibdarro, qodobkan waa loo adeegsadaa suxufiyiinta inkasta oo sida cad aanu shuqul ba ku lahayn oo uu la xidhiidho dacwad si been abuur ah loo gudbiyay si qof loo geliyo dembi aanu qabin.
Waa jira mabada’ sharci oo ah inaanu dembi ahayn wixii aan sharci si cad uga dhigin dembi (principle of legality). Qodobka 26aad ee Dastuurka iyo qodobka 1aad ee Xeerka Ciqaabta ayaa mabda’aas sharci ayidsan. Sidaasdarteed, waxa dastuur ahaan mamnuuc ah in qof lagu eedeeyo ama lagu xukumo fal aan sharcigu si cad uga dhigin dembi. 


http://hrcsomaliland.org/…/Lafo-gur-qodobada-Xeerka-Ciqaabt…


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured