WASAARADA TAMARTA & MACDANTA JSL OO SHAQADII KA JOOJISAY SHIRKADA TELESOM ELECTRIC COMPANY!. W/Q Cabdiqani Cigaal.

0
Sunday August 02, 2020 - 23:20:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASAARADA TAMARTA & MACDANTA JSL OO SHAQADII KA JOOJISAY SHIRKADA TELESOM ELECTRIC COMPANY!. W/Q Cabdiqani Cigaal.

    WASAARADA TAMARTA & MACDANTA JSL OO SHAQADII KA JOOJISAY SHIRKADA TELESOM ELECTRIC COMPANY!. W/Q Cabdiqani Cigaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASAARADA TAMARTA & MACDANTA JSL OO SHAQADII KA JOOJISAY SHIRKADA TELESOM ELECTRIC COMPANY!. W/Q Cabdiqani Cigaal.
Wasiirka Wasaarada Tamarta & Macdanta JSL Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa joojiyay Wada shaqeyntii ka dhexeysay WTM iyo shirkadda korontada ee TEC, isagoo sidoo kale hakiyay hawlihii shirkaddu ka wadday gudaha dalkan JSL.Wasiirka Wasaarada Tamarta & Macdanta JSL Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa Wadashaqayntii Shirkadda TEC ay la lahayd Wasaarada Tamarata & Macdanta JSL ku joojiyay waraaqda Summadeedu tahay WTM-444 /2020, kuna taariikhaysan 30 Luulyo 2020, Ujeedadeeduna tahay Laqaadasho Joojin Wadashaqyneed. Shirkadda Wadaniga ah ee TEC ayay Hooyo u tahay oo kasoo farcantay Shirkadda Telesom. Imikana Shirkaddu waxay adeega koronto siisaa 16 magaalo oo ka tirsan dhamaan gobolada JSL.Shirkadda Korontada ee TEC ayuu tartan adag oo xaga suuqa ahi ka dhexeeya shirkadda Hantidii Dawlada Lagu Wareejiyay ee SOMPOWER oo sida Magaceeda ka Muuqta Doonaysa inay kali ku noqoto Suuqa Bixinta adeega Tamarta ee JSL


Sidaas oo ay tahay, Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta JSL Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa laga wada dharagsan yahay inuu Hore usoo ahaa Gudoomiyihii Board of Directors Shirkada SOMPOWER, ka hor intaan Madaxweynnaha JSL u igaman xilka Wasiirka Wasaarada Tamarta & Macdanta JSL. Hadaba, Sababta dhabta ah ee abaarta uu gudoomyihii hore ee Board of Directors Shirkadda SOMPOWER, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal u doontay xilka Wasiirka WTM , oo taageero noocyo badan ka heshay Shirkaddii uu Gudoomiyaha usoo ahaa ee SOMPOWER iyo waliba qaar kamid ah Ganacsatada waaweyn ee Dalka, ayay Dad ka wax faaleeyaa ku macneeyeen inaanay dhiirigalin Aqoonta iyo Kartida uu Jaamac Maxamuud Cigaal ulahaa Hawlaha Tamarta iyo Macdanta JSL, balse ay hogaaminaysay kaliya damaca shirkaddaha qaar oo baadi doon ugu jiray inay sad bursi helaan kuwaas oo qabey inuu Wasiirku Danaha Shirkadda SOMPOWER uu ka soo dhex amaamudo WTM Gudaheeda.
Hadaba Marka la eego Dulucda Waraaqda uu Wasiirku ku joojiyay wadashaqayntii ka dhaxaysay WTM iyo Shirkada TEC iyo waliba hakinta uu ku sameeyay Hawlahii Shirkadda Telesom Electric Company ay ka waday guud ahaan Dalka JSL oo uu Wasiirku kusoo dhisay in markuu garawsaday aflagaado iyo warar aan sal iyo raad toona lahayn oo uu ku eedeeyay Shirkada TEC inay Madaxtooyada ka dhex sheegtay awgeed uu u hakiyay dhamaan hawlahii shirkadaasi ka waday Dalka JSL Sidaas Darteed Nuxurka Waraaqda iyo talaabada uu wasiirku ku joojinayo shaqadii ay Shirkada TEC ay kawaday Guud ahaan Dalku waa mid toos ula xidhiidha ujeedadii marka horeba lagu tuhunsanaa inay Jaamac Maxamuud Cigaal iyo Ologiisu ka leeyahiin Qabashada Mansabkan Muhiimka u ah Qaranka JSL ee Wasiirka WTM: oo beegsanaysa ka midhodhalinta talaabo iyo tab kasta oo Suuqa adeega Tamarta Dalka loogu Ceshiimeyn karayo Shirkadda  SOMPOWER. 

Inkastoo  Wasaarada Tamarata iyo Macdanta JSL aan Shirkad iyo Shakhsi toona aanuu gaar u lahayn uguna danaysan karin, Hadana waa in lays weydiiyo Afar Su,aalood oo ay Jawaabahoodu fure u yahiin fahanka Khilaafka ka dhex aloosan Shirkadda TEC iyo Wasiirka WTM, afartaas su,aalood  oo kala ah sidan hoos ku qoran:-

1) Marka ugu horaysa waxa isweydiintu tahay intee in le,eg ayay  Conflict of Interest ay ka madhnaan kartaa  talaabadan shaqo ka joojinta ah ee uu Wasiirka WTM ka Qaaday Shirkadda Wadaniga ah ee TEC oo sifo Sharci ah kaga Ganacsata Dalka JSL? 

2) Iyadoo aynu ognahay in adeegii suuqa dheelitirayay ee Bixinta laydhka Jaban ee Dawladu uu Meesha ka baxay Dad waynaha miyay Dan utahay in Suuqa Shirkad kaliya Loo xidho?

3) Shirkadda TEC ee Hawlaheedii iyo wada-shaqayntii ay lalahayd WTM uu Wasiirku  joojiyay waxay leedahay Ruqsadda ay ku heshay Sifo Sharciga waafaqsan oo ay bixisay Dawlada JSL, Sidaas darteed miyay sharci tahay in Wasiirku kaligii waraaq uu qoray ku joojiyo shaqadii ay shirkadu ka haysay Dalka ISL oo macnaheedu noqonayo inuu wasiirku laalay ruqsadii Shaqo ee Shirkadda NEC? Haday sidaasi dhacdo se intee in le,eg baa faa iido iyo khasaare dalka ugu jiri karata adoo ka qiimaynaya dhinaca maaliyada iyo dhanka dhaqaaleba?

4) Hadiise Laba shirkadood oo Suuqa ku Tartamayaa uu Midkood awood uyeesho inuu Shaadhka Dawlada u xidho ta kale, Dawladnimadii JSL Xagay ku danbayndoontaa? Hadiiba Ganacsiga JSL uu Xoogxoog iyo ismuquunin noqdo oo sharciiga laga talaabsado Miyaad u malaynaysaa inay Shirkadda TEC kaligeed ay noqonnayso  cida wax ku waayi doontaa? 

Hadaba, Anigoo Su,aalahaa Jawaabahooda Dawlada JSL iyo Dad weynaha intooda Xalaasha ah  udhaafaya. Waxaan halkan Madaxweynaha JSL Mudane Muse Biixi Cabdi ugu soo jeedinayaa in isagoo :- 

 Ka duulaya , Tix galinaya oo Ilaalinaya danta Dadka reer Somaliland ee Saboolka ah iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka bacdamaa ay shirkaddaha Gaarka looleeyahay ee Wadaniga ahi ay yahiin isha kaliya ee Shaqa abuurka Dalka , 

 Dabaqaya Dastuurkka JSL iyo Shuruucda Dalka JSL oo Damaanad Qaadaya Suuqa Xorta ah kuwaas oo ilaalintooda uu Masuul kayahay Madaxweynaha JSL.
  tixgalinaya wadajirka, Midnimada,  Badqabka & xasiloonida JSL  iyo saraysiinta sharciga oo u damaanad qaadaysa muwaaadniinta cadaalad iyo in dhamaan dadka reer Somaliland usiman yahay sharciga.
waa in dawlada JSL ay si Degdega Talaabo sharciga waafaqsan uga Qaado Dhacdaadan uu Wasiirka Wasaarada Tamarata & Macdantu ku joojinayo wadashaqayntii ka dhexeysay shirkadda TEC oo uu Muwaadin leeyahay sifo sharciyana uga ganacsata Dalka iyo WTM oo ah Wasaarad Dawladeed oo ufuran Dhamaan Dadweynaha JSL. 
Sidoo kale Waa inay Dawlada JSL talaabo adag oo anshax marin ah laga qaadaa hadii sida ay dadku tuhunsan yahiin ay arintu tahay in Shirkaddo uu tartan suuq ka dhexeeyaa ay isku soo Gashadeen Shaadhkii dawlada JSL Masuulna uu uga Dadka uga yahay Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay Dadku soo doorteen.
Halkan Hoose ka akhri waraaqadda uu Wasiirka Tamarta iyo Macdanta #Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal,ku joojiyay wada shaqeyntii shirkadda korontada ee TEC( Source Wariye Khaalid Foodhaadhi https://twitter.com/KFoodhaadhi/status/1288989030269550600…).


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured