"Xaasha Xoolaha Dadweynaha Somaliland Xisbiga Kulmiye ma aha mid usoo gurguuranaya" Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Kulmiye Cali Maxamed Cali oo u Jawaabay Afhayeen Barkhad ka Wadani.

0
Monday August 03, 2020 - 22:11:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xaasha Xoolaha Dadweynaha Somaliland Xisbiga Kulmiye ma aha mid usoo gurguuranaya" Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Kulmiye Cali Maxamed Cali oo u Jawaabay Afhayeen Barkhad ka Wadani.

    "Xaasha Xoolaha Dadweynaha Somaliland Xisbiga Kulmiye ma aha mid usoo gurguuranaya" Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Kulmiye Cali Maxamed Cali oo u Jawaabay Afhayeen Barkhad ka Wadani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xaasha Xoolaha Dadweynaha Somaliland Xisbiga Kulmiye ma aha mid usoo gurguuranaya" Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Kulmiye Cali Maxamed Cali oo u Jawaabay Afhayeen Barkhad ka Wadani.
Hargeysa(Xogreebnews)- Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Cali Maxamed Cali,  ayaa ka Jawaabay qoraal uu bartiisa Facebook ku baahiyey Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, waxanu Gudoomiye Cali Sheegay in aanu Xisbigoodu Hantida dadweynaha u Hayn inuu Xisbiga lagu maalgeliyo.
Hase-yeeshee Xisbiga Kulmiye ula siman yahay asxaabta kalee Qaranka. Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook kasoo u dhigan sidan.
"Maanta oo ay Taariikhdu tahay 03/08/20 ayaa Guddiga Qabanqaabada shirweynihii Afraad ee Xisbiga Kulmiye lagu dhawaaqay Maalinta uu noqonayo oo ah 04/10/20, 05 iyo 06, Saddex maalmood iyo Hargaysa oo Madashu tahay.
Intaa markaan ka gudbo, ujeedada qoraalkayguna ka hadli doono, in Mudane Barkhad Jaamac Batuun, oo ku hadla afka Xisbiga Qaran ee Mucaaridka ah waqtigan imika lagu jiro ee Wadani, ka hadlay muuqaalka bartii laga iclaaminayey waqtiga Shirweynuhu Qabsoomi doono.
Barkhad Jaamac, qoraalka uu bartiisa Bulshada soo dhigay laba waan ku raacsanahay oo ilaahay baa Caadil ahe, waa run in Kulmiye Toban jirsadey intii uu Kursiga ku Fadhiyey, waa run in Kulmiye yahay Xisbil xaakim, laakin arrinta Saddexaad ee Mudane Barkhad afka ku dhuftay waa arrin qofkii damiir leh aanu ku raacayn.


Saaxiibkay Barkhad, wuxuu yidhi Kulmiye wuxuu hayaa Xoolihii Ummada oo ujeedadiisu ahayd in Muuqalka Sawirka Muujinaya Daroorka ay ku hagaajiyaan. Waa midka koowaade, Xaasha Xoolaha Dadweynaha Somaliland Xisbiga Kulmiye ma aha mid usoo gurguuranaya sidii ugu hagaajin lahaa baahida Xisbiga iyadoo ay ula siman yihiin Axsaabta Qaranka. Miduu gacanta ku hayo na maaha oo Dawlad baa Dalka ka Talisa.
Tan labaad, Dawlada Madaxweyne Muse Biixi ma aha mid ka kooban Xisbiga Kulmiye oo way ka balaadhantay waxaana kuu cadeynaya in arragtidaa dhuuban aanay lahayn, waxaa ku jira Dawlada Shakhsiyaad ka mid ahaa Hormoodka Xisbiga Wadani, oo doortay inay dalkooda iyo dadkooda u adeegan meel dhigaan Xisbinimadoodii sidoo kalena ay Dawlada ka mid yihiin Shakhsiyaad Hormoodka Xisbiga Kulmiye ka mid ahaa oo maantana meel dheer iyo meel gaabanba u fuuley u adeega Somaliland. Therefore, Kulmiye Xisbul Xaakim ha ahaadee, Dawlada ayaan ku koobnayn Xisbil Xaakimka.
Sawirkii markaan usoo noqdo, taagerayaasha Axsaabta qaranku guryo ka samaysan quraarad ama Glass kama soo toosaan, oo Bulsho meel kasta ha ku noolaatee, Daroor, Jajab, baahi iyo waxyaabo kaloo badan wa ka siman yihiin, oo maanta in daroor Cay noqdo waa wax la yaab leh, xisbiga Kulmiye na waa u amaan inu Ummada uu wax la qabo, ee suaal;
Xisbiga Wadani, oo Afhayeenkeedu u horeeyo, ma igu raacsan yahay in Dawlada Madaxweyne Muuse Biixi ay ka balaadhantay Xisbiga Kulmiye oo Axsaabta Kale Mudanyaal ahaa ay ka mid yihiin Dawlada?


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured