Guddoomiye Cirro Oo Ka Joojiyey Saxeexii Uu Xisaabaadka Banaanka Uga Furan Xisbiga Uu Lacagaha Kaga Soo Saari Jiray Ku-simaha Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Iyo Sababta

0
Tuesday August 04, 2020 - 14:19:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirro Oo Ka Joojiyey Saxeexii Uu Xisaabaadka Banaanka Uga Furan Xisbiga Uu Lacagaha Kaga Soo Saari Jiray Ku-simaha Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Iyo Sababta

    Guddoomiye Cirro Oo Ka Joojiyey Saxeexii Uu Xisaabaadka Banaanka Uga Furan Xisbiga Uu Lacagaha Kaga Soo Saari Jiray Ku-simaha Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Iyo Sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Cirro Oo Ka Joojiyey Saxeexii Uu Xisaabaadka Banaanka Uga Furan Xisbiga Uu Lacagaha Kaga Soo Saari Jiray Ku-simaha Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Iyo Sababta
Hargeysa(Xogreebnews) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Muxamed Cabdulaahi Cirro, ayaa la sheegay inuu gebi ahaanba ka joojiyey saxeexii uu ku siisimaha Xoghayaha Guud ee  Xisbiga WADDANI uu xisaabaadka uga furan xisbiga Baananka kaga soo saari jiray Lacagaha Xisbiga, kadib markii uu ku kacay ku-siisime Khadar ku tagrifal hantiyeed,Musuq-maasuq iyo wax is daba marin,isla markaana ay Akownadii uu Xisbigu ku lahaa Baananka kale duwan ee dalka Somaliland ay is faaruq-garaaceen.
Guddoomiye Cirro iyo hoggaanka Xisbiga,ayaa la sheegay in dhawr jeer lagu wer-geliyey ku tagrifalka Maaliyadeed ee uu ku kacayo Khadar Xuseen Cabdi oo ah ku siisimaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga,madaama oo uu keligii Akownada uu Xisbigu ku leeyahay Baananka dalka ka soo saari jiray kharashaadka Xisbiga, haseyeeshee waxa lagu baraarugay Akownadii Xisbiga oo is faaruq garaacaya iyo Lacago badan oo laga saray, kuwaas oo uu  u jid bixin waayey Khadar markii la weydiiyey waxa loo isticmaalay,waxaana la sheegay inuu lacagaha qaarkood uu isticmaalay,tamashlaynta Huteelka Ambsadoor oo bil walba kusoo dalacda saddex kun oo dollar $3000 ,Barta Facbuuga uu ku leeyahay uu ku shubto lacag dhan kun dollar $1000 bil walba iyo meelo kale,taas oo keentay inuu Guddoomiye Cirro qaato go’aankaas uu kaga joojinayo ku-siisimaha Xoghayaha Guud ee WADDANI saxeexii uu lacagaha Xisbiga kaga soo saari jiray Akownada uu Xisbigu ku leeyahay Baananka Dalka.
Dhanka kale waxa la sheegay inay falalkaas guracan, arxanka daran iyo musuq-maasuq maaliyadeed ee uu ku kacay Khadar Xuseen Cabdi oo ah ku-siisimaha Xoghayaha Guud ee Waddani ay shaqadeedii uga tagtay Agaasimihii Maamulka iyo Lacagaha Xisbiga Waddani Hoddan Xuseen "Amaano”,taas oo ahayd mid si hagar la’aan ah oo daacadnimo ah ugu adeegi jirtay, Xisbiga, haseyeeshee waxay ka biyo diiday oo ay Xisbiga jagadii ay ka haysay iskaga casishay falalka musuq-maasuq ee uu ku kacayey ku-siisimaha Xoghayuhu kuna faaruqiyey Akownada uu xisbigu ku lahaa Baananka,waxaana xusid mudan in ilaa hadda loo layahay cid buuxisa booskii ay banaysay Hoddan Amaano, iyadoo ay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo hoggaanka Xisbigu ay ku amaaneen qaabkii hagar la’aanta ,daacanimadii iyo xil kastnimadii ay Xisbiga ugu adeegaysay,waxaana la sheegay inay ka dalbadeen Hoddan amaano inay jagadaasii sii hayso, balse waxay u sheegtay in aanay sii haynayna shaqadaas Xisbiga, isla markaana aanay diyaar u ahayn inay la sii shaqayso shaqsigaas u soo tafaxaytay musuq-maasuq maaliyadeed ee Xisbiga ee ku kacay falalkaas aan kor ku soo sheegnay.


Geesta kalene Guddoomiye Cirro iyo hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa la sheegay shir deg deg ah oo arrintaas ka  geleen inay ku go’aamiyeen in saxeexa Lacagaha Akownada uu Baananka ku leeyahay Xisbiga laga dhigo saddex qof oo wada jir ah,taas oo ka dhigan in haddii uu midkood ka maqan yahay saxeexiiso aan wax lacag ah laga soo saari karrin Akownada Xisbiga, kuwaas oo uu Guddoomiyuhu kamid yahay, isla markaana aan la’aantii lacago laga soo saari karrin Akownada Xisbiga WADDANI uu ku leeyahay Baananka dalka ,waxaana laga joojiyey sexeexii madiga ahaa ee uu ku-siisimaha Xoghayaha Guud ee WADDANI lacagaha kaga soo saari jiray xisabaadka Baananka uga furan Xisbiga WADDANI
Si kastaba ha-ahatee Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ka joojiyey saxeexii uu lacagaha Xisbiga kaga soo saari jiray xisaabaadka uga furan Xisbiga Baananka Dalka Khadar Xuseen Cabdi oo ku-siisamaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI loogu doortay shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI uu ku qabsaday Magaalada Burco Kal hore,kadib markii uu ku kacay falal musu-maasuq iyo wax is daba marin, taas oo keentay in bishii oo dhammaan ay mararka qaarkood ay Akownada Xisbigu is faaruq-garacaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured