"HIILKA HARGEYSA WAA HOGGAAMIYAHAN". Afhayeenka Waddani Barkhad Jaamac Batuun

0
Tuesday August 04, 2020 - 17:17:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "HIILKA HARGEYSA WAA HOGGAAMIYAHAN". Afhayeenka Waddani Barkhad Jaamac Batuun

    "HIILKA HARGEYSA WAA HOGGAAMIYAHAN". Afhayeenka Waddani Barkhad Jaamac Batuun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"HIILKA HARGEYSA WAA HOGGAAMIYAHAN". Afhayeenka Waddani Barkhad Jaamac Batuun
Abdikarim Ahmed Mooge waxaa hubaal ah in aad hormuud u noqoneyso halyeeyo badan oo jecel hoggaaminta dalka aqoon, awood maamul, amaano iyo aragti fogba leh. Waxaan ogahay in aad tahay cagaf duminaysa dayrka qabyaaladda oo dhisaysa dayrka dawladnimo dadka wada deeqda,
Waxa aan ogahay in aanad aheyn qof baahan oo raba in u bulshada boobo bals'e ah qof bisil oo raba in u umaddiisa u adeego oo shaqaale shicib noqdo. Waxa aan ogahay in ay hadh iyo habeen ku damqayso dayaca haysta dadka caasimadda degan ee waddo la'aan ah, ee garoon la'aan ah, ee nadaafad la'aan ah,
ee biyo la'aan ah, ee fayo dhowr la'aan ah, ee beero la fadhiisto la'aan ah.
Waxa aan marag iyo markhaati kaaga ahay in aad dooneyso inaad qabyaaladda dabar jarto oo aad caddaaladda daw u furto,
In aad rabto dadkeenu in u midoobo ul iyo diirkeed ahaado, In daryeelka danyarta iyo ilaha adeega aasaasiga bulshada u ahi mudnaantaada 1aad yihiin! 
Waxa hurdo kuu diiday ee aad ku hamida tahay waa Hargeysa oo ka dhigto Caasimad la cimilo iyo caynadba ah Caasimadaha dunida!
Muwaadiniinta oo dhammi waxay baadi-goobayaan Mas'uul aan rabin Xilkooda iyo Xoolahooda laakin waxay rabaan Mas'uul u xannaaneynaya siday hooyadu dhallaankeeda u dhowrto kaasina waa Adiga!
In aad Maayirka Caasimadda Hargeysa noqota waxay noqoneysay furayaashi 1aad ee boqolaal dhallinyaro ahi ka gali lahaayeen Albaabka sawirka siyaasadda Somaliland. 
Waxaad dhibcaha rejada u tahay dad badan oo damac hoggaamineed leh balse deyr aan albaabo laheyn lagu xidhay. 
Bulshadda Somaliland waxay si weyn u soo dhaweysay dhawaaqaaqi shalay aad kaga shanqadhisay In aad Maayirka Caasimadda rabto kadib doorashadaada goolaha deegaanka.
Dalka iyo Dadka ku baahan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured