Shir-nabadeed Ka Furmay Degmada Saax-dheer Ee Gobolka Sool iyo Ujeedada u Daaran-yahay...

0
Wednesday August 05, 2020 - 13:50:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir-nabadeed Ka Furmay Degmada Saax-dheer Ee Gobolka Sool iyo Ujeedada u Daaran-yahay...

    Shir-nabadeed Ka Furmay Degmada Saax-dheer Ee Gobolka Sool iyo Ujeedada u Daaran-yahay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir-nabadeed Ka Furmay Degmada Saax-dheer Ee Gobolka Sool iyo Ujeedada u Daaran-yahay...
Saax-dheer(Xogreebnews)-Waxa Gelinkii dambe ee Maanta Degaanka Saax-dheer ka furmay Shir-nabadeed u dhexeeya Beelaha Walaalaha ah ee Hagar iyo Hayaag ee Dhulbahante.
Labada Beelood oo uu Gogol nabadeed u dhigay Garaadka guud ee Beelaha Sool, Sanaag Iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa la doonayaa in lagu soo afjaro Colaad muddo soo jiitamaysay ee u dhaxaysey labada beelood ee Walaalaha ah, kuwaasi oo horraantii bishii dhamaatay ee July uu dagaal khasaare sababay ku dhex maray degmada Horufadhi.
Shirka Nabadeed ee ka furmay Saax-dheer ayaa waxa ka qayb-galay Odayaasha iyo Waxbaradka Labada Beelood ee la heshiisiinayo iyo Tobannaan Madax-dhaqameed ah oo ka socda Gobollada kale ee dalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured