Bukaan ay Marwaxad Iyo Falneenbo ku socdaan oo Nalka Laga Jaray WQ Garyaqaan Abdirahman Ubaxle.

0
Thursday August 06, 2020 - 14:15:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bukaan ay Marwaxad Iyo Falneenbo ku socdaan oo Nalka Laga Jaray WQ Garyaqaan Abdirahman Ubaxle.

    Bukaan ay Marwaxad Iyo Falneenbo ku socdaan oo Nalka Laga Jaray WQ Garyaqaan Abdirahman Ubaxle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bukaan ay Marwaxad Iyo Falneenbo ku socdaan oo Nalka Laga Jaray WQ Garyaqaan Abdirahman Ubaxle.
Subax hore aniga oo gurigayga ka soo baxay Hargeysa oo Xaafada Badacas ku yaal ayaan arkay nin salaan sita oo ay qof Dumar ah is haystaan.
Gabadhu waxay ku baroranaysaa waar ilaahay ka baqa oo laydhka noo daaya lacagta waanu bixinaynaaye qof bukaan ah oo marawaxad iyo faleebo ku socoto ayaa guriga noo jiifee.
Waxan isku deyey inaan dhex galo ninka laydhka jaray wuxuu ahaa mid axmaq ah oo aan wax damqasho ahi ka muuqan'' lacagta reerka laydhka lagaga jaray waxay ahay 24.58$ gabadhu waxay ku doodaysay in aanay warqada biilka arkin halka ninku ku doodayey in qof albaabka furay loogu dhiibay biilka.
Ninka laydhka jaray waxan weydiiyey miyaan digniin kama danbays ah Macmiilka la siinin ma 24$ ayaad reerka laydhka uga goyseen wuxuu iigu jawaabay shaqadayda maaha aniga amar baa la siiyey.


Horta gabadhii waan ka bixiyey lacagtii si laydhka loogu daayo lakiin waxan go,aansaday in aan ka wareego Sompower oo qimehedu ahaa 0.79$ waxaan u wareegay indhabirta oo ah 0.59 weliba qiima dhimis kuu samaynaysa hadii biilkaagu bishii kor u dhaafo 50$ laydhkana aan kaa jarayn ilaa 3 bilood isku kaa gaadho mooyee oo weliba dhawr jeer fariin SMS ah lagugu digayo.
Macmiilka waxaa u dan ah cidii qiimo jaban iyo ixtiraam isugu darta ee reer Hebel baa leh waxba uma tarto ogaada laydh jaban waa indhabirta iyo gaafane hadii aad Hargeysa galbedkeda Degan tahay waa inta aan ka warhayo.
Sompower down


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured