Sheeko aad u Xiiso badan Wargeyskii Xidigta October oo u Qoray Aqoonyahan-Ciyaaryahan Jamaal Cali Xuseen.. Akhriso.

0
Thursday August 06, 2020 - 19:11:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko aad u Xiiso badan Wargeyskii Xidigta October oo u Qoray Aqoonyahan-Ciyaaryahan Jamaal Cali Xuseen.. Akhriso.

    Sheeko aad u Xiiso badan Wargeyskii Xidigta October oo u Qoray Aqoonyahan-Ciyaaryahan Jamaal Cali Xuseen.. Akhriso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheeko aad u Xiiso badan Wargeyskii Xidigta October oo u Qoray Aqoonyahan-Ciyaaryahan Jamaal Cali Xuseen.. Akhriso.
Maanta Waxaan fileskayga ka helay Wargeyskii Xiddigta Octoober ee Muqdisho ka soo baxay September 5 teeddii 1982 kii. Qaybta aan idiin soo sawiray maanta wuxuu faallo ka qoray qaybtii ciyaaraha goboladda gaar ahaan kubadda Laliska (Volleyball). Afartii kooxeed ee isku soo hadhay Waxay kala ahaayeen Togdheer Oo qaybta A iyadu 6 dhibcood ku hogaaminaysay Oo maalintaasina Hiiraan ka badisay iyo isla Hiiraan oo iyaduna qaybtaa A kaalinta labaad kaga jirtay kana Mid tahay labada kooxeed ee qaybta A ka soo baxay iyo ciyaaraha semifinalka. Dhinaca Qaybta B Waxaa hogaaminayey gobolka Waqooyi Galbeed ee Hargeysa Oo 6 dhibcood ku hogaaminayey inkastoo ay Shabeeladda Hoose ka badiyeen maalintaasi. Kolkaa dhibco tirsiga Waqooyi Galbeed ayaa qaybta B ku hogaaminaya 6 dhibcood kaalinta koowaad halka Shabeeladda Hoose ay 5 dhibcood iyagu kaalinta labaad ee qaybta B ay ku soo baxeen. Isku soo wada duuboo afarta Gobol ee isku soo baxay waxay kala ahaayeen Togdheer Oo hogaaminaysa qaybta A iyo Hiiraan. Halka dhinaca kalena Waqooyi Galbeed Oo qaybta B hogaaminaysa iyo Shabeeladda Hoose. Sanadkaa sidaan xasuusto Gobolka Togdheer ayaa koobkii Volleyballka ama kubadda Laliska ku guulaysatay. Yaad ka xasuusataan raggii Volleyball u ciyaari jiray  goboladaasi oo ahaa rag xirfad iyo dedaal Ilaahay ku maneystay. Intii dhimatay Ilaahay haw naxariisto inta noolna Ilaahay cimriga iyo caafimaadkaba haw barakeeyo. Sharaa'idkana ka akhriso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured