Shir Albaabadu u Xidhan Yihiin oo ay Yeesheen Shirkada Laydhka Sompower iyo Masuuliyiinta Wasaarada Tamarta... Maxaa lagaga Wada-hadlay...

0
Thursday August 06, 2020 - 23:14:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Albaabadu u Xidhan Yihiin oo ay Yeesheen Shirkada Laydhka Sompower iyo Masuuliyiinta Wasaarada Tamarta... Maxaa lagaga Wada-hadlay...

    Shir Albaabadu u Xidhan Yihiin oo ay Yeesheen Shirkada Laydhka Sompower iyo Masuuliyiinta Wasaarada Tamarta... Maxaa lagaga Wada-hadlay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Albaabadu u Xidhan Yihiin oo ay Yeesheen Shirkada Laydhka Sompower iyo Masuuliyiinta Wasaarada Tamarta... Maxaa lagaga Wada-hadlay...
Hargeysa(Xogreebnews)- Saamileyda Shirkada Laydhka ee SOMPOWER, ayaa la sheegay inay la kulmeen Masuuliyiinta Wasaarada Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Warbaahinta Xogreebnews, ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Shirkada Laydhka ee Sompower, ay kulamo Saacado socday la yeesheen Masuuliyiinta Wasaarada sida Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaas.
Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Tamarta, ayey albaabadu u xidhnaayeen, isla markaana aan loo ogolaan Warbaahinta, hase-yeeshee xogo lagu kalsoon yahay oo ay ka Helayso Shabakada Xogreebnews, ayaa tibaaxaya in Masuuliyiinta Wasaaradu usoo jeediyeen Masuuliyiinta Shirkada Sompower inay qiimaha jebiyaan, maadaama oo ay cabaasho badan ka imanayso Bulshada.
Hase-ahaatee Masuuliyiinta Shirkada Laydhka ee Sompower, ayaa ka meermeeray in ay natiijo rasmiya siiyaan Masuuliyiinta Wasaarada Tamarta, taasoo ay dalbadeen bal inay dib isula noqdaan boodhka sare ee Shirkada Sompower. 
Si kastaba ha haatee qaybaha Bulshada, ayaa todobaadyadii u dambeeyey kacdoon ka waday baraha Bulshada, kuwasoo sida fiinta uga qaaliyey qiimaha qaaliga ah ee Laydhka ku siiso xaafadaha Magaalada oo intooda badan kooto loogu xidhay Shirkada Sompower, waxanay Bulshadu dalbanaysaa in qiimaha laga jebiyo, sidoo kalena la tayeyo adeega ay shirkadu bixiso oo ah mid liita.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured