Naarnaar (1): Taxane Qoraallo Ah Oo Daaha Ka Qaadaya Dulmiga iyo Duudsiga Korontada Somaliland. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

0
Friday August 07, 2020 - 14:34:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naarnaar (1): Taxane Qoraallo Ah Oo Daaha Ka Qaadaya Dulmiga iyo Duudsiga Korontada Somaliland. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

    Naarnaar (1): Taxane Qoraallo Ah Oo Daaha Ka Qaadaya Dulmiga iyo Duudsiga Korontada Somaliland. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naarnaar (1): Taxane Qoraallo Ah Oo Daaha Ka Qaadaya Dulmiga iyo Duudsiga Korontada Somaliland. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Daryeel la’aanta Macaamiisha, Duunyo-raadinta iyo Dafiraadda Khasaaraha Ay Geysato Korontada Sompower: 3 Dhacdo Oo Guri Gubtay ku jiro!
"Waxaad la hanfariirteen
Waa caara-hoorkii
Ma hanqadhin cirweynii” Hurre Walanwal
Intii hore waxa socday kacdoon shacab, qof ahaantayda waxa aan kaga qayb qaatay muuqaallo, sawirro iyo qormooyin gaaban, caawa ayaan bilaabi doonaa taxane qoraallo ah oo daahfuraya dhibaatada ay shirkadda Sompower ku hayso ummadda.  Hadba dhinacyo kala geddisan ayaan ka eegi doonaa. Waxa aan dadka ka codsanayaa inay gaar iigu soo diraan wixii xog, caddayn iyo marag fur ah. Waxa ay noqon doonaan bog, ama1.5 bog haddii Alle idmo.


"Haddaan qalinku saamayn lahayn, waa la qubayaaye”
Qormooyinka waxa aan ku soo qaadan karnaa xitaa qoraal cid kale diyaarisay, xaqiiqdana ku salaysan. Dareenka shacabku maaha qiiro iyo xumbo maalmo ah. Waa mid dalcad iyo buur loo korayo. Waa kuwan saddex dhacdo oo 24kii saacadood ee u dambeeyay isoo gaadhay:
Sompower waa ay ka warwareegtaa qaadashada dhibta ay masuulka ka tahay ee korontadu geysato iyo xaqa shaqalaaha intaba. Guriga aad sawirkiisa aragtaan oo ku yaalla Xaafadda Nasiye ee Cabbaaye, waxa qabsaday dab ka kacay koronto 2dii Julaay 2020ka, waxa ku jiray korontda Sompower. Qoysku waxa ay ii sheegeen in dabku ka kacay korontada oo shoodh galay. Saddex qol iyo agabkii yaallay ayaa burburay, waxa kiiskan loo gudbiyay laamaha dembi-baadhista, waxaanse illaa hadda dhicin la-xisaabtan dhab ah oo Sompower lagu gole-joojiyo. Waxa ugu adag inaad hesho cid idiin garsoorta hantiile haysta dhaqaale iyo adduunyo.. 
Yaa masuul ka ah khasaaraha aay guriga u geysato korontadu?
Yaa dacwaddan ka garnaqi kara?
Yaa soo fadhiisin kara ganacsatada Sompower?
Muddo bil iyo dheeraad ay ah ayay warwareegayaan qoladii SOMPOWER, lamana hayo goaan ah in dhibka masuul ka yihiin iyo in kale. Dadkii guriga lahaa ma hayaan cid jidsaarta, waa la celcelinayaa uun. Warka iyo warbixinta qoyskaas waa aan sii wadi doona, waanan barbar taaganahay illaa cid qaadato masuuliyadda khasaaraha ama uu noqdo wax ay iyagu isu qabaan oo aan cidi u geysan insha Allah.

Marka aad guri kiro ah ku jirto, saddex qol ay kaa shuf beeleen, lagaa rabo waxyeellada guriga gaadhay, shirkaddu ay ku doodayso "masuul kama nihin wixi guriga ka dhaca”, dee aniga ma bannaan ayaad koronto iigu xidheen, ciddii loo dacwoon lahaa ay ganacsatada u debecsan tahay, "soo noqo, sii soco, aan eegno” lagaaga debci waayo, saw noqon mayso inaad sida bambada ugu qaraxdo cidda aad duudsiga ka tirsanayso……..

Haweenay ku nool Hargeysa oo ka hadlaysa daryeel la’aanta ay macaamiisha korotadu ku qabaan SOMPWER ayaa tidhi "Aniga oo suuqa ku maqan ayay SOMPOWER yimaaddeen guriga si ay u qoraan tirada saacadda, waanan sii qufulay. Judhiiba dibadda ayaa ay ka jareen. Waan yaabay markii aan gurigii oo nalku demsan yahay”. Kootada ayaa u saamaxaysa inay jaraan korontada, waayo dadka ayaa ku qasban inay adeegsadaan Sompower oo 70% keligeed nalka u shidda Hargeysa. Saw biilkooda kuma qorna "shan cisho haddii lagu bixin waayo lacagta, waa la jarayaa korontada”. Ma shan qudha, waar miyaad qofka laba bilood uga dhigtaan ama xaaladdiisa waraysataan?
Aragtidoodu waa in la helo macaash iyo agab qora lacag badan. Wiil masuul ka ah meherad ay Sompower ugu jirto oo faras-magaalaha Hargeysa ah ayaa yidhi "Waxa noo yimi qolada SOMPOWER oo la yaabay in meheraddu adeegsato $25 koronto ah bishii, saacadda way qufuleen si aan loo taaban, waana inta ay soo qortay.
Waxa ay yidhaahdeen "Waa maxay saacaddu $25 bay qoraysaa?”. Waxa aan ku  idhi "Sawdinkaa xidhay ee qufulay, annagu laambado iyo tiifii baan ku adeegsannaa?”. Waxa Sompower ay ku warceliyeen "Miyaad soo xidhataan ama shidataan laambadaha waaweyn, kuwani waa wax yaryar, inaad illaa $65 gaadhsiisaan bay ahayd”.
Inta aan yaabay ayaan ku idhi "Annagu laambado intaas ka badan uma baahnin”. Sidii ayay nagaga tageen”.
La soco qaybta 2aad haddii Alle idmo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured