![]() FAA'IDOOYINKA AKHLAAQDA WANAAGSAN ISLAAMKA...
"Dadow! Hubaal Waxaanu idinka abuurnay lab iyo dhedddig, oo idinka dhignay shucuub iyo qabaa'il si aad isu aqoonsataan, hubaal, kan idiinku sharaf badan (gobsan) Allaah agti waa kan idiinku Alle ka cabsiga badan (iyo dhowris xilka uu idin saaray)". (Al-Xujuraat: 13)
Ilaah wuxuu abuuray dadka oo leh muuqaallo iyo midabbo iyo afaf kala duwan, wuxuuna ka yeelay xagga miisaanka Ilaahay kuwa siman aan qofna qof kale waxba dheereyn marka laga reebo iimaankiisa iyo Alle ka cabsigiisa iyo toosnaantiisa, sida uu Allaah Kor ahaaye yidhi:
}يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللهِ أَتْقَاكُمْ{(الحجرات: 13).
"Dadow! Hubaal Waxaanu idinka abuurnay lab iyo dhedddig, oo idinka dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan, hubaal, kan idiinku sharaf badan (gobsan) Allaah agti waa kan idiinku Alle ka cabsiga badan (iyo dhowris xilka uu idin saaray)”. (Al-Xujuraat: 13)
Dabeecadda san waa astaanka xiriirka muslimka uu la leeyahay dadka oo dhan ma kala leh farqi xaggiisa xagga wanaag kula dhaqanka mid hodan ah iyo faqiir, mid darajo sare leh iyo mid hooseeya, iyo mid cad iyo mid madow iyo Carabi iyo Cajam midna.
Kula dhaqanka dabeecad wanaagsan xitaa dadka aan Muslimka ahayn
Allaah Kor ahaaye wuxuu na amray inaan dabeecad wanaagsan kula dhaqanno dadka oo dhan, waayo caddaaladda iyo axsaan falka iyo naxariista waa dabeecadda Muslimka ee ka muuqda anshaxiisa iyo hadalladiisa xagga Muslimka iyo gaalkaba, wuxuuna ku dadaalaa inuu ahaado debci samadaas dowgiisa xagga ugu baaqa dadka aan Muslimka ahayn diintan weyn:
Allaah Kor ahaaye wuxuu yir:
}لَا يَنْهَاكُمُ اللهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ أَنْ تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ{(الممتحنة: 8).
"Allaah idinkama reebo xagga kuwa aan idinkula diririn diinta awgeed oo aan idinka saarin guryihiinna, inaad u samo fashaan oo ula dhaqantaan si caddaalad ah. Hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa u dhaqma sida caddaaladda ah”. (Al-Mumtaxinah: 8)
Balse waxa uu naga xaaraanshay waa garabsiinta gaalada iyo jeclaanta waxay ay ku sugan yihiin oo gaalnimo iyo shirki ah, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}إِنَّمَا يَنْهَاكُمُ اللهُ عَنِ الَّذِينَ قَاتَلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَأَخْرَجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ وَظَاهَرُوا عَلَى إِخْرَاجِكُمْ أَنْ تَوَلَّوْهُمْ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ{ (الحجرات: 9).
"Allaah wuxuu uun idinka reebaa xagga kuwa idinkula dirira diinta darteed oo idinka saara guryihiinna, oo ku taageera (kuwo kale) saariddiinna – (ma aha) inaad ka dhigataan gacallo. Oo qofkii ka dhigta gacal, waa kuwaas kuwa ah daalimiinta”. (Al-Xujuraat: 9). La soco qaybaha dambe Leave a comment |
|
FAA'IDOOYINKA AKHLAAQDA WANAAGSAN ISLAAMKA...
"Dadow! Hubaal Waxaanu idinka abuurnay lab iyo dhedddig, oo idinka dhignay shucuub iyo qabaa'il si aad isu aqoonsataan, hubaal, kan idiinku sharaf badan (gobsan) Allaah agti waa kan idiinku Alle ka cabsiga badan (iyo dhowris xilka uu idin s