Madaxweynaha JSL oo Kulan Xasaasiya la qaatay Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo hawlaha doorashada oo laga wada Hadlay...

0
Tuesday August 25, 2020 - 17:20:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha JSL oo Kulan Xasaasiya la qaatay Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo hawlaha doorashada oo laga wada Hadlay...

    Madaxweynaha JSL oo Kulan Xasaasiya la qaatay Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo hawlaha doorashada oo laga wada Hadlay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha JSL oo Kulan Xasaasiya la qaatay Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo hawlaha doorashada oo laga wada Hadlay...
Hargeysa(Xogreebnews)-WAR-SAXAAFADEED: 25/08/2020, Madaxweynaha Oo Kulan la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.
Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha uga warbixiyeen hawlaha qabsoomidda doorashooyinka isku-sidkan ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay hore u soo saareen jadwalkii diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka, iyagoo  xusay inay u bandhigeen xisbiyada qaranka, waxana ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen xilliga ay muddeeyeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan diyaarinta qabsoomidda doorashooyinka, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay xaqiijiyaan sidii ay doorashooyinkaasi dalka uga qabsoomi lahaayeen, isagoo ku adkeeyey inay dardar-geliyaan diyaarinta diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hawsha qabsoomidda doorashooyinka.
Ugu danbayn waxa kulankaas madaxweynaha iyo guddida doorashooyinka qaranku isla meel dhigeen in si wada-jira loo wajaho qabsoomidda doorashooyinka. 
 ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured