Qaran Billad loo bixiyo iyo Qudh-gooye taalo lasaarto!

0
Friday August 28, 2020 - 00:25:40 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaran Billad loo bixiyo iyo Qudh-gooye taalo lasaarto!

    Qaran Billad loo bixiyo iyo Qudh-gooye taalo lasaarto!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaran Billad loo bixiyo iyo Qudh-gooye taalo lasaarto!

Sidda lawada ogsoon yahay Aduun weynaha ruuxii muujiya Karti, wax qabad, geesinimo iyo wax kastoo wax Ku ool ah ama wax qabad ah oo uu faciii dheeri muujiyo waxa uu kasbadaa bilad lagu maamuuso oo lagu sharfo taas oo abaalmarin ahaan loo gudoonsiiyo, siddoo kale wixii ah wax tar ama wax qabad, naf hurid iyo abaal aan la gudi Karin ee shaqsi ama kooxi gasho waxa loo qotimiyaa taalo lagu xasuusto, wanaag iyo wuxii ay u galeen dalka iyo dadka taas oo taaladu muujinaysa in loo ogyahay Lana ilaawi Karin wanaagay galeen.

Haddaba Jamhuuriyada Somaliland si Ka duwana Dunida ayaa lagu dhaqmaa oo ruuxii wax tar sheegta iyo inuu abaal galay bilad lama gudoonsiiyo e kursiga qaranka ayaa maamuus loogu fadhiisiyaa, siddoo kale ciddii wax Ka gasha ama wax yeelo gaadhsiisana taalo ayaa loo qotomiyaa bal amuurta ilaahay!.

Haddii bal aan si kooban u korxaadiyo sooyaalka taariikhda maamul ee Jamhuuriyada Somaliland waagay kowsatay ilaa wakhtigan la joogo,

Bal daya 26 Juun 1960 markii Jamhuuriyada Somaliland xoriyada qaadatay halkii dowlad loo unkumi lahaa ayaa inta lala guday qarankii, ayaa Soomaaliya oo aan Xor ahayn oo Calan isticmaar  talyaani hoos joogta lala hoos hadhsaday maalmo, maalintii 1 Julay ee xoriyada qaateen tii Ka hor xorowday maamuus loosiiyey oo leyidhi tana Ku darsada bal amuurta ilaahay!, Wixii ka gaadhayna waa loo wada joogay.

Maalintii dib loosoo celiyey Somaliland 18 may 1991 halkii loo dhisi lahaa Dawlad caddaalad iyo sanaan iyo in hoggaaminta dalka taabka loo geliyo Cid Ku haboon oo 

horumar  gaadhsiinkarta dalka ayaa aan la samayn siddaa se jabhadii SNM layidhi 2 sanadood hahayaan waxaana loodhiibay hogaamiyihii ugu danbeeyey ee horkacaayey SNM ilaahay haw naxariistee marxuun Mujaahid Cabdiraxmaan Axmed Cali tuur iyada oo qaranka kursigiisii looga dhigay bilad geesi oo loogudoonsiiyay siddii abaal Marin.

Waxa xigay isna ilaahay haw naxariistee marxuun Maxamed Ibraahin Xigaal oo isna Boorame loogu caleemasaaray si waxqabad keen ahayn se ahayd siyaasigii weynaa ee 1960 u suurtoobi weydey inuu Madaxweyne noqdo aynu Maanta ku maamuusno oo Dadban,

Waxa xigay Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo markuu Cigaal xaqii u yimi kumeel gaadhi u qabtay,doorashadii ugu horaysayna si cad loogu soo saaray iyo Daahir waa in uu Madaxweyne noqdo daa waana kii noqday Mudane Daahir mudo xileed iyo daba-dhah.

Waxa xigay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa gudoomiyihii mudada ugu dheer SNM horkacaayey isaga oo halkaa Ka duulaayana waxa uu Ku ololeeyey oo durbaanada loogu tumay Mujaahid iyo inuu dalka usoo dagaalamay siddaa laajigeedna uu xaq u leeyahay in bilad sharaf ahaan kursiga waa in loogu fadhiisiyaa, sidiina waatii kursiga lagu saaray.

Waxa xigay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi isaguna waakii ku ololeeyey anaa xoreeyey wadanka oo kaadidaydaan usoo cabay markaa waa in kursiga bilad sharafta ah lay guud saaraa dalka anaa xoreeyee, sidiina waatii kursiga qaranka bilad ahaanta loosiiyey ee maantana suduu doono Ka yeelaayo.!

Sikastaba ha ahaatee kursiga Somaliland ma jiro ruux Ku hantay wax baan qabandoonaa ama fikirkan ayaan hayaa horumar keeni Kara iyo ictiraaf, iyo waxaas baan soo kordhindoonaa,

se waxa lagu hantay Mujaahid baan ahay oo anaa xoreeyey iyo kaadidaydaan u soo cabay! Bal kaadidooda kuwii usoo cabay wada Fule e,Bal tolow kuwii Saxaradooda u soo cunay iyana masugayaan kursigan bilad sharafta ah ee Jamhuuriyadan Barakaysan ee Somaliland?.

Hadal iyo dhamaan haddii ablaydii aabahaa iyo ubadkaagii lagu dilay aad taalo guudka kasaarto kii ablayda kula dhacaayey kii Kaa qabtay ee gaaleefta iskaga kaadhigayna ilowdid soo ayaan Daro MAAHA !, Siddoo kale waajibkaagii aad gudanaysay ee dadkaaga iyo dalkaaga aad Ku badbaadinaysay Kaa saarnaa hadaad yidhaahdo kaadidaydaan usoo cabay oo waan u soo dagaalamay ee wax halaygu siiyo kuwii u shihiiday ee naftooda ujaray ee aakhiro tegey godka eebe ha unuuree iyaga miyaanad Godob ka galayn gari alay taqaanaaye?.

Waxaan kusoo afmeerey Dayuurada iyo Dabaabadaha dadkii dalka lagu dabo-jaray ee la dul dhigay taalooyinka halaga dajiyo oo kuwii usoo diriray ee xoreeyey magacyadoodii goob lagu xuso halaga dhigo iyo taalo mujaahidiin iyo geesiyaashii dálka usoo shihiiday iyo kuwa unaafoobay iyo kuwa u maandoorsamay waayihii dálku soomaray,

kursigan bilad ahaanta layskugu maamuusayana hala joojiyo oo ruux horumar iyo fikir wax qabad haya oo dalka wanaag iyo midnimo Ku hagi Kara haloo dhiibo, dalkana haloo sameeyo bilado lagu maamuuso oo lagu abaal mariyo ruxii wax tar, wax qabad ,horumar, iyo wax faa'iido leh dalka kusoo kordhiya iyo kii heegan u noqday in uu naf iyo maalba u huro dalka,

Wax caqli ah MAAHA qaran Billad ahaan u bixi diyaaradihii iyo dubaabadihii qudha kaajaraayeyna taalo saaro!. Dadba ka yaab  dalka Sida lagu wadee malaha

Kaadidaydaan usoo cabay

Saxaradaydaan usoo cunaa xigi?

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured