Qorshaha Dawlada Itoobiya iyo Gobolka Awdal. Qalinkii Jamaal Gobanimo.

0
Saturday August 29, 2020 - 01:05:31 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qorshaha Dawlada Itoobiya iyo Gobolka Awdal. Qalinkii Jamaal Gobanimo.

    Qorshaha Dawlada Itoobiya iyo Gobolka Awdal. Qalinkii Jamaal Gobanimo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshaha Dawlada Itoobiya iyo Gobolka Awdal. Qalinkii Jamaal Gobanimo.
Dawlada Federaalka Itoobiya, ayaa la sheegay inay wado dib u soo noolaynta heshiis dhex maray Boqortooyadii ugu danbaysay ee Itoobiya, iyo Ugaaskii Beelaha Samaroon ee wakhtigaa Ugaas Doodi.
Heshiiska ayaa waxa uu dhigayey in degaanada Beelaha Samaroon ee gobolada Awdal iyo Selel ay ka mid noqdaan dalka Itoobiya.
Sida warqada Qadiimka ah ee hada dawlada Federaalka Itoobiya ay soo saartay  laga akhriyey, waxa heshiiskani dhigayaa in wakhtigii xadka Itoobiya iyo Somaliland la jeexayey in Ingiriisku degaan kasta oo uu xadka Itoobiya marinaayo kala tashan jiray Ugaasyada beelaha, sidoo kalena deegaanada Awdal iyo Selel uu si gaar ah u hor-kacayay Ugaas Doodi oo ahaa Ugaaska Beelaha Samaroon ee wakhtigaas.
Heshiiskan ku qoran warqada, ay dawlada Itoobiya soo bandhigtay, ayaa waxa uu si cad u qeexaya in  beelaha Samaroon ee kala degan deegaanada Somaliland iyo Itoobiya loo mideeyo dhinaca Itoobiya, laguna daro dhamaan gobolka Awdal.
Taa Bedelkeedana ay  Itoobiya bixiso dhaqaale aad u badan oo lagu dhisaayo Dekedaha Saylac iyo Lughaya, iyo laba Waddo oo ka kala yimaada labada dekedood ee xeebaha lughaya iyo Saylac.
Heshiiskan ayaa waxa kale oo uu dhigayey in gobolka Awdal laga sameeyo wershedaha wax-soosaarka ee  Itoobiya, si ay u sahlanaato dhoofinta Bunka iyo xoolaha  dalka Itoobiya.
Gobolada Awdal iyo Selel oo ka tirsan Jamuuriyada Somaliland ayaa hadal-hayntan dalka Itoobiya ee degaanadan beelaha samaroon waxa ay dadka siyaasada ka faallooda ku tilmaameen wax ku cusub dhagaha shacabka ku nool deegaanadaas



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured