Isbedelka iyo Horumarka ka Tisqaaday Dekeda Berbera & Doorka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi....Warbixin Cali Xuseen Warsame.

0
Saturday August 29, 2020 - 16:59:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbedelka iyo Horumarka ka Tisqaaday Dekeda Berbera & Doorka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi....Warbixin Cali Xuseen Warsame.

    Isbedelka iyo Horumarka ka Tisqaaday Dekeda Berbera & Doorka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi....Warbixin Cali Xuseen Warsame.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbedelka iyo Horumarka ka Tisqaaday Dekeda Berbera & Doorka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi....Warbixin Cali Xuseen Warsame.
Sidda lawada ogsoon yahay Aduun weynaha masuulkii muujiya Karti, waxqabad, geesinimo iyo wax kastoo wax Ku ool ah ama uu faciii dheeri muujiyo waxa uu kasbadaa bilad lagu maamuuso, oo lagu sharfo taas oo abaalmarin ahaan loo gudoonsiiyo, siddoo kale wixii ah waxtar ama wax qabad, naf hurid iyo abaal aan la gudi Karin ee shaqsi ama kooxi gasho waxa loo qotimiyaa taalo lagu xasuusto, wanaag iyo wixii ay u galeen dalka.
Hadaba Waxaynu qormadeenan Maanta kusoo qaadan doonaa Waxqabadka salka Balaadhan ee u sadexdii sanaadeed ee u dambeeyey ku talaabsaday ama gaadhsiiyey Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi Dekeda Berbera. 
Maareeye Siciid waa masuul aqoonyahan ah, waxanu xilliyo kala duwan shirar Caalamiya uga qaybgalay Dekeda Berbera, Shirarkaas oo ka kala Dhacay Jarmalka ee lagu qiimaynaayey Dekedaha Caalamiga ah, waxanu kasoo sameeyey Saaxibo badan. Waxa kaloo kamid ahaa Shirkii Taarikhiga ahaa ee ka dhacay dalka Tansaniya ee lagaga hadlaayey sidii ay iskaashi u yeelan Lahaayeen Dekeda caalamiga ahi, waxanu Maareeye Siciid ku guuleysatay inuu marsada Berbera ka dhigo mid Caalamiya, kana baxday localnimadii.
Waxa kaloo lama ilaawan dhismaha Dekeda cusub ee Berbera oo gacantii ugu weynayd ka gaystay Maareeye Siciid, waxanu habeen iyo maalin u dabo-gal iyo dhirigelin ku waday mudo laba sano ah, dhowaan ayey dekedu dhamaan doontaa, isagoo Maareeye Siciid noqday shaqsi waxyaabo Tiro badan oo kale kusoo kordhiyey Dekeda sida nalalka Bada ee habeenkii Iftiima, iyadoo maraakibta hada habeenkii lasoo xidho. Sidoo kalena dekedu shaqayso 24 saacadoodba ah' nidaamka shaqaalaha iyo shaqada oo Casriya, taasina waxay fudaydisay inuu laban-laabmo ama sadex jibaarmo hananka shaqo ee dekedu.
Sidoo kale waxa kamid ah, dhisme Sadex dabaq ah oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba Hool oo lagu talo galay Shirarka inuu u dhisay Dekeda Berbera. Iyadoo Maamulka dekedu hada uu ku shaqeeyo, xafiisyadaas oo u qalabaysan nidaam dawladnimo oo dhamaystiran ka muuqdo. Waxana markaad gudaha Dekeda Berbera gasho indhahaagu qabanayaan sarta dheer ee midabka Dahabka ah ee loo dhisay Maamulka Dekeda Berbera.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu la yimi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato iyo dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera, oo hada ah mid ka dhisan Qalab ahaan, shaqo ahaan iyo aqoon ahaanba. Dekeda Berbera waxay maanta leedahay shaqaale xirfadoodu sarayso, qaarkood uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi kusoo tabo-baray dalka dibadiisa, sidoo kale waxay leedahay shaqaale lagu tabo-baray gudaha dalka oo weliba dhowr qaybood ah.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu shaqada Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera ku hayaa Kormeer joogto ah, kaasoo todobaadle ah, isla markaana ujeedka ugu weyn ee Maareeyuhuu yahay in dhaxal umada Somaliland u aydo ha u noqoto.
Horumarka iyo himilooyinkaa dhismaha Dekeda cusub ee Berbera waxa qayb-weyn ku lahaa madaxweynaha Somaliland iyo Maareeyihiisa Dekeda oo daacad ka noqday taabo-qaadka mashaaricda lagu horumarinaayo Dekeda Berbera.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu noqday, Maareeyihii koowaad ee ay Mahadisay Dekeda Berbera, waxyaabo Tiro badan oo kale kusoo kordhiyey Dekeda sida nalalka Bada ee habeenkii Iftiima, iyadoo maraakibta hada habeenkii lasoo xidho. Sidoo kalena dekedu shaqayso 24 saacadoodba, nidaamka shaqaalaha iyo shaqada oo Casriya, taasina waxay fudaydisay inuu laban-laabmo ama sadex jibaarmo hananka shaqo ee dekedu. La soco qaybaha dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured