Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay 2020 W/Q Siciid Gahayr Qormada 2aad

0
Monday August 31, 2020 - 17:00:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay 2020 W/Q Siciid Gahayr Qormada 2aad

    Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay 2020 W/Q Siciid Gahayr Qormada 2aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay 2020 W/Q Siciid Gahayr Qormada 2aad
Waxa aynu shalay lafa-gurnay lixda bog ee u horreeya fasalka 4aad ee suugaanta dugsiyada sare, waxana ku jiray 105 gef oo higgaadda ah, dhantaal iyo in aan la muujin hojiska iyo hooriska gabay ku jira 6daas bog iyo qalloocyo kale oo badan. Ma arkin hal faallo oo xitaa lagu difaacay, taasi waxa ay muujinaysaa in ummaddu isku raacsan tahay dheelliga muuqda ee loo badheedhay. Naqdigu wuu gaadhi doonaa buugaagta 1aad, 2aad iyo 3aadba. Waxa aynu u sii gudbaynnaa bogga 7aad ee nuqulka soo baxay 2020.
Intaas kaddib waxa bogagga 7ad illaa 15aad lagu faallaynayaa taariikhda maansada, bilawga 
fanka casriga ah, gabayga iyo sababaha gabayga loo tirin jiray. Sababaha loo gabyo waxa lagu soo qaaatay 17 ay 16 ka mid ahi ku qornaayeen buuggii Hilimada Maansadii Hore ee Soomaalida, waxa qoray Marxuun Aw jaamac Cumar Ciise oo aan xus, xigasho iyo xurmo midna loo samaynnin. Ma xabaal ayaa lagu ogaaday?
Sidii ayaa astaamaynta iyo higaaddaba loo bahdilayaa, ereyada qoran waxa ka mid ah "carabta, soomaaliyeed, shiinaha, hindi iyo batuuta” magacyada gaarka ahi miyaanay xaraf weyn ku bilaabmin?. Waxa kale oo aad arki "gobanimada; gobannimada, wadaniyada: waddaniyadda, began: beegan, gobolleedkii: goboleedkii, curttay: curtay, dagaalamay: dagaallamay, muusiga leh: muusigga leh, hogaanka: hoggaanka, yaqaana: yaqaanna, yimaada: yimaadda”. Hakadyada hadal ka dambeeya lagu xidhiidhiyay, joogsiga wax lagu daba-qabtay iyo kolmaha xigashada ee aan xaqooda la siinnin ayaa ii muuqda.
Haddii aan milicsanno qallooc kale oo ku jira bogga 11aad ee buugga, waxa la doonayay in la sheego waxa uu gabaygu kaga duwan yahay noocyada kale ee maansada, waxaana la yidhi "Tixda gabayga ah meeris kasta waxa ku jira labo erey oo isku xaraf ka bilaabma taas oo ah astaanta gabaygu kaga duwan yahay qaybaha kale ee maansada”. Yaa? Yaa? Yaa? Yaa?
Miyaanay dhaantadu laba xaraf lahayn sida
Sidii qudunquuto qaaxo yareey ( q & q)
Markaad qososhaan ku qaayibay ( q & q)
Miyaanay ruclada ama gabay-gaabku lahayn laba xaraf sida
Waxa raanta loo feedhayaa waa rag ( r & r)
Waxa cadarka la isugu rushaa waa rag ( r & r)
Miyaanay Haawiyee/aloolku lahayn laba xaraf sida
Saarkii duleedow soo degee (d & d)
Muxuu doonayeey doonayaa (d & d)
Dadab iyo aroos buu doonayaa (d & d)
Haddii labada xaraf ee gabaygu wax weyn la yahay, miyaanay ogayn in heesta kebeddu xitaa leedahay saddex xafaf. Sida:
Koronkor cuni maynnoo, kariba maynnee, karuur geel ma la hayaa.
Haddii qiime lagu yeelanayo xaraf-raaca looga baahan yahay tixda, waxa bilan, boqran oo baarka gelaysa heesta kebedda.
Waxa aad loogu durayaa tayada suugaanta iyo maansada maanta la curiyo, waxaana heersare laga dhigayaa kuwii hore. Ma garanayo sababta loo kala faddilay. Waxa cutubka kowaad lagu soo xidhayaa gabayga Xus Abwaan ee Axmed Colaad Digaale (Qorane) oo la quseeyay. Gabaygani wuxuu daabacaadda hore ku qornaa isaga oo dhan ahaana 116 tuduc meeris, imaka waxa la soo qaatay isaga oo 39 bayd ah, weliba 4 sadar ayaa laba jeer la qoray, sidaas awgeed waa 35 sadar.
Afarta tuduc ee labada jeer qorani waa
Hawd iyo Hargaysiyo Togdheer hilinka Laascaano
Hobyo iyo Nugaal hoose iyo Haaman iyo doollo
Hoosada Sanaag iyo Berbera hogobka Boosaaso
Ka hayaantay maansadu dhulkay hoyga ku lahayde
Gabayga waxa loo qaybiyaa hojis iyo hooris.. Sida ka muuqata afarta sadar oo ka wakiil ah 31ka aanan qorin iyo gabaygo badan oo kale; buuggu ma kala astaynayo gebi ahaan. Ma aqoon lagu qeexo ayaan jirin? Miyaa laga wahsaday? Mise xil ayaan la iska saarin? Gabayga iyo guurowgu waxa ay ku kala geddisan yihiin in midkood leeyahay hojis iyo hooris, midna ay meerisyadiisu xidhiidhsan yihiin.. Markaas saw maaha in aan guurow dhigayo, illeen ma arko summaddii gabaygu ku soocnaa’e?
Gabaygaas 35ka meeris ah waxa ay ahayd in la is raaciyo 6da ama 7da meeris ee macnaha buuxa samaynaya, isku dulucdana ah, imaka se waa la isku wada daba qabtay. Ma akhriyi kartaa taxane (lines) 35 sadar oo aan lahayn tuducayn (paragraphing)?. Iyada oo gabaygii la saaray 75% ayaa ardayda la weyddiinayaa "xasuuso shan abwaan oo gabaygan ku jira maansadooda, ka dibna soo bandhig”. 
Sawdiga tuuray magacyada 102dii abwaan ee gabayga ku xusnaa, halkee ardaygu ka keenayaa shanta abwaan iyo maansadooda? 
Sidaa ad magacyada u laasheen, miyaad weyddiintanna meesha uga xaaqdaan? 
Naqdiga Cutubka 2aad: Miisaanka Maansada Soomaalida
Miisaanka Maansada Soomaaliyeed waxa markii kowaad lagu daray buugaagtii fasalka 4aad ee la daabacay 2016kii, illaa haddana laguma qaado imtixaannada qaranka. Waayo? Waxa lagu doodayaa in aan xitaa qaar bareyaasha ka mid ahi fahmin miisaanka maansada iyo waxa looga jeedo. Haddii bareyaashi sidaas yihiin, maxaad ka fili ardaydana? Xitaa kuwa qoray ayaan garaynnin ayaa ay ila tahay. 
Anigu waxa aan aamminsanahay in hannaanka loo qoray ay sabab u tahay fahan la’aanta. Macallimiintu libaax ayay dhegaha hayaan, ama dhagax ayaa la leeyahay "tuujiya”. Qaabkii 2016ka loo qoray ayaa faahfaahsanaa, sidan sixitaanka loogu sameeyayna waa ay sii hagaasisay, buquujisay ama naafaysay. Waxa ay ila tahay in si hagaagsan loo qoro ama gebi ahaanba laga saaro manhajka.
Miisaanka maansadu waa halka u baahan dib-ugu-noqoshada, hubinta iyo kala-qeexitaanka. Halkii ay ahayd in qeexitaankiisa lagu bilaabo, waxa lagu bilaabay gabay uu tiriyay Abwaan Xasan Muxumed Qalinle oo ahaa qoraagii buugga fasalka 4aad ee 2016ka, 2020kana inta aan ogahay ahaa tifaf-tiraha qudha ee wax-ka-beddelka ku sameeyay buugga,. Illaa hadda ma garan karo waxa uu gabaygaasi soo kordhinayo, waxa ka habboonayd in halkiisa loo daayo bad-maanseedyo ku jiray daabacaaddii 2016ka oo gabaygani bara-bixiyay.
Waxa ay ahayd in lagu bilaabo shuruudaha iyo xeerarka ay Gaarriye iyo Carraale u dhigeen dejinta miisaanka Maansada, kaddibna loo gudbo godadka kala geddisan ee maansada. Waxa lagu bilaabayaa xeer loo unkay jiiftada oo aan la qeexin cidda dhigtay oo ah in shaqalka dheeri 2 yahay, ka gaabani uu yahay 1. Yaa aragtidaas lahaa?. Dabcan waa tii Gaarriye.
Iyada oo aan tusaale la raacin aragtida Gaarriye ee jiiftada, waxa ku xiga, oo miisaanka maansada lagu bilaabayaa tusaaleyaal jiifto ah oo ah aragtida Carraale ah sida:
Saadaasha mooyee 5:4
Qalin baa saxeexee 6:3
Saaxiibbo adag iyo 7:2
Ruux sacabku madhan yahay 8:1
Lagu sugayo dhimashada 9:0
Inta aan jiiftada lagu cabbirin, miisaanka Carraale miyaanay ahayn in dadka la baro shuruudihii uu Carraale dejiyay? Dadku maxay ka fahmi 5-4, 6-3, 7-2, 8-1 ama 9:0?
Xasan Daahir Ismaaciil Cali Ileeye Fadxi Cabdi Xasan Cabdixakiin Marayare Siddiiq Jiir sidaas ayuu miisaanka maansadu u qoran yahay. Bareyaasha kala ah Abwaan Oday Cabdirisaaq Maxamad iyo Cabdi Naaleeye ayaa marag iiga ah.
La soco qaybta 3aad haddii Alle idmo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured