"Siyaasada Madaxweynaha JSL waxa kamid ah, in Umadda Somaliland hesho Shidaal jaban. Anaga ka maamul Deked ahaan sharaf ayey noo tahay inaanu soo xidhno Markabkii ugu weyna ee Shidaal sida" Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.

0
Thursday September 03, 2020 - 20:53:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Siyaasada Madaxweynaha JSL waxa kamid ah, in Umadda Somaliland hesho Shidaal jaban. Anaga ka maamul Deked ahaan sharaf ayey noo tahay inaanu soo xidhno Markabkii ugu weyna ee Shidaal sida" Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.

    "Siyaasada Madaxweynaha JSL waxa kamid ah, in Umadda Somaliland hesho Shidaal jaban. Anaga ka maamul Deked ahaan sharaf ayey noo tahay inaanu soo xidhno Markabkii ugu weyna ee Shidaal sida" Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Siyaasada Madaxweynaha JSL waxa kamid ah, in Umadda Somaliland hesho Shidaal jaban. Anaga ka maamul Deked ahaan sharaf ayey noo tahay inaanu soo xidhno Markabkii ugu weyna ee Shidaal sida" Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.
Berbera(Xogreebnews)-Maareeyayaasha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Md. Xasan Ambasi iyo  Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Haamada Dekeda Berbera kaga Hor-tagay Markabkii ugu weyna  ee abid ee sida Shidaal kaasoo lagu soo xidhay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera. 
Masuuliyiinta, ayaa ka Hadlay Badeecada baaxada leh ee u sido, waxana ugu horayn halkaa ka Hadlay Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Md. Xasan Ambasi, kaasoo ka Warbixiyay intaa Tan ee u sido, waxanu yidhi, "Markabkani Wuxuu sidaa 14000-kun oo tan, waana Markabkii ugu weyna ee sida Shidaal ee inoo yimaada, waxanaan rajaynayaa inuu qiimaha shidaalki jabo. Markabkani wuxuu kasoo baxay Dekeda Cumaan, mudo ayaanu sugaynay oo toban maalmood ayuu soo socday, Alxamdululah hada ayuu nasoo gaadhay, Shirkada Shidaalka Keentay waxay koontaraak ka heshay Dalka Itoobiya, markaa waanu soo dhoweynaynaa macaamilkaa iyo wadashaqayntaa". Ayuu yidhi Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera. 
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka Hadlay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, oo sheegay inay Haamaha Shidaalka Berbera kala shaqeeyaan xidhistaa iyo furistaa Maraakiibta Shidaalka. Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi oo arrimaha hadlaya waxa uu yidhi. "Waxaan u mahadcelinaya Madaxa BOT, oo runtii sameeyey dedaal badan, waxa Dekeda Berbera soo gaadhay markabkaa weyn ee sida 14000 kun oo tan, waana guul in aanu soo xidhno, Siyaasada Madaxweynaha JSL waxa kamid ah, in Umadda Somaliland hesho Shidaal jaban. Anaga ka maamul Deked ahaan sharaf ayey noo tahay inaanu soo xidhno, isla markaana soo dhoweyno Markabka weyn ee kusoo xidhay Dekeda dalka.
Aadbaan ugu mahadnaqayaa Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Md. Xasan Ambasi iyo hawl-wadeenadiisa, anigu ku boggaadinaya shaqada ay hayaan, anaga ka Deked ahaan weel kastaa oo wax idiin sida waxaanu ku dedaalaynaa in sida ugu dhakhsaha badan idinku soo xidhno". Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured