"Dulqaadka badan waa Doqonimo" Wax iska celintii Muuse Biixi ee midho dhashay. Qalinkii Muniir Axmed Cigaal.
"Dulqaadka badan waa Doqonimo" Wax iska celintii Muuse Biixi ee midho dhashay. Qalinkii Muniir Axmed Cigaal.
Maalinba inyar ayaan idinka qadhiidhaya mahadhooyinki Xisbiga KULMIYE ee tariikhda galay, maanta waa mid kamid ah wax iska celintii uu mahadiyay Madaxweyne Muuse Biixi wakhtigii uu aha Guddoomiyaha KULMIYE. Hiladii dhammaadki bishii shanaad ee sannadkii 2014-kii oo ahayd markii uu ugu xogana khilaafka Guddoomiye Muuse Biixi oo dhinac ah iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasiiradiisa oo dhinac ah. Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasiiradiisa oo intooda badan ahayeen Ragg aan yasirnayn waxa sidoo kale ka baayay sida caadada ah Labada Gole Baarlamaan, Garsoorka oo u garab gorayaynaayay Madaxweynaha, Guddida diwaangalinta; Xeer-ilaalinta iyo laamaha kale ee Dawladda. Dhammaan qaybahaas kala duwan wuxuu Muuse Biixi ugu babac dhigaayay wax iska celin aanu waxba la hadhayn oo khamaar ahayd . Wuxuu qaatay go'aan ah "Nin qoyani biyo iskama dhawro" Dabcan wuu garaanayay halka uu u socdo wuxuuna ku daray xooga dhiiranaan ah , Ciidan badan oo tagerayaal xad dhaaf ah muu haysan Beesha uu ka soo jeedana marka laga reebo Jilibkiisa hoose ee Rer Samatar ma jirin cid la taaban karo oo cudud ah oo uu ku tiirsana.
Wuxuuse xariif ku aha wax isku hagaajinta waa inta ka maqan maanta siyaasiyiinta damacu ka hayo Guddoomiyaha KULMIYE. Wuxuu isku hagaajiyay xogaa Garab Haween ah mabay badnayn lakiin wada Shirjaraa'id ayay ahayeen, dhalinyaro ka kooban Siciid Ismaciil iyo Jibriil Abokor oo la magac baxay "Jidali " midhadh Ciise Muuse ah oo Faraawil looga dhigay ayaa ku jiray, kooxo dhalinyaraddii jabhada ka soo hadhay ah oo u xilsaarna Shaanida. Dhammaan koxahaasi halku dhigoodu wuxuu aha " Waa Markayagii ".
Subax barqo ahayd ayaanu kaligii isagoo ah Guddoomiye ahna hadda Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi ugu nimi Geed hoosti Huteelka Guuleed, waa aniga iyo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan. Suldaan ka soo jeeda Bariga Hargaysa, Anigu Guddoomiye Muuse Biixi wakhtigaas heshiis ayaanu ahayn waligay khilaaf kasta oo KULMIYE ka jiray kalmad qadaf ah kuma odhan in kasta oo uu mar danbe igaga cadawday Cajalad lagu baahiyay Somalilandtoday. Markii aanu la soo fadhiisanay aadbu u kacsana Muuse Biixi waxa hadalka ku bilaabay Suldaan Saleebaan "Nin yahow miyaanad waxba doonayn maxaa kugu saliday Madaxweynaha "Intaas marku yidhi ayuu Muuse Biixi ugu jawaabay " Midh dooni maayo adeer aan waayo waxaan rabo ma adiga hadalkaaga iyo Xirsi ayaan maqlaa Xisbigu Siilanyo wuu naga dhaxeeyay markiisi wuu gaadhay maxa tayda murangaliyay??." Intaas marku yidhi ayuu nagu soo baydhay Axmed Cumar Xaji Cabdillaahi (Xamarji) oo ay ballansanayeen wakhtigaas-na si xoogan ula socday in kasta oo ay kala irdhobeen Muuse Biixi markii danbe . Isla maalintaas Guddidi diwaangalinta oo uu Madax ka aha Alle hawnaxariisto Cabdirisaaq Ciyaale waxay soo sareen go-aamo Madaxweynaha ayidaaya balse si wax iska celin ah ayuu markiiba uga jawaabay Muuse Biixi . Hoos ka akhriso jawaabti maalintaas ee Muuse Biixi . Kursiga waa loo halgama ee hadyad maha .
Tusan .
War-saxaafadeed ku taariikheysan 31/05/2014 oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Muuse .
"Anigoo tixraaacaya qoraalka Tirsigiisu yahay GDU/AAS/205/2014, waxaan idinla socodsiinayaa in qoraalka go’aamada guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabtu Qaranka iyo Hay’adaha kale Arrimaha Axsaabtu khusayso waxa u soo gudbin kara kaliya Guddoomiyaha Xisbig ama Cidda uu wakiisho, sida ku cad Dastuurka Xisbiga.
Waxaynu ognahay in Astaanta Qaranku tahay Madaxweynaha JSL, sidoo kalena Astaanta Xisbiga Kulmiye waa Guddoomiyaha.
Shirweynihii 3aad wuxuu go’aamiyey Saddex qodob oo kaliya, sida Maqal iyo Muuqaal lagu hayo:
Wuxuu doortay Guddoomiye, Afar Guddoomiye ku-xigeen iyo Xoghaye Guud.Wuxuu Tirada Golaha Dhexe ku Kordhiyey 100 Xubnood, waanu Ansixiyey.Wuxuu tirada Guddida Fulinta ku kordhiyey 7 Xubnood.
Waxa kale oo aan idinla Socodsiinayaa:
Shir-guddooonka Shirweynuhu, siduu qorayo Distoorka Xisbigu, waajibaadkooda iyo awooddoodu waxay ku eg tahay inta uu shirweynuhu socdo, mana jirto in shirweynihii uu u igmaday inay iyagu ansixiyaan Golaha Dhexe, awood Sharci-na uma laha.Shirweynihii Saddexaad may jirin in lagu ansixiyey Guddi fulineed iyo Liiska Golaha Dhexe, midna lagama ansixin ergadii shirweynaha.Liiska Golaha Dhexe ee Shir-guddoonkii shirweynuhu ama cid kale idiin soo gudbisay, looma soo gudbin Guddoomiyaha Xisbiga, taasina waa sharci-darro kale.Guddiga Fulinta ee xisbiga waxa magacaabaya oo kaliya guddoomiyaha Xisbiga sida u cad Qodobka 24aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye, waxaana ansixinaya shirweynaha, maadaama oo aan shirweynihii ansixin-na, waxa ansixinaya Golaha Dhexe oo ka wakiil ah Shirweynaha.
Liiska qoraallada laydiin soo gudbiyey waa waxa sababta u ah khilaafka Xisbiga ka dhex taagan, umadda reer Somaliland-na way ogtahay.
Khilaafkan oo ay abuureen masuuliyiin ay ka mid yihiin xubnihii shir-guddoonka shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye oo awood aanay lahayn ku takri-falay.
Sidaas, daraadeed, waxaanu guddida Diiwaangelinta ugu baaqaynaa in aanay ku dhex-milmin khilaafka Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah, dibaddana ay ka joogaan iskana ilaaliyaan in sharciyadda cidi gacal-maroojiso.
Waxa kale oo aanu idinla socodsiinaynaa in xalinta Khilaafka Kulmiye dhexdiisa ah ay gacanta ku hayaan Golaha Guurtidu ayna u baahan tahay in la dhawro waan-waanta socota.
Gebo-gabadii, waxaanu idiin soo gudbin doonaa Liiska Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo Go’aamadii shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye marka khilaafaadku dhammaado.”. Leave a comment |
|
"Dulqaadka badan waa Doqonimo" Wax iska celintii Muuse Biixi ee midho dhashay. Qalinkii Muniir Axmed Cigaal.
"Dulqaadka badan waa Doqonimo" Wax iska celintii Muuse Biixi ee midho dhashay. Qalinkii Muniir Axmed Cigaal.