Madaxweynaha JSL Oo Tacsi Tiiraanyo badan u diray Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Siyaasi Cali Sandule...

0
Saturday September 12, 2020 - 14:52:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha JSL Oo Tacsi Tiiraanyo badan u diray Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Siyaasi Cali Sandule...

    Madaxweynaha JSL Oo Tacsi Tiiraanyo badan u diray Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Siyaasi Cali Sandule...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha JSL Oo Tacsi Tiiraanyo badan u diray Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Siyaasi Cali Sandule...
TACSI MADAXWEYNE: 12/09/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo ku geeriyooday maanta  oo ay taariikhdu ahayd 12/09/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa


Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta shacbiga Somaliland, isagoo xilal muhiima oo kala duwan ka soo qabtay qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 

ALLAA MAHAD LEH 

 Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured