Taariikhda Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin Waxa Qoray Axmed Siciid Siciid Ahmed Cige oo ku geeriyooday Dubai 10 Sep2020 Qore : Axmed Saciid Cige

0
Sunday September 13, 2020 - 17:49:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin Waxa Qoray Axmed Siciid Siciid Ahmed Cige oo ku geeriyooday Dubai 10 Sep2020 Qore : Axmed Saciid Cige

    Taariikhda Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin Waxa Qoray Axmed Siciid Siciid Ahmed Cige oo ku geeriyooday Dubai 10 Sep2020 Qore : Axmed Saciid Cige

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin Waxa Qoray Axmed Siciid Siciid Ahmed Cige oo ku geeriyooday Dubai 10 Sep2020 Qore : Axmed Saciid Cige
Ilaahay ha u naxariistee Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin wuxuu ku dhashay magaalada berbera sanadkii 1942 . hooyadii magaceedu waa Qaali Barre Cilmi
Suldaan Cismaan wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo dhexe iyo sareba ku qaatay dalka iyo magaalada qaahira ee masar . kadib wuxuu waxbarashadiisii heerka jaamicadeed uu u tegay dalka mareykanka ,isagoo ku soo laabtay dalka horaantii sanadihii lixdamaadkii oo uu shaqo ka helay sharikado dhinaca batroolka ah .
Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin waxaa sanadkii 1968 loo caleemo saaray jagada suldaanka guud ee beelaha dega gobolka saaxil ee berbera iyo qaybo ka mid ah gobollada Togdheer iyo maroodi-jeex ee somaliland , kadib markii uu aabihii suldaan xaaji cali kooshin geeriyooday . inkastoo jagadaasi culus  la saaray suldaan cismaan haddana wuu shaqeysanaayay oo marnaba kama tegin shaqadiisii . 
Sandkii 1973 ayaa uu suldaan cismaan suldaan xaaji cali kooshin uu u haajiray dalka imaaraadka carabta kadib markii dowladii kacaanku la wareegtay dhammaan sharikadihii batroolka ee caalamiga ahaa ee uu ka shaqeynaayay , isla markaa shaqadii salaadiinta ay la wareegeen wixii loogu yeedhi jiray kaadirka kacaanka ee guulwadayaashu .
Wuxuu suldaan cismaan ka shaqo galay sharikado dhinaca batroolka ah oo degan dalka imaaraaka carabta ilaa muddo danbe oo uu hawlgab ka galay shaqadii . inkastoo uu deganaa dalka imaaraadka carabta suldaanku oo uu ku geeriyooday halkaasi 10september2020 haddana mar kasta wuu iman jiray somaliland oo uu ka warhayay bulshada ballaadhan ee uu suldaanka u ahaa mudada dheer ee 52 sanadood ahayd . 
Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin waxaa uu qayb weyn ka soo qaatay mucaawinooyin fara badnaa oo bulshada reer somaliland ee dibedu soo gaadhsiinayeen bulshadooda baahida u qabtay markii dalka somaliland dib loogu soo laabtay 1991 . waxaa lagu sifeeyaa suldaan cismaan inuu ahaa suldaan aan ku milmin siyaasadda oo aan lagu arag fagaarayaasha goolaaftanka siyaasadeed ee qabiileysan ee badi ay ku caan yihiin madax-dhaqameedka soomaalidu .
Alla ha u naxariistee Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin wuxuu ifka kaga tegay xaaskiisa oo ah Xaawo Ibraahim Kooshin iyo siddeed caruur ah oo uu dhalay oo kala ah todoba hablood iyo hal wiil . wiilka keli ah ee uu dhalay ee Cali Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin waxaa uu dhaxlayaa jagadii aabihii baneeyay ee suldaanka guud ee beelaha Ciise Muuse . taariikhdan kooban waxaan qaybo ka mid ah ka soo xigtay Cali Suldaan Cismaan oo isaga laftiisu berito isniinta ee14september2020 lagu caleemo saari doono magaalada hargeysa marka la keeno meydka aabihii .
Gudida qabanqaabada aaska Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali kooshin oo uu gudoomiye u yahay Xildhibaan Saciid Cilmi Rooble ayaa ii sheegay in berito marka la keeno meydka hargeysa duhurkii lagu aasi doono xabaalaha Baqiic ee woqooyiga hargeysa , halkaasoo guud ahaan madaxdhaqmeedka Somaliland , madaxda dowlada iyo xisbiyada , iyo shacabkuba ku sii diyaargaroobayaan inshaa allaah .  gudiga qabanqaabada aaska waxaa xubno ka ah ; Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh , Xasan Xaaji Maxamuud Warsame {xasan Gadhweyne} , Dr; Farxaan liibaan , Xildhibaan Xaamud Cismaan cigaal , Chief Caaqil Cumar Jaamac Xaaji Cilmi , iyo Maxamed Cilmi Aden .
Maydka Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin waxaa dalka imaaraadka ka soo qaadeysa diyaarada DALLO AIRLINES berito isniinta oo ay wehiliyeen xubno ka tirsan qoyska , iyadoo keeni doonta garoonka cigaal International airport ee magaalada hargeysa .
                               DHAMMAAD .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured