Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax iyo Badhasaabka Gobolka Seleel oo Kulan la Yeeshay Laamaha amniga, Kastamada Xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti...

0
Monday September 14, 2020 - 17:01:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax iyo Badhasaabka Gobolka Seleel oo Kulan la Yeeshay Laamaha amniga, Kastamada Xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti...

    Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax iyo Badhasaabka Gobolka Seleel oo Kulan la Yeeshay Laamaha amniga, Kastamada Xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax iyo Badhasaabka Gobolka Seleel oo Kulan la Yeeshay Laamaha amniga, Kastamada Xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti...
Jabuuti(Xogreebnews)- Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Shalay Magaalada Lowyo-caddo kaga qaybgalay Shirkii amniga xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti. 
Shirkaas oo Masuuliyiinta Somaliland ee kala ah, Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Badhasaabka Gobolka Seleel Mawliid Maxamed Nuur iyo Masuuliyiinta Laamaha amniga Magaalooyinka xududaha Somaliland iyo Jabuuti iyo weliba Masuuliyiinta Kastamada.
Waxa lagaga wada-hadlay arrimaha la xidhiidha amniga xuduuda iyo weliba ka ganacsi ee labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland.  
Safiirka Somaliland ee Jabuuti, ayaa Masuuliyiinta Gobolka Seleel iyo kuwa amniga iyo weliba kuwa Kastamada ka codsaday inay sii wanaajiyaan Xidhiidhka labada dal oo aad u wanaagsan, isla markaana waxa uu ku booriyey in si weyn looga wada-shaqeeyo arrimaha nabadgelyada iyo arrimaha ganacsiga iyo isu Socodka labada dalka.
Guntii iyo gebo-gebadii waxa uu shirkaasi kusoo dhamaaday jawi degen iyo is-afgaraad buuxa, waxanu Safiirku ku noqday dalka Jabuuti markii uu Shirku soo idlaaday.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured