Xisbiga Waddani oo Tacsi Tiiraanyo badan u diray Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Xildhibaan Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur (Dhirqeeye)

0
Tuesday September 15, 2020 - 21:19:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani oo Tacsi Tiiraanyo badan u diray Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Xildhibaan Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur (Dhirqeeye)

    Xisbiga Waddani oo Tacsi Tiiraanyo badan u diray Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Xildhibaan Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur (Dhirqeeye)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani oo Tacsi Tiiraanyo badan u diray Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Xildhibaan Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur (Dhirqeeye)
TACSI,Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka,  asxaabta iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur (Dhirqeeye) oo xaqii ugu yimid dalka Turkiga.
"Waxa aan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa qoyska, ehelada, waxgaradka, Golayaasha Qaranka, Waayeelka, Asxaabta, Xisbiga WADDANI iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur Dhirqeeye oo goor dhaweyd ku geeriyooday dalka Turkey-ga.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada ka tirsan ee Xisbiga WADDANI, waxa aan Ilaahay uga baryayaa in uu Marxuumka Jannatul Firdosa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, Golihii uu ka tirsanaa, bahda Xisbigiisii WADDANI iyo Shacabkii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo aamiin,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
     Barkhad Jaamac Batuun.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured