Golaha Wasiirrada Somaliland Oo La Horkeenay Qorshaha Dhisida Guryaha Shaqaalaha, Ansixiyeyna Siyaasad Cusub.

0
Thursday September 17, 2020 - 16:59:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirrada Somaliland Oo La Horkeenay Qorshaha Dhisida Guryaha Shaqaalaha, Ansixiyeyna Siyaasad Cusub.

    Golaha Wasiirrada Somaliland Oo La Horkeenay Qorshaha Dhisida Guryaha Shaqaalaha, Ansixiyeyna Siyaasad Cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo La Horkeenay Qorshaha Dhisida Guryaha Shaqaalaha, Ansixiyeyna Siyaasad Cusub.
Hargeysa(Xogreebnews)-WAR-SAXAAFADEED: 17/09/2020: Fadhigii 64aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta la horkeenay qorshaha dhisida guryaha Shaqaalaha, laguna ansixiyey siyaasad cusub.
Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, ka dib wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka  iyo guryeynta ayaa golaha u soo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha dawladda, isagoo wasiirku sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka iyo nashqada  ay noqon doonaan guryahaasi, wuxuuna xusay in wasaaraddu diyaarisay dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi sidoo kale golaha ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha, hadaba iyadoo xukuumaddu ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka xoojinaysana tayeynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka.


Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey siyaasada maamulka hantida raagta (Fixed Asset Policy) oo ay soo diyaarisay wasaaradda horumarinta maaliyada goluhuna shirkii hore kaga yeeshay dood.
 ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured