"Dekeda Berberi Way Mahadisay Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, Dhayaha Aragtida Wacani Nuurka Baxaya Ayaay Arkaan" Jaamac Yuusuf Maxamed.

0
Thursday September 17, 2020 - 22:42:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dekeda Berberi Way Mahadisay Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, Dhayaha Aragtida Wacani Nuurka Baxaya Ayaay Arkaan" Jaamac Yuusuf Maxamed.

    "Dekeda Berberi Way Mahadisay Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, Dhayaha Aragtida Wacani Nuurka Baxaya Ayaay Arkaan" Jaamac Yuusuf Maxamed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dekeda Berberi Way Mahadisay Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, Dhayaha Aragtida Wacani Nuurka Baxaya Ayaay Arkaan" Jaamac Yuusuf Maxamed.
Anigoo ah, Jaamac Yuusuf Maxamed, Maanta waxa jeclaystay inaan ka hadlo horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera, oo sannooyinkii u dambeeyey uu ka socday Horumar dhinacyo badan. 
Horumarka iyo waxqabadka is-daba-jooga ah ee ay ku Talaabsatay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera waxa gadhwadeenka ah, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.
Anigu waxaan kamid ahaa dadkii markii hore kasoo Horjeeday la wareegistii Dp World, waxanaan aaminsanaa in Qalin lagu xadaayo Dekeda Berbera. Hase-yeeshee waxaan Maanta markhaati ka ahay in labada qaybood ee Dekeda Berbera ka kooban tahay hadii ay tahay qaybta ay maamusho Somaliland iyo hadii ay tahay qaybta ay Dp World maamusho, waxay labada qayboodba sammeeyeen Horumar aan la qiyaasi Karin. Waxanaan maanta ka markhaati ahay inay Dekeda Berbera mahadisay Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.
Waxaan soo xaqiiyey horumarka dhinac walba leh oo u gaadhsiiyey Dekeda Berbera.
Waxana ugu mudan oo aan soo qaadan karnaa inuu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi Dekeda Berbera Keenay laba Taag oo Casriya, kuwasoo soo xidhi doonaa Maraakiibta waaweyn ee kusoo xidhan doonaa Dekeda Berbera.  Kuwasoo ahaa kuwo ay dekedu baahi weyn u qabtay.
Sidoo kale, waxa kamid ah Guulaha iyo waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo gaadhsiiyeen Dekeda  oo keliya inuu dhisay Dhisme dhowr dabaq ah oo ay yeelatay Haayada Dekedaha Somaliland, kaasoo ah mid aan la ilaabi Karin. 
Waxa kaloo kamid ah Doonta loo yaqaano Baylood Bout oo ay raaci doonaan Bayloodada ka Hortaga Maraakiibta kusoo xidhanaysa Dekeda Berbera. 
Waxa kaloo kamid waxqabadka Balaadhan ee Dekeda Berbera ku Talaabsatay mudadii uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi gadhwadeenka ka ahaa,  tayaynta Shaqaalaha Dekeda Berbera, oo  aqoon ahaan iyo Caafimaad ahaanba la tayey korna loo qaaday. 
Dhismaha iyo baaladhinta Dekeda casriga ah ee Berbera oo gabo-gabo ku dhow. Waana guul uu qayb ka yahay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi. 
Hadaba waxaan leeyahay masuulkaa Dekeda Berbera gaadhsiiyey Guulaha waaweyn in la boggaadiyo  ayuu mudan yahay, waxanaan ilahay uga baryeyaa inuu ka abaalmariyo, waxanaan leeyahay Qaranka Somaliland shacabkiisu way ku ogyihiin waxaad u qabatay. Guulayso Maareeye. 
Waa bilahi Tawfiiq. 
Jaamac Yuusuf Maxamed. 
Hargeysa/ Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured