SOOMAALILAAND MIYAY MAHADISAY HOGAAMINTA XIBIGA KULMIYE (SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMAAD HANBAYAN). SIYAASI Madaxbanaan Axmed Cali Faarax
SOOMAALILAAND MIYAY MAHADISAY HOGAAMINTA XIBIGA KULMIYE
(SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMAAD HANBAYAN). SIYAASI Madaxbanaan Axmed Cali Faarax
Xisbiga Kumiye waxa uu aasaasmay kadib Geeridii Marxuum M H Ibrahim Egal Illaahay Ha U Naxariistee,waa Xisbi kulmiyay mujatamac badan oo kal afkaar ah waxaa ku jiray,Mujaahidiintii dalka xooreeyay qaar ka mid ah,waxaanuu u muuqday Xisbi ku soo kordhin Lara saaxada siyasada soomaalilaand mustaqbal togan,waxuu u tartamay Hogaanka Talada Dalka,kuna Guul darays tay tarankiisii u horeeyey,mar labaadkiina wuu ku guulaystay,kadib qawadkii dadweyna soomaalilaand ee wax qabadkii Xukuumadii Daahir Riyaale,ama ka gaabintiin waxii ay ka filanayeen inay qabto,dadku waxay rajo fiicanka ka filayeen isbedelkan cusubi inuu soo kordhin doono horuumar iyo ididiilo hor leh,mudadii baxnaanada Kadib,dadku way biyo diideen,waxay muujiyeen saluug xoogan,waxaanay noqotay (Kadar oo Dibi Dhal).
Qabashada Talada Dalka ee Xibiga Kulmiye waxtar daayoo Waxay ku soo kordhisay:
1-Qabyaalada oo aynu ka gudubnay markaynu samaysanay Asxaab Qaran
2-Musuq-Maasaq baahsan oo aan gabasho layhay madax iyo minjo(Qaatee Qaado)
3-Qadiyadii Madaxbaaanida J.soomaalilaand oo ay(Wiiqeen) kana leexdaan dariiqii X.Udub oo ahaa inay keliya ay lahadla yaan soomaaliya marka ay yeeshaan sida yada oo kale dad ku yimi doorasho toosa,halka X.Kulmiya ku bedashay qadiyadii Arimo Dhaqaale oo Dano Gaarah ah:sida Heshiisyadii
A-Heshiiskii Chatmanhouse
B-Kii Turkiga ee wareejinta Hawada J.soomaalilaand
C-Isku daygii imaatinkii Farmaajo ee Hargeysa
D-Kii Jabouti is dhex galka Bulshada(Dhaqanka iyo Cayaaraha)oo tilmaamaysa dad mid kaliya ah oo aan waxba isku diidanayan.
(Sidaynu la socono J Soomaalilaand waxay lee dahay Dastuur u kala qabiyay shaqada Waaxyaha Dawlada,sida.
Fulin,Sharci Dajin,iyo Garsoor.(oo midwalda qeexaya awoodahiisa)
Fulintu waxay awood u leedahay galista waxii Heshiis ah,Heshiiyada leh samaynayata Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulsho,(Iyada waxii ku saabsan Qadiyada Soomaalilaand Madaxbanaanideed kuma jirto waxii wada hadal ah inkasta uu X Kulimye ku doodo waxaa noo ogolaaday Labada Gole)waxaa waajib ah in la mariyo Sharci Dajinta oo ay Labada Gole Guuri Iyo Wakiiloba u ga doodaan qof qof qodob qodob ka dibina gacan taag loo gu codeeyo qodob qodob is uu noqdo heshiisku sharci,midna lama keenin heshiisyaad miisaanka siyaasadeed ku leh Qadiyada Soomaalilaand lagamana Ansixin Labada Gole Weyne waana Khiyaamo Qaran oo uu ku kacey X Kulmiye Intii uu Talada Dalka ka ariminayay,waana arin ay ka baaqsadeen inay kula xisaabtamaan dhamaan cidii shaqadan lahayad ,haday tahay Sharci Dajin iyo Asxaabta Mucaaradka ahba, waanay gabeen dhamaantood masuuliyadoodii Qaran ee Dastuuriga ahayd.
4-Burburinta Dastuurka iyo Diimuqraadiyada soomaalilaand haday tahay,Doorashoyinkii ,iyo Asxaabtii Qarankaba.
5-Cabudhinta iyo Faro Galinta Ganacsiga Gaarka(Free Market Economic Oriented)
-Telecomication
-Fuel Import Companies
-Financail Firms
6-labada Mashruuc ee saamayanta Dhaqaale leh waa:
A-Balaadhinta Dekadda Berbera
B-Wadada Isku Xidha Berbera Wajaale
-Labadiiba waxa hadheeyay musuq maasaq,waxaanay u dhaw yihiin qaar guuldaraysta,hadii farha lagala bixi lahaa,si fiicana loo maamuli lahaa waxay noqon la haayeen qaar Dalkana wax u tara iyagana ka badbaadiya Magac Xumo Iyo Taariikh Xuma laakiin waa cidii doonaysa.
Laba arimoodana meel wada galaan
Dan Guud Iyo Mid Gaar
Xisbiga Kulmiye iyo Calankiisa kala jaadka ihiba waxa uu ku sifoobay mid Wiiqay Qadiyadii Soomalilaand iyo Doonis Dano Gaara(Gaar ahaaneed)sidaa daraadeed May Mahadin Hogaamintiisa Bulshada Soomaalilaand.
(SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMAAD HANBAYAN)
Wayse cadahay in Xisbiga Kulmiye Burburayo Bulshada Soomaalilaandna ka raysanayso,laakiin ka soo kabashada dhaawac iyo dibin daab yadiisu mudday qaadanaysaa(Allow Noo Fududee).
ILLAAHOW BABAADI OO BARAKEE SOOMAALILAAND
AHMED ALI FARAH
SIYAASI MAXBANAAN
LA SOCO
XISBIYADA MUCAARADKA AHI MAKA BADBAADIN DOONAAN SOOMAALILAAND BURBUR SIYAASADEED Leave a comment |
|
SOOMAALILAAND MIYAY MAHADISAY HOGAAMINTA XIBIGA KULMIYE (SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMAAD HANBAYAN). SIYAASI Madaxbanaan Axmed Cali Faarax
SOOMAALILAAND MIYAY MAHADISAY HOGAAMINTA XIBIGA KULMIYE (SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMAAD HANBAYAN). SIYAASI Madaxbanaan Axmed Cali Faarax