Xagee Ayay Ku Dambeeyeen Dhaq-dhaqaaqii Udhexeeyay Madaxweyne Kuxigeenka Jsl Iyo Wasiirka Ganacsiga Saajin?.

0
Wednesday September 30, 2020 - 01:17:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xagee Ayay Ku Dambeeyeen Dhaq-dhaqaaqii Udhexeeyay Madaxweyne Kuxigeenka Jsl Iyo Wasiirka Ganacsiga Saajin?.

    Xagee Ayay Ku Dambeeyeen Dhaq-dhaqaaqii Udhexeeyay Madaxweyne Kuxigeenka Jsl Iyo Wasiirka Ganacsiga Saajin?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xagee Ayay Ku Dambeeyeen Dhaq-dhaqaaqii Udhexeeyay Madaxweyne Kuxigeenka Jsl Iyo Wasiirka Ganacsiga Saajin?.

Hargeysa(Xogreebnews)-Iyadoo Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Uu Furmayo Maalmaha soo Socda ayaa hadana Waxa Maalmihii u Dambeeyay Hadalhaynteedu joogsatey Arintii dhaqdhaqaaqa kala Riixashada Gudoomiyaha Afraad Ee Xisbiga Kulmiye oo ay Isku Hayeen Madaxweyne/Kuxigeenka Cabdiraxmaan-Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan (Saajin)Arintan ayaa La Sheegay, in ay isla Aamustey  Kadib Markii Sir Culusi Ka Fakatey, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad(Saajin), oo Ka Hadley Shir jaraa,id oo uu Ku Qabtey Magaalada Hargeysa, Kaas oo uu Ku Sheegay in uu Doonayo Jagada Madaxweyne/Kuxigeenka ee Wakhtigan Xilkeeda Hayo Cabdiraxmaan Saylici, Waxaanu Wasiirku Sida daahirka ah uga Hadley, in Xasan Ciise Jaamac iyo Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, ay Iska Joogaan Sidaa Daraadeedna, Madaxweyne Kuxigeenka Saylici uu la Galey Ololihii 2017kii islamarkaana, uu Filayay in uu Isaga u Haneeyo.

Waxaa is qaban Weyday oo Xataa Madaxweynuhu aad u Fahmi Waayay Nuxurka uu Ka Hadley Wasiir Saajin, iyo Hadalhaynta Taagneyd, oo aheyd Gudoomiyaha Afaraad ee Xisbiga Kulmiye, oo Kalidii Lagu Tartamayo.


Intaa Wixii Ka Dambeeyay Wasiir Saajin Waxa uu, Iska Watey ololaha uu Ku Cusub Yahay,Ee Kursiga Gudoomiyaha Afaraad ee Xisbiga Kulmiye, Balse Waxa uu Dad Badan u Sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Ka Dhigayo, Madaxweyne/kuxigeenkiisa Wax yar Kadib Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Kadibna uu isagu(Saajin), ahaan Marka uu Mudo ahaado Madaxweyne/Kuxigeen uu Damacsan yahay in uu noqdo Madaxweynaha Somaliland ee Badelaya Muuse Biixi isagoo Wasiirku arintaas, ku Sheegay in ay Tahey, mid uu Hiigsanayo.

Wararka Arintan La Xidhiidha, ayaa Sheegay in Hadalkani Wasiirku Gaadhsiiyay Qaar Kamid ah Dhalinyarada Taageerayaashiisa ah, oo Baraha Bulshada Ku Baahiyay in uu Saajin noqon doono Madaxweyne, inkastoo uu La Fajacay Madaxwayne Biixi sida laga soo wariyay .Haddana Lama oga Go,aanka uu Ka Qaatey arintaa,

‘Waxase Layaab Leh Aniga iyo Hebel Waanu Israacaynaa, Markaanu Israacno ee uu Faataxaysto, ayaan Madaxweyne Noqonayaa’

Geesta kale, Cabdiraxmaan-Saylici(Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland), ayaan Isagu Habayaraatee, Wax olole ah oo Muuqda Dhinacyada Warbaahinta, iyo Bulshada Midna ka Galin Dhaqdhaqaaqan isagoo,

Kaga Jawaabay Shir doceedyo ugaar ah ,oo aan Marna dibada Laga Dareemin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured