ITUS OO ITAABSII Q12AAD. Qalinkii Cabdixakim Maxamed Cabdi (Samokaab).

0
Thursday October 01, 2020 - 17:19:22 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ITUS OO ITAABSII Q12AAD. Qalinkii Cabdixakim Maxamed Cabdi (Samokaab).

    ITUS OO ITAABSII Q12AAD. Qalinkii Cabdixakim Maxamed Cabdi (Samokaab).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ITUS OO ITAABSII Q12AAD. Qalinkii Cabdixakim Maxamed Cabdi (Samokaab).
Waa qormo-qalinkii itus oo itaabsii qaybtii 12aad, waa dalka JSL dibadiisa, waa weeraro ka fog weedhaha diplomacy nimo oo aan gabasho iyo geed isku toosin toona ahayn si badheedha uu ugu soo qaaday madaxweynaha somaliya, waa farmaajo ‘e, waxa ay ahayd madal u boqranayd, ka soo qayb galayaasha waxaa la filan karaayay in ay ahaayeen dad si gaar ah loo soo xulay, waydiin iyo warcelin baa ka aloosnaa goobta, waa su’aasha ay ku qotonto qormadani ‘ye waxa ay u dhignayd "gooni isu taaga Somaliland” jawaabtu se waxa ay ahayd "30 sano ayay masuuliyiinta Somaliland madaxda ka ah been u sheegayeen bulshada, laakiin waxa ay xaqiiqdu tahay in Somaliland ay ku khasban tahay in ay nala midoobaan, somaliya kama maaranto Somaliland, Somaliland na ka ma maarmayso somaliya, anaa ka soo shaqeeyay wada hadaladii Somaliland iyo somaliya ku dhex maray dalka jabouti, dawladihii ka soo qayb galay anaa u wada yeedhay si ay marag/markhaati uga noqdaan”
Jawaabta sidaas ahi waxa ay taabatay dareenka/shucuurta bulshada JSL oo lagu qiyaaso tiro ahaan 4Mln, yar iyo weyn gobal kasta oo ay joogeen/joogaan.
U soo noqo garoonka iyo halkay dheeshu taalo, saar miisaanka nuxurka hadalka itus oo itaabsii, beesha caalamkana u daa maraga ay indhaha ku hayaan, soo qaado weedha "Somaliland way ku khasban tahay in somaliya la midawdo” 
Weedhaas madaxweynuhu waxa ay kala fogaysay Somaliland iyo somaliya hadii uu rajo ka rabo dib u soo noqoshada ama midawga Somaliland iyo somaliya umuu dhigeen sidaa hadalka.
Geel Caruuri qaaday ma dheera, wada hadaladi dhawaan uga socday labbada dal, dalka jabuuti ee daaranaa walaaltinimda iyo waanwaanta isu soo dhawaashaha waa hal bacaad lagu lisay, marka lagu dabo-karo jawaabta masuulkaas, dawladihii ka soo qayb galayna ee dhexdhexaadka ahaa waxaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan Aqoonsiga Somaliland.


Qalinkii Cabdixakim Maxamed Cabdi (Samokaab)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured