"Maxay Iiraan U Taageertay Armeeniyada Kiristanka Ah, Ee Ay Uga Hortimi Azerbajan Oo ah Muslim Shiica Ah?Siyaasi cali Mareexaan.

0
Thursday October 01, 2020 - 20:18:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maxay Iiraan U Taageertay Armeeniyada Kiristanka Ah, Ee Ay Uga Hortimi Azerbajan Oo ah Muslim Shiica Ah?Siyaasi cali Mareexaan.

    "Maxay Iiraan U Taageertay Armeeniyada Kiristanka Ah, Ee Ay Uga Hortimi Azerbajan Oo ah Muslim Shiica Ah?Siyaasi cali Mareexaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maxay Iiraan U Taageertay Armeeniyada Kiristanka Ah, Ee Ay Uga Hortimi Azerbajan Oo ah Muslim Shiica Ah?Siyaasi cali Mareexaan.

Su’aashaasi dad badan oo caalamka ah ayey ka wareerisay waxayna u baahan tahay in laga jawaabo.

Sida la ogyahay labadaa dal ee jaarka ah waxaa u dhexeeya colaad guun ah oo diin, dhul iyo taariikhba leh. waxaa dagaalo culusi dhex mareen horraantii sagaashaamdkii markii labada dalba ay ka go’een Soofiytkii burburay. Dagaalkoodaa oo ku bilaabmay lahaanshaha buuralayda Nagorna karabakh oo ku yaala guduha dalka Azerbayjan aduunkuna u aqoonsan yahay in ay ka mid tahay dhulka Azerbayjan laakiin ay ku nool yihiin dad Armaaniyiin ah.

Habada Armeniya oo ah dal Kiristaan ah oo mararka qaarna loogu yeedho Isra’iilta Caucasuska, oo looga jeedo dal yar oo Kiristan ah oo lagu dhex googooyey dalal Islaam ah, waxaa si aan gabasho lahayn u taageera Ruushka oo markii horeba sameeyey. waxaa kale oo taageera Israa’iil.

 

 

Dhinaca kale Azerbayjan waa dal muslin  ah oo weliba 85% ay yihiin Shiico, xuduud balaadhana waxay la leeyihiin Iiran. Azerbajan waxaa taageera Turkiga, laakiin Iiran waxay mar kasta la safataa Armeniyada Kiristanka ah waxayna ka soo horjeesataa Azarbayjanta Shiicada ah, oo ah dalka labaad ee shiicada ugu dabadi ku nooshahay dunida marka la eego boqolayda (Percentage wise).

Waxaa layaabka sii xoojinayaa waxaa weeye Iiraan iyo Israa’iil waa isku dhinac marka Cuacasuska la joogo islaam iyo shiicana ma xeerinayso, marka bariga dhexe la joogana waa col iyada iyo Yuhuudu, waxaanay ugu calaamadsan yihiin cadawga koobaad ee Muslimka.

Hadaba maxaa si ah?

Arintani waxay dabada ku haysaa taariikh dheer oo soo taxnayd kun sano ilaa iyo dhalashadii dawladii Salaajiqada oo qabaa’il Asalkoodu Turki yihiin ay ka aas aaseen waqooyiga Iiraan, ka dibna ay u fiday dhinac kasta. Arintaasi marka dib loo raaco waxay dhalisaa xafiiltan dhinaca isirka ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Faarisiyiinta.

Dadka Azeriyintu  waxay ku hadlaan lahjad Turki ah, qabaa’ilka qaarkoodna asalkoodu waaba Turki, taasi waxay keentay in Turkiga oo Suni ahi  kaga xoog bato Iiran Azerbajaan. Intaa waxaa raacda Iiraan lafteeda gobolada dhinaca waqooyiga waxaa dega dadka Azeriyiinta ah oo af iyo isirba ay Azerbayjan ay isku mid yihiin. Intaas oo keliya maaha ee dhinaca bariga Iiran ee badda Caspian-ka waxaa dega dadka Turkmen ka ah oo iyana ku dhaw Turgiga dhaqan ahaan.

Markaa Iiraan waxay isu gaysatay hadii gobolka ay Azeriyiintu ku xoogaytaan in ay tahay Turkiga oo Iiraan ku soo xoogaystay, sidaa darteed waxay u arkeen in  taageerada Armaaniya ay ku jirto danta Iiraan, markaa Shiicadii ay calanka u sideen way tuureen.Hase yeeshee dhawrkii maalmood ee u danbeeyey Iiran waxay ku baaqaysan xabad joojin iyo wada hadal, ka dib markii ay u muuqatay in si wayn looga gacan sarreeyo Armeniyadii ay taageersanayd.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured