Horumarka Dekeda Berbera: Waxqabadka Salka Balaadhan, Dhismaha Dekeda cusub, Tabobarada Shaqaalaha, Keenista Taagag Casriya, Dhisme Laba Dabaq ah, Doonyo Casriya,Nalalka Bada ee Habeenkii....

0
Friday October 02, 2020 - 17:06:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horumarka Dekeda Berbera: Waxqabadka Salka Balaadhan, Dhismaha Dekeda cusub, Tabobarada Shaqaalaha, Keenista Taagag Casriya, Dhisme Laba Dabaq ah, Doonyo Casriya,Nalalka Bada ee Habeenkii....

    Horumarka Dekeda Berbera: Waxqabadka Salka Balaadhan, Dhismaha Dekeda cusub, Tabobarada Shaqaalaha, Keenista Taagag Casriya, Dhisme Laba Dabaq ah, Doonyo Casriya,Nalalka Bada ee Habeenkii....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horumarka Dekeda Berbera: Waxqabadka Salka Balaadhan, Dhismaha Dekeda cusub, Tabobarada Shaqaalaha, Keenista Taagag Casriya, Dhisme Laba Dabaq ah, Doonyo Casriya,Nalalka Bada ee Habeenkii....
Hargeysa(Xogreebnews)-Taarikhda Somaliland, gaar ahaan Dekeda Magaalada Berbera waxa ka muuqda sadexdii sanadood ee u dambeeyey horumar baaxad leh oo dhinac walba ah. Guulahana waxa ku suntan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Maareeyihiisa Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo noqday shaqsi isbedel taaba-qaaday ku sameeyey, isla markaana ka dhigay dekeda Berbera mid ganacsatada iyo umadaha kalee danaynayaa soo jiidanaysa.
Sidaas daraadeed, waxaynu Maanta qormadeenan kusoo qaadan-doonaa horumarka baaxada leh ee sadexdii sanadood ee u dambeeyey ay ku taalaabsatay dekeda Berbera oo maanta noqotay Mid Caalamiya, isla markaana ka gudubtay localnimadii.
Tan iyo intii uu Maareeyaha ka ahaa Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isla markaana qaybta raarista iyo dejintana ay xukumaysay Shirkada Caalamiga ah ee Dp World, waxa ay Dekeda Berbera u horumartay si aan la qiyaasi karin, iyadoo gaadhay meel sare. Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa kamid ahaa inuu Sadex sanaadood gudahood ku keeno laba Taag oo Casriya, kuwasoo 30 sanaadood aanay yeelan dekedu maanta ka horow. 
Sidoo kale waxa kamid ah, dhisme Sadex dabaq ah oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba Hool oo lagu talo galay Shirarka inuu u dhisay Dekeda Berbera. Iyadoo Maamulka dekedu hada uu ku shaqeeyo, xafiisyadaas oo u qalabaysan nidaam dawladnimo oo dhamaystiran ka muuqdo. Waxana markaad gudaha Dekeda Berbera gasho indhahaagu qabanayaan sarta dheer ee midabka Dahabka ah ee loo dhisay Maamulka Dekeda Berbera.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu la yimi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato iyo dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera, oo hada ah mid ka dhisan Qalab ahaan, shaqo ahaan iyo aqoon ahaanba. Dekeda Berbera waxay maanta leedahay shaqaale xirfadoodu sarayso, qaarkood uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi kusoo tabo-baray dalka dibadiisa, sidoo kale waxay leedahay shaqaale lagu tabo-baray gudaha dalka oo weliba dhowr qaybood ah.
Geesta kale, waxa uu Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi dardaar-geliyey, isla markaana geed-dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu u hirgeli lahaa Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera, waxanu ku sameeyey daba-gal iyo sidii kastoo Dekedaasi dalka ugu dhismi lahayd.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu shaqada Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera ku hayaa Kormeer joogto ah, kaasoo todobaadle ah, isla markaana ujeedka ugu weyn ee Maareeyuhuu yahay in dhaxal umada Somaliland u aydo ha u noqoto.
Horumarka iyo himilooyinkaa dhismaha Dekeda cusub ee Berbera waxa qayb-weyn ku lahaa madaxweynaha Somaliland iyo Maareeyihiisa Dekeda oo daacad ka noqday taabo-qaadka mashaaricda lagu horumarinaayo Dekeda Berbera.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu noqday, Maareeyihii koowaad ee ay Mahadisay Dekeda Berbera, waxyaabo Tiro badan oo kale kusoo kordhiyey Dekeda sida nalalka Bada ee habeenkii Iftiima, iyadoo maraakibta hada habeenkii lasoo xidho. Sidoo kalena dekedu shaqayso 24 saacadoodba, nidaamka shaqaalaha iyo shaqada oo Casriya, taasina waxay fudaydisay inuu laban-laabmo ama sadex jibaarmo hananka shaqo ee dekedu. La soco qaybaha dambe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured