ITUS OO ITAABSII Q13AAD. Qalinkii Cabdixakiim Maxamed Cabdi (Samokaab)

0
Saturday October 03, 2020 - 22:53:50 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ITUS OO ITAABSII Q13AAD. Qalinkii Cabdixakiim Maxamed Cabdi (Samokaab)

    ITUS OO ITAABSII Q13AAD. Qalinkii Cabdixakiim Maxamed Cabdi (Samokaab)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ITUS OO ITAABSII Q13AAD. Qalinkii Cabdixakiim Maxamed Cabdi (Samokaab)
Aan ku bilaabo Bisinka Saliga Nebiga (NNKH) iyo suuradaha qur’aanka, waa qormadii 13aad ee taxanihii itus oo itaabsii, waxa ay diiradu saaran tahay masuul xildhibaan ka ah golaha wakiilada JSL.
Waxa ay ahayd Maalin aan sidaa uga sii fogayn amintii aan qalinka u qaatay qormadan, waa xildhibaan bulshada ku dhex leh xasaanad kana mid ah 82 da xubnood ee ka wakiilka ah umada degan geyiga/carada Somaliland, dhanka kale waa wiil dhalinyar ah oo haysta banjarleh/goobayste kalana soo baxa masaariifta malin laha ah, ujeedku se waa gacan ka hadal dhex maray wiilkaa iyo xildhibaanka, inkasta oo dadka alleh simay kala sarayn iyo kala hoosaynina reeban tahay ayaa hadana aynu isku miisaami doonaa mansabka ay kala yihiin ama ay bulshada u kala taagan yihiin. 
Itaal darida dhaqaale ka sakow, cashuurta uu bixiyo waa goobaystaha ‘e buu u qaataa mushahar xildhibaanku, intaasi ku filan faalayn halka ay kala joogaan ama ay kala taagan yihiin.
Marka laga yimaada hadalada ay is waydaarsadeen falku sida uu u dhacay baa ahayd sidan "Dhirbaaxo ayuu ku dhuftay xildhibaanku wiilkii goobaystaha ahaa, wiilkiina waxa uu u ganay feedh”  
Mee dulqaadkii lagu yaqaanay mansabka ama xilka xildhibaanimo? 
Soo qaado qiyaas ahaan Da’da xildhibaanka 60 sano, maxaa laga filan karaa ruuxa da’dan cago cagaynaya marka laga yimaado xilka uu bulshada u ahayo?
Ku sii fogaan maayo balse waxa aan ku soo gunaanadayaa odhaahda ah "Dhalinyarada Maanta ayaa ka dulqaad badan odayaasha”
Qalinkii: Cabdixakiim Maxamed Cabdi (Samokaab)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured