Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Md. Axmed Cismaan Xasan oo Mudo kooban Isbedel Dhinacyo badan oo Horimarineed ka Sameeyey Gobolka...

0
Sunday October 04, 2020 - 01:05:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Md. Axmed Cismaan Xasan oo Mudo kooban Isbedel Dhinacyo badan oo Horimarineed ka Sameeyey Gobolka...

    Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Md. Axmed Cismaan Xasan oo Mudo kooban Isbedel Dhinacyo badan oo Horimarineed ka Sameeyey Gobolka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Md. Axmed Cismaan Xasan oo Mudo kooban Isbedel Dhinacyo badan oo Horimarineed ka Sameeyey Gobolka...
Ceerigaabo(Xogreebnews)-Badhasaabka gobolka Sanaag Md. Axmed Cismaan Xasan, oo xilka badhaasibnimo ee Gobolka Sanaag hayey mudo kooban, ayaa isbedel dhinacyo badan oo horimarineed ka sameeyey Gobolka, isla markaana Gobolka hada ka dhigay mid ku socda jihada Nabada iyo Horumar dhinacyo badan.
Badhasaabka gobolka Sanaag Md. Axmed Cismaan Xasan, waxa uu xilka Badhasaabnimo ee Gobolka Sanaag la wareegay, iyadoo ay Gobolkaa ka taagan tahay Xaalado iskugu jira amni daro iyo weliba khilaafyo beeleed, iyo dib u dhac dhinacyo badan. 
Hadaba maxaa isbedelay mudadii gaabnay ee u hoggaanka Gobolka Sanaag hayey Gudoomiye Axmed Cismaan Xasan?.
Waxa Gobolka Sanaag si toosa bilihii u dambeeyey ee u Gudoomiye Axmed Cismaan Xasan xilka hayey, si weyn uga hawlgalay Haayadaha Caalamiga ah, ee Somaliland kala shaqeeya dhinacyada horumarka, sida Waxbaraashada, Caafimaadka iyo adeegyada kalee daruuriga ah.
Gudoomiye Axmed Cismaan Xasan, waxa uu ku guulaystay inuu Gobolka Sanaag ka dhigo mid ka koray colaadihii ehliga ahaa iyo dagaalo beeleedyadii soo noq-noqon jiray, waxanay Bulshada Gobolka Sanaag ku nooli iyo hoggaamintooda dhinaca dawladdu, hada u dhaqaaqeen dhabbihii lagu horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada horimarineed ee lagama maarmaanka u ah Bulshada. 
Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Sanaag md. Axmed Cismaan Xasan, waxa uu ku hawlan yahay sidii Gobolkaasi u noqon lahaa mid Jidka uu maanta qaaday ee dhinaca horumarka ku sii socda, isagoo Badhaasab Axmed Cismaan dagaal ba'an kula jira wax kastoo xagal daacinaya amniga iyo horumarkaba. 
Sidee ayey Beelaha Gobolka Sanaag wada deggaa ula shaqeeyaan Badhasaabka Gobolka Sanaag Md. Axmed Cismaan Xasan, waxaynu Arrinka iyo kuwo kaleba kusoo qaadan doonaa qormooyinka dambe hadii Alle ka dhigo.
Xogreeb@gmail.com 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured